Urur-siyaasadeedka UDHIS Oo ku baaqay in Dawladd Ku-meel-gaadh ah la Dhiso



Hargeisa (Longlivesomaliland News) Urur-siyaasadeedka UDHIS oo markii ugu horaysay ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Somaliland soo food-saarta, ayaa ka soo horjeestay go’aankii Komishanka doorashooyinku ku laaleen natiijadii diwaan-gelinta,iyt isla markaana waxa uu ku baaqay in dawlad ku-meel-gaadh ah la sameeyo.

Waxaana ay Sidaas ku sheegeen war-saxaafadeed ay maanta ka soo saareen magaalada Hargaysa, waxana uu udhignaa sidan


War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidan:-


"Nus qarni bay ku dhawdahay inta laga joogo maalintii somaliland  xorn imadeedii ka qaadatay dawladda ingiriiska, muddadii intaa leeg halkii  hor umarka laga samayn lahaa, waxaa wadankeena waqtigan ka jira  dhib aatooyin badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan abaaro hoos u dhac dhaqaale, iyo rajo xumo laga qabo mustaqbalka, taas oo keentay inay dhalinyarada wadankeenu badaha isku daadiyaan, hadana waxa beryahan dambe soo kordhaayay xaalado khatar ku ah nabadgalyada iyo jiritaanka somaliland waxaana xaaladaasi ka mid ah :

1- Qas iyo jaha wareer ka aloosan arimaha doorashooyinka iyo diwaangelinta

2- Eriga haya’ada Inter peace iyo habka ay deeq bixiyayaaashu inoo caawin lahaayeen si ay u qabsoonto doorasho xaq ah oo lagu kalsoon yahay.

3- Colaado beeleed oo siyaasadaysan sida arinta ka taagan Ceelbardaale

4- Cabudhinta xadhiga iyo cago juglaynta joogtada ah ee lagu hayo saxaafada madaxa banaan isla markaana ay xukuumadu adeegsato warbaahinta qaranka oo ay fka dhigtay meelo u furran cay iyo aflagaado.

Sidaa darteed ururka UDHIS wuxu halkan ku soo bandhigayaa mowqifkooda ku wajahan arrimaha wadanka la soo dersay ee khatarta ah:


1 muruga diwaangelinta iyo komishanka doorashooyinka qaranka
(!) Waxay dhibaatadu ka bilaabantay xulistii xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka iyo ujeedadii ka haahnayd ee laga lahaa tayo xumidoodii marka loo eego qof qof iyo wadar ahaanba. Halkan waxa ka muuqata in danta qofka ee gaar ah ah laga horaysiiyay mida qaranka iyo danta guud.

(!!) waxay keentay tayo xumida xubnaha Komishanka doorashooyinku modo dhaaf fara badan oo xad dhaaf ahna mudada Madaxwaynaha iyo ta axsaabta qaranka is dhaafinta doorashada golaha deegaanka iyo mida madaxwaynaha, intaas oo dhan oo aan raad raac iyo sharci toona lahayn.

(!!!) hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha oo maanta ay ka taagan tahay carqaladda ugu weyni waxaa keentay maamul-xumida iyo farsamada xumida Komishanka doorashooyinka qaranka oo sababay in aan laga darin sawirka farta oo qayb muhiim ah ka ahayd ururinta xogta codbixiyayaaasha.

(!!!!) waxa kale oo ka badh guul darrada ay keentay maamul-xumida Komishanka Dooraashooyinka Qaranka in xubnaha Komishanku u direen goballada qaarkood ay si sharci darro ah wax u maamusheen taasina sababtay kalsoonida darro iyo shaki fara badan heer kasata.
Waxa xusid mudan adduunkii loogu talo galayhawshan oo aan la go’ayn xisaab xidhkiisa iyo meel uu ku danbeeyay ilaa maanta.

Diwaangeliye qaran iyo dadkii aqoonta u lahaa shaqada oo meesha ka maqan inkasta oo qodobkani si cad ugu qeexan yahay xeerka doorashooyinka hadana si bedheedh ah laysu hortaagay.

2- Eriga Haya’ada Inter peace
Ummada reer somaliland haya’ada inter peace waxba umay igman, hadii ay wax kharibtayna waxaa masuul ka ah komishanka doorashooyinka qaranka oo ay ummaddu hawsha u igmatay lagana rabo xisaabtankeedii. Sidaa darteed UDHIS waxay u aragtaa in haya’adda inter peace ay waxtar u lahayd somaliland oo ay ka caawimada inooga keeni jirtay deeq bixiyayaasha erigii inter peace-na takoorid xaga beesha caalamka iyo carqalad siyaasadeed uu ku keeni doonto somaliland."
 



Longlivesomaliland News Desk
Hargetsa Somaliland