“Waa Axmaqanimo halkii ugu dambaysay in qof dhintay laga dhigo inuu nool yahay, si lacag..”

 

Hargeysa (TNN) :– Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakii llada Somaliland, ayaa axmaqnimo iyo fool xumo ku tilmaamay in qof dhintay laga dhigo inuu nool yahay, si lacag looga gurto ehelkiisa, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay talaabo adag ay ka qaado Dhakhtarkii falkaas ku kacay.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Dadka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaa looga baahan yahay inay isku naxariistaan oo ay is caawiy aan, waxna isku qabtaan, laakiin qof dhintay in laga dhigo inuu nool yahay si ehelkiisa lacag looga gurto, waa dambi, waana axmaqanimo halkii ugu dambaysay in qof dhintay laga dhigo inuu nool yahay, ee talaabo adag ha laga qaado dhakhtarkii ku kacay arintan foosha xun, si aanay waxan oo kale mar dambe inoogu so o noqon, oo Xukuumaddu sharci ha hor keento”.

Dhinaca kale, wuxuu Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asaxaab tii iyo umadda reer Somaliland ee ay ka baxday Marwo Shugri Xariir, oo shalay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo.


 


Xigasho: Geeska