Waa gabay la yidhaa heegan

 

salaamu calaykum waa maalintii afraad ee shacbiga somalilan ay duugayaan shuhadadii ku geeriyootay ismiidaamintii ka dhacday casimada dalka somaliland ee hargaysa.

waxaan halkan tacsi u dirayaa dhamaan shacbiga somaliland gaar ahaan qoysaskii ay kashahiideen mujaahidiintu inta dhawacana waxanu leenahay ilaahay ha siiyo caafimaad
meel ay diinta kaga jirto in dad sidan loo xasuuqo oo qaraxan oo kale lala beegsado umad muslima  meel ay diinta kaga jirto anigima garanaayo tixdana waxay ka hadlaysaa qaraxaas ka dhacay magaaalada hargeysa

higta yeedhay hargaysa holaca qiiqa hadheeyay hujuumka weererka hororka shacbiga duqeeyay hebedka habawsan ee hagoogtay shaadka diinta islaamka hagardaamadiyo dhibka ragan hootada soo afaystay duulaankan habaysan iyo ragan hadimada mooday wanaga hubaal waa mujrimiin u hanuunsan shaydanka

marse hadii nabadii haatan la quudhsaday oo xumaha loo hiloobay hadhqodaalka ubadkii hurday iyo maatadii hadii waranka loo dhaabay hubka daran iyo hadii loo cuskaday baaruuda qaraxda hilbihii dadkaga hadii la wadhay oo shaarica hareer yaal maydku inaan hagradaa oo hiil layga waayaa waa hal an dhacyn dheh

hubka inaanu qaadan waa la hubaa haduu guule nagu simo dheh halyaydii dhiiranaan jiray haday gudanayaan hawshii loo igmaday dheh haybadii ra.iiska halyay ina riyaale shacabkiisa hanuunsan markuu saanada horqaado qorshe uu habeeyay markuu umadiisa heegan galiyo ciidanka  halgan wada jira markaanu haleelno guubaabada heesahalkay gali galabtaa ragii hargaysa waxyaha najaray  awalba rag kaa hanwayn oo saanad lahaa hubka lagu halaagmo ka huleelay hargeysa oo haatan dunida joogin adigoo hagoogtoo hankaagu yahay doolar inaan kuu holodo haka yaabin laciifoow  afaryaw hararka gogaln jiray ee hamiga nolosha seegay  haybad iyo ragyaw lahayn sharaf la halmaasha  hantida shaydaanka ragiinan hibada mooday ee doolar la siiyay huqda maatada gooya hadii hosahaan laguu yidhi huubal waa cadaab halkaa aakhira dagaysaan

anaguna heegan baanu galnay halyaydii somaliland dheh
hanti iyo naftaba waa huraynaa heerkastoo yimaadaba
 

 


siciid cabdi dheen

murtiil@yahoo.com
london