“Ururka Xamar Qabsaday Niman ka tirsan ayaa ku jira Wad dani,” Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee
UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

“Golaha Wakiiladu wuu baaba’ay, mar haddii la yidhi xildhibaanadu
axsaabtii ay ka soo baxeen way ka bixi karaan”
Hargaysa (TNN): Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee
UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga WADDANI ku eedeeyay in
uu aragti gurran ka qaatay shirka London ee ay qaadacday Somaliland,
waxaanu xisbiga WADDANI ku tilmaamay mid qadiyada Somaliland ka soo
hor jeeda isla markaana xidhiidh la leh dawlada Soomaaliya.
Eng. Faysal oo xalay u waramay wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in
xisbiga WADDANI ay xubno ka yihiin rag ka tirsan ururka islaamiga ah
ee la yidhaahdo Ictisaam kuwaasi oo shaadh kale soo gashaday bal se
qadiyadoodu tahay Soomaali wayn.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID,oo aanu waydiinay
aragtidiisa ku waajahan canbaarayntii xisbiga WADDANI uu xukuumada
ku dhaliilay go’aankii ay ku qaadacday ka qayb galka shirka London,
waxa uu yidhi “Ururka ictisaam la yidhaahdo ee Xamar qabsaday niman
ka tirsan ayaa ku jira Waddani, wadankeena waxaa beryahan danbe ku
soo badanaya dad Soomaali weyn u xaglinaya oo soo dhex galay
axsaabta, kuwaasi oo shaadh kale inoo gashaday oo aan anigu
shaqsi-shaqsi u aqaano , waxaa laga yaaba in xisbiga Waddani ay
qaarkood ku jiraan. arrintaa waxaan u arkaa mid aan wanaagsanayn,
shirkaa London, ma aha mid inaga inoo yaala ee waa shir Soomaaliya u
yaala, inagana Somaliland ayaa la ina yidhaa haddii la wada hadlayo
Soomaaliya dariiq ayay leedahay, waa in uu noqdaa sidii laba
dawladood oo wada hadlaya in aynu isku soo hor fadhiisano,”
Eng. Faysal Cali Warabe, oo aanu wax ka waydiinay waxa uu ku
sababaynayo hadal uu dhawaan ku baaqay in la kala diro labada gole
ee guurtida iyo wakiilada oo uu ku tilmaamay in ay sharci daro ku
fadhiyaan waxa uu ku jawaabay “Waxaan ku sababaynayaa labada gole ee
guurtida iyo wakiilada wakhtigoodii wuu dhacay oo waa bilaa sharci,
haddii aanu sharcigu socona ummad noqon mayno, meel ay dastuurka
kaga taalo guurtidu way isku kordhin kartaa ma jirto, guurtida
berigii Rayaale joogay afar sano ayaa loo kordhiyay sharci daro ayay
ahayd, golaha guurtida 85% dadka imika fadhiyaa ma aha dadkii loo
soo doortay, waa dadkii ka dhaxlay dad kale markaa meeshu dhaxal ma
aha ee waa in dadka soo gelaya shuruudihii loo eego, sharcina kuma
fadhiyaan, golaha wakiiladana sharci daro ayay ku fadhiyaan qodob ay
ku taalo waxaa u kordhinaya muddada guurtida ma jirto”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ta labaad golaha
wakiiladu wuu baaba’ay, mar haddii la yidhi xildhibaanadu axsaabtii
ay ka soo baxeen ee kursigooda ay ku fadhiyeen way ka bixi karaan,
cid ay ka wakiil yihiin ma jirto, Golaha wakiiladu meeshiiba way ka
baxeen oo ninkii gudoomiyaha u ahaa ayaa xisbgii ka baxay oo xisbi
kale furtay, shaqadiina waxa uu ka dhigay (part time job) shaqo
leexsan oo aan rasmi ahayn. Sharci uu kursiga ku fadhiyaana ma jiro,
Markaa waa in la kala diro doorashoyinka la qabto guurtidana laga
tashado sidii loo samayn lahaa, inta ay tiradoodu noqonayso
awoodoodana dib loo eego, tiradoodu inta ay noqonayso, dadka soo
gelaya waa in dib loo eego”.
Sidoo kale waxa uu Faysal Cali Waraabe xukuumada u soo jeediyay in
ay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in wada tashi qaran laga yeesho
ay dawlada hor yaalaan, waxaanu tusaale u soo qaatay waxa laga
yeelayo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, in la qabto
doorashadii baarlamaanka iyo qaabka loo soo xulayo golaha guurtida.
“Waxaa ka mid ah doorashadii baarlamaanka oo muddo dhaaftay, waxa
laga yeelayo, wada hadala Somaliland iyo Soomaaliya iyo Qodobo
Kale,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Source:Wargeyska Dawan
|