Waa Fadeexado Musuq-maasuq Huwan Bixinta Dhulka Hantida Qaranka Ee U Dhaxeeya Haamaha Shidaalka Iyo Dekeda Berbera

 

Waxay tahay fadeexo iyo wax aan la maqli Karin, lana ogolaan Karin bixinta dhulka xaasaasiga ah ee kor ku tilmaaman, taasoo ah wax aan ka suurtoobi Karin inay ku kacaan mas’uuliyiin Qaran ee Dalkan ay ka hayso rajo iyo dani, gaar ahaan mustaqbalka horumarka hooyada Somaliland oo dhan (Berbera), waxaana hore loo yidhi Berberi wax gunti iyo jeeb la geliyo ka weyn, wuxuuna raasamaalka keliya (asset) ee leedahay Berbera ahaa xeebaha batalaale ee dhinaca bariga iyo aagga xeebta noobiyadda ee dhinaca galbeedka, una ahaa kayd lama taabtaan ah hawlaha Dalxiiska, mariinada badda, difaaca madaafiicda xeebta, hawada, badda iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah, kuwaas oo hadda loogu jiro billiliqeysi iyo fasaxaad, waxanay u ifaalo egtahay maamul bur-bur hor leh.

ü Bixinta dhulkaasi wuxuu halis ku yahay nabadgalyada haamaha shidaalka iyo Dekeda qaaliga iyo muhiinka ah, waxaana la yaab iyo isweydiin leh, sababta ay u ogolaadeen, ugana raali yihiin, mas’uuliyiinta maamulka haamaha shidaalka iyo Maareeyaha Guud ee Dekedda loo igmadey oo lagu yaqaan injineer fir-fircoon oo aragti fog iyo dareen wadannimo leh, isla markaana laga filaayey inuu yahay Nin ka damqan kara, kana hor imaan kara dhibaatada ka soo gaadhi karta bixinta dhulkaas, fiditaanka maamulka iyo bilicsamida Dekedda uu madaxda ka yahay ee mas’uulkana uga yahay Ummadda Somaliland oo dhan (kumee Xoor-xoor)?.

ü Waxa kaloo dhulkaas muddada dheer u xayirnaa mustaqbalka danta guud, laga bilaabo haamaha iyo Dekedda dhexdooda ilaa iyo noobiyadda, waxa ilaalintooda iyo dhawritaankooda xil ka saaran yahay Golaha Deegaanka Berbera, Mariinada Badda, Wasaaradda Hawlaha Guud, iyo Maamulka Gobolka, kuwaas oo aan sinnaba uga baxsan doonin, wixii ka yimaada ku tagri falka dhulkaas hantida Qaran ah, ee waxyeellada ku ah Nabadgalyada haamaha iyo balaadhinta (koritaanka) Dekedda oo haddii dhulkaas laga bixiyo noqoneysa meel la rabo in laga guuro, una qalmi doonin, inay haweysato ama hiigsato la tartanka Dekeddaha la ayniga ah, waxayna is-weydiintu tahay, sideebay ku noqon doontaa Deked Caalami ah, haddii laga soo xidhay aaggii keli ahaa ee ay ku fidi lahayd, una ahaa keydka, mana noqon karo dhulkaasi Xero-Geel, iyo Xarun qalab dhismo Qof leeyahay, toonna.

ü Meeye Salaadiintii, Cuqaashii iyo Xil-dhibaanaddii Saaxil ee laga rabey inay daneeyaan horumarka Berbera, oo miyaan gaar ahaan Adeer Dablow adiga Berbera daniba kaa haynin !! aaway Sheekha calman ee yidhaahda Berbera aniga ayaa denbaaba oo halkii Cigaal u jooga ma in lagu feegaaro Berbera ayuu raali ka yahay Sheekhu?

ü Anigu Berbera waan jecelahay oo waan ku dhashay, ku barbaabay, ku hanno-qaaday ( Ab ka Awow), waxaanan ku leeyahay hanti ma guurta ah oo ma jecli inay ka guuraan noqoto, sida cadowgu la damacsan yahay, hase yeeshee, waxay leedahay Rabbi iyo Rag badbaadin doona oo aan ogolaan doonin in laga fara-xumeeyo deegaankooda qaaliga ah, waxaana iman doonta maalin – xisaabi-xil-ma leh laga furi doono ku jawr-falka Berbera iyo ku tumashada maamulka oo Ragga hadda faanayaa ee leh i arkaay i maqlaay ay odhan doonaan kol uun Hooyow hoosta i geli.

Ilaahayow Berbera bedbaadi oo ferej cusub uga fur xagaaga.



Amiin Amiin Amiin Amiin

 

 

 

By: Ahmed A. Goodir  – Hargeysa