Waa Sheeko Taxane Ah oo magaceeda la yiraahdo Isbedel Doon - Qaybtii 5-aad

 

Lacag haynteed iyada hadalkeedba daa balse Aabo oo Waji Magaalda ku lahaa wuxuu baadi goobay bal inuu helo Woxogaa Amaah ah, Wuuse ka quustay oo sanadkaasi wakhtiga iska xumaa sixir barar xuna ayaa suuqa ka jiray , Hooyadaa oo aad kuu jeclayd ayaa ku tidhi: Inankayga ma doonaysid inaad wax u dirtid ee hadii aad doonayso inaad wax u dirto u Iibi dukaankan yar inaga ilaahay baa ina siin wax aan Masruufnee!!!!!!



Talaa faraha ka Haaday! Arinkale oo la sameeyaa ma jirto Hooyo iyo Aabana  wa xay gaadheen inay isku Afdhaafeen dartaa in mudo ah markii uu murankoodu batay ayuu Aabo aqbalay inuu dukaanka yar Xaraasho.

Kadibna wuu iibiyay iibna maahee waxii lagu baayacay hadalba kamuu keenin  w uxuu noqday woxogaa yar oo aan waxba kuu qabanayn xaafadiina Seejiyay intii yaraydee Masaariifta ahayd.

Lacagtii yarayd waa laguu soo diray waxay gaadhay, Balantii uu idiin qabtay kii xumaa ee maalintii dhawayd looxaanta isku Nab-nabayay ee idinku yidhi waxaan baxayaa sabtida dhaw, ee soo diyaar garooba hadii kale anuu ma cidbaan  waay aaba umaduba waa Ilma jar-iskaxoor(tahriibayaal), waxad u diyaar garawden in aaad bilawdaan safarkii, laydinkuna uruuriyay looxaantii yarayd ee maalinkii  dha wayd la isku dhadhajinayay aduu waad arkaysaa in ay waxani tahay looxaantii maalinkii dhawayd la isku dhaf-dhafay laakiin wixii Ilbaxnimada kaa hor istaaga oo dhan waa inaad u adkaysataa Alaw ha na doorin….



Kadib markii aad shiracateen ee aad in mudo ah socoteenm ayaa waxay badu  b ilawday in ay is garaacdo, Oo ay mawjaduhu kacaaan oo dhirbaaxo iskala  daalaa n , Doontan yari waa mid aad u Ciirciiraysa oo la saaaray tiro dad ah oo aan  loo gu talo galin, balse cidna laguma Qasbin ee qof waliba isagoo arkaya oo ogol ay uu soo fuulay.



In mudo ah markii ay dhex jibaaxayeen Bada dhexdeeda, ayaa mar ay ku  dhawa ayeen Talyaaniga waxay ciidankii shaqaalaha doontu la soo baxeen Qoryo AK47 waxaana lasoo jeediyay Amar dagdag ah oo qeexaya in si daga-dega looga  Dha adhaco Doonta, waxaana loogu cago jugleeyay in qofkii diida isagoo mayd ah  ba da lagu tuuri doono. Markaa iyamaa wanaagsan inaad idinku isku tuurtaan  idink oo Nool iyo in laydinka Daadiyo idinkoo mayd ah!



Dadku laba yay u qaybsameen koox ku adkaysatay in doonta laga tuuro iyagoo mayda oo dhega adaygay deedna laabta xabad loo galiyay iyo qaar door biday in ay u wanaagsan tahay in ay dabaashaan, balse kuwaasi waxay isku yara  hub een inyaroo Dabaal ah intii dabaalayn karaysay way dabaalatay. Waxaad ku jirtay kooxda danbe ee dabaasha miciinsaday balse maxaad dabaalataa!!! Bada geerkeedii kuuma dhawa umana eeka in aad ku gaadhi karto dabaal, Balse  waxa a loo baahan yahay in aad adkaysato ayaad naftaada kula faqday Maxaad  adka ysata? Waxaad cadaan u arkaysay markii uu saaxiibkaa isagoon dabaal  garan ayn isku sii daayay badan misna uu ilaa Gunta biyo kasoo cabay Waad arkaysay laakiin maad badbaadin karayn.



Cali yare markuu in mudo ah dabaashay waxuu dareemay Daal badan iyo Cidiyihi oo baxay, kolba Dhagax ayuu jiidhaa balse waxaa qasaba inuu adkaysto si u u gaadho Bada geerkeeda, Wax uu dabaashaba waxa meel aan ka fogayn si kadisa uga soo baxay xayawaan aad u wayn oo aanu hore u arag, Haa hore umuu arag balse waxuu ku qiyaasay inuu ahaa Libaax Badeed, Naf orad bay kugu  aaminta aye dhuf-dhacdii ayuu sii kordhiyay waxaanu ka quustay nolosha marba marka ka danbaysa ayuu shaygii kugu soo dhawaanayay Adna xawaaraha dabaasha ayaad sii kordhinaysay, jabkuse waxa uu ahaa waxani muu ahayn wax hadhaya ama laga dheerayn karo, Mar aad nafta nacday oo aad Is dhiibtay ayuu libaax badeedkii kaa qaniinay lugta isagoo dhamaantaa doonaya inuu ku liqo ayaa  wax aa ku arkay Qolooyin ciidamada bada ee Talyaaniga ah.

Qoladii ciidamada badi way kasoo badbaadiyeen Cali yare libaaxi iyo badii uu ku dhex rafanayay waxaana la geeyay dhakhtar si loo Xanaaneeyo in mudo ah  ma rkii uu ku jiray dhakhtarkii ee uu yara caafimaaday lugtiina bogsatay ayuu  Hab een Habeenada ka mida damcay inuu dhakhtarka ka baxsado, ilayn hadii kale waxaa lagu soo celin doonaa dadkii uu dhaqankooda Nacayaye! Si kastaba ha ahaatee wuu ka baxsaday waxaanu u baxsaday Ilaa Ingiriiska in mudo ah markii uu joogay, Halkaasi waxa uu bilabay in uu Baadi goobo shaqo. Balse shaqadu banaanada iskama taalee wuu ka daalay Raadisteedii meel walba oo uu tago waxaa la waydinayaa maxaad baratay? iyo maku soo shaqaysay waxan aad  bar atay?, Shahaadooyin ma sidataa? iyo suaalo kale oo noocaas ah intii danbe cali yare wuu ka niyad jabay kana daalay shaqo raadinteeda.



Waxaa uu helay kooxdii uu ka tirsanaa kooxo ay xidhiidh leeyihiin oo iyaguna ku jira ciidanka ISBEDAL-DOONKA ee uu wadankii kaga yimid sidaas darted waxaa u fududaaday in uu dhaqanaddiisii hore halkii ka bilaabay, Waxa uu galay nolol Mugdi ah, Markii uu wadanka joogay waxa uu isticmaali jiray Balwado yaryar oo la iskula yaabo, oo laysku caayo balse halkan balwad inaad yeelata waa Daruuri waana wax iska caadiya sida darted wax uu hada isticmaala waxyaabo badan oo Drugs ah sida Xashiishad, Iskiriin nin weyn(Khamri), Baararka oo uu tago qofka ugu danbeeya ee baarka ka baxaa habeenkii waa Cali yare(jackson) badanka sida uu uga dhex Qayl-qaylinaya ayuun buu dhacaa waxaana la hor dhigaa  mee lahaa Wadada agteeda halkaasi oo uu seexdo aroorta horena ka tooso .



Habeen habeenada ka mida isagoo jooga halkii uu iska xaadirin jiray oo aad u faraxsan ayaa waxaa dhacday in la bilaabay Dancing(Qoob ka ciyaar) iyo shuqul Gaaleed kadib isna waaba ciyaarahiisa, Waxaa la daaray Rikoodhkii  Sameecadi hiina waxaa la geeyay heerkii ugu qaylada dheeraa, cali yare waxa uu gacanta qabsaday Gabadh Cadaana oo meesha fadhiday, dhawaqa ka baxaya Sameecadaha waxa aad ka qaadaysaa dhego la’aan.

In mudo ah markii la ciyaaray ee uu Cali gabadhiii dhan walba u wareejiyay, ee uu dawakhiyay ayaa wiil reer yurub ah oo la socday Gabadhan uu cali isku xoqayo ayaa si kadisa usoo galay kadibna isla markiiba waxa uu indhaha qac ku siiyay wiil Afrikaana oo gabadhii uu naftiisa ka jeclaa iska wad-wata, aad ayuu u xanaaqay dhirbaaxo ayuu dhabanka u galiyay Hada dhirbaaxo , Cali yare inta aad u eegay arkayna in aanu ninkan reer yurub ee xooga wayn la babac dhigi Karin ayuu Bahal dhabano cas ah(Baastoolad) oo uu baryahan danbe jeebka danbe ku hubsan jiray, lasoo baxay waxaanu halkaa wadnaha kaga dhuftay wiilkii Reer yurub, waa la kala yaacay isla markiiba waxaa soo dhawaaqay  gaad higi askarta Wiiiiiiii…wiiii……waaaa… Cali yare waxaa markiiba lagu xidhay  saldh iga Booliska waxaana maalinkii danbe loo gudbiyay Maxkamada sare ee wadanka ingiriiska, kiisku wuu iska cadyahay, Cali yarena wax qareen ah ma qabsan karayn , Waxaana ku Markhaati furayay dilkan foosha xun dad fara badan oo ahaa dadkii joogay Goobta dilku ka dhacay. Kadib markii ay cadaymihii iyo markhaatiyadii aragtay Maxkamadu waxaa ku cadaatay Cali yare laguna  Naan ay so Jackson in uu dilay Mr. george, sidaas darted waxay maxkamadu ku  xuku m aysaa Xabsi-daain in uu cimrigiisa inta ka hadhay ku dhamaysto Jeelka!!!

Hooyadii iyo aabihii markii loo sheegay aad ayay uga maroora dilaaceen, Balse maxay u qaban karaan? Xukunkii Maxkamaduna waa la fuliyay oo dhamaa, iyaguna uma doodi karaan oo wax ay ugu doodaan iyo wax ay ugu Tagaan toona ma hayaan, sidii Tukaankii yaraa loo iibiyay Noloshoodu way adkaatay oo nolol maalmeedka maalina way helaan maalina way waayaan,Sidii ayay kaga samreen Wiilkoodii maadaama aanay waxba u qaban Karin...

Cali Jackson oo uu waramayay Weriye Madax banana Somali ah oo ku booqday jeel ku yaala Magaalada Birmigham ee dalka Ingiriiska Waxa uu sheegay inuu ku calaan calayay Odhaandan (( Isbedal-doonimada, Diintaada, Dadkaaga iyo  Dhaq ankaaga oo aad ka fogaataa waxay kuu horseedaa dib udhac farabadan, Kuna dhiirigaliyay dhalinyarta somaliyed in ay ka faaiidaystaan wakhtigooda, Kana digtoonaadaan in ay Raacaan Dhaqanka reer galbeedku ugu yeedhayaan ee  fus u qaa ah ee ay ugu soo gabanayaan ILBAXNIMO iyo HORUMAR iwm.

Isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu ku Booriyay fartana ku go’day dhalinyarta somaliyed in ay wadankooda horumariyaan, Balse aanay ku fikirin in ay u  tahr iibaan wadano kale oo aan wax kuugu diyaarsan jirin, Waxaanu ku tawaawacay wax kasta waxa uu u baahan yahay dadaal aad muujiso hadii aad dalkaga joogto kuna dhagsanaato dhaqankaaga iyo diintaada waxaad ku gaadhi doontaa horumarka Reer yurub ku faanayaan midka Balaadhan, Waxaa kale oo an kula talinayaa dhalinyarta in ay had iyo goor ku dhaqmaan diinta islaamka oo ah diinta Nasteexada, Wanaagsa, iyo Diinta Horumarka.

Waxaa kale oo uu ku Nuux-nuuxsaday Ilbaxnimada iyo horumarka waxaan ka dayay meel aanay kaba ag dhawayn, Sida in aan badalay dhaqankaygii, diintii oo aanan si fiican ugu camal falin, balwadaha aan xuduudka lahayn oo aan bilaaabay iyo Anigoo faraha ka qaaday Waxbarashadaydii dhamaanteedba,kana Talaabsaday Duruustii aan sheekha ka dhigan jiray, Dhaqankaygiii wanaagsanaa oo aan ka tagay kuna badashay Dhaqankan xun ee reer yurub, Waxaan aaminay in yurub shaqooyinka laguugu yeedhayo balse taasi waa ma Dhacdo Waxaan kula talin lahaa Dhalinta somaliyed maanta in ay igu cibro qaataan oo ay k Digto onaadan arimahaa aan kor ku sheegay oo I horseeday inaan ku dhamaysto afartan Gidaar dhexdooda ))
 

 



.................Dhammaad.................

 


 

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com

 

 


Sheekadani waa sheeko male-Awaal ah balse waxay ka turjumaysaa Dhibaatada haysata Dhalinyarta somaliyeed sida kuwo dhaqankoodi ka tagay kuwo diintodii aan ku camal falin oo ku tilmaamay Dib u dhac iyo Fulaynimo Xagjira , Qaar mooday Horumarku ku xidhan yahay Dhaqanka reer galbeed ood qaadato, kuwo kale oo aaminay in Yurub oo kaliya laga shaqayto balse aan Dhulkaaga hooyo laga shaqaysan Karin, iyo Qaar saaxiib ka dhigtay Balwadaha oo nolosha ka dhacay…