WAA GABAY LA MAGAC BAXAY
MAJAREE



Dhamaan waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Wara xma tullaahi Wabarakaatuhu, salaan kabacdi waxaan idin lee yahay meelkastood joogtaan happy anniversary to you all, waxaan inoo rajynyaa bash bash kaa iyo barwaqadaa aynu ku jirno in ilaahay inoo siyaadiyo guushaa iyo gobanimadaa  ilaa hay inasiiyey, hambalyo hambalyo hambalyo.

Waxan halkan idinku soo gudbinyaa gabay ka had laaya dadkeena nimcadaa aan arkayn ee u riyaaqaya waxii aynu ka xorowny.Gabygani wuxuu soo baxay 16/05/09 magaciisuna waa (majare)
 

 

Ma da gabayga miimkii ma qorin maxamed deeqoowe
Maansooyin kii daayay iyo magaci suugaane
Maaxdiyo xareedii ma shubin meeriska ahaaye
Murse haday ka daran tahay tixdan caawa marinyo
Oon maanku doonaynino maqalku diidaayo
Runtu waa ka marmaan inan madasha keenaaye.


**********

Maanlaawihii cararayow dhegaha miishaari
Misciriirta maantay gashee taladu ay maagty
Madfaciyo shilkaa maalintii miigu dhabanayey
Miidaamis mooyaane aan madax la reebaynin
Maxastiyo caruurtii markii milicda loo daadshay
Manfacii la cunayiyo biyii laga mabnuucayay
Mahuraan dalkoodii markii lagu maduurayay
Marna igama maydhmine maxaa adiga ku muqday
Muxbada dadkayagaan ku nacay keli muraqowga.

**********

Mugdigii ku soo maray miyaa ayar kula mooday
Maalmihii qadhadhaa miyaa kula macaanaaday
Majarii lagaa furay miyay muhatay laabatadu
Umushaa minddidii lagu jariyo murugtu dhaaftaye
Adigaa mesaalkeed ka daran kana maciin liita .

**********

Ma hilmaantay midab sooci iyo magac lagu diiday
Ma hilmaantay mooshinkii dagaal maydku tira beelay
Ma hilmaantay dhaawaca makalan welina miirabin
Muxubada dadkaygan ku nacay keli muraqowga.

**********

Haday mala awaal kula tihiyo sheeko muran joogta
Oo aadan maandhow ogayn muurti lagu leeday
Dacarataan mugabshiyo suntaan malin wada laacnay
Haday adiga miid kula tahiyo malabkii doocanka
Muut muut haday kaa gashiyo mala malayn beena
Oo aadan maan kaba ku hayn shalay waxad mooday
Hadii maabku uu kaa qaldamay waa mashaqo wayne
Darkalena inaad maamushaa waa midan dhicine
Ka mashiiqso ceebtaad mulkiday magac xumaantaada.

**********

Mujaahidintii noo soo kacee midigta noo taagay
Ee macangaggii naga kacshiyo taliskii maanlaawe
Muslinimo kuwii doonayee magaca dhawraayey
Maalkiyo naftii noo huree mawdka u badheedhay
Magacood ha raagee SNM mahad ayaan siiyay
Milgo iyo waxay naga muteen sharaf la miisamay
Masnad dahaba bay kaga jiraan moolka taarikhda.

**********

Midhihii bisladiyo wakaa madhaxii aan ahayno
Maskabkii lahelay iyo wakaa calankii miignaaye
Macdantii baddiyo waynagaa dhurayna moodkiiye
Mataanay ku curataa hashii magaca waynayde
Mush mushaaxanay somaaliland malin iyo layle
Mafsuud baan kuwada noolihiyo mahad ilahaye
Maansha alaa weeye iyo mahad ilaahaye.

**********

Waxba gabayga yaan meela kale kula muraaqoone
Macankaa ninkii aan arakayn waa makalaynaaye
Mareegtiyo waxaan galinaynaa maqasha oodeeda
Miishaar af wayn baan ku jari madaxa uu taagay
Mandheeriyo waxaan gaynaynaa madhaarka agtisa
Moofiyo tinarkaynu gelin magac xumaantisa

wabilaahi tawfiiq

 

 

Caasha Luul Maxamuud Yuusuf