Ururka Wadaniga ee Soha oo Maanta Xafiis Cu sub ka Furtay Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley



Gabiley (Longlivesomaliland News):- Ururka Samafalka ee SOHA ayaa maanta xafiis cusub ka furtay magaalo madaxda Gobolka Gabiley. xaflad balaadhan o o loo sameeyay furitaanka xafiiska cusub ayaa lagu qabtay isla goobta  xafiis ka laga furayay oo ku taala koonaha bari ee magaalada Gabiley.

Xarlada Furitaanka Xafiiska Cusub ee ururka SOHA ayaa waxaa kasoo  qayb galay masuuliyiinta gobolka Gabiley Sida gudoomiyaha Gobolka iyo  gudoomi yaha Golaha Deegaanka, Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo, Caaqilo, Culama a,udiin, Dhalinyar, aqoonyahan, Haayadaha Caalamiga ah iyo Dadwayne kale oo tiro badan.

Xafladaasi waxaa hadalo kasoo jeediyay badhasaabka gobolka Gabiley  Maxa med Axmed Aw Cabdi (xabiib) oo halkaasi mahadnaq uga soo jeedidyay  mas uuliyiinta ururka SOHA iyo madaxa haayada Action Aid. Badhasaabku wuxuu sheegay inuu maanta aad ugu faraxsan yahay in haayada action Aid oo ay ka wada hadleen barnaamijka sideed bilood ka hor ay fuliyeen  balanqaadk oodii, kaasi oo gudoomiyuhu xusay inay ka wada hadleen furintaanka  xafii skan oo xudun u noqon doona barnaamijyo faro badan oo SOHA ka fulin  doo nto gobolka.

“anaguan maamul ahaan waxaanu balanqaadaynaa oo aanu hiil iyo hooba la garab taaganahay wixii la nooga baahdo, madaxa haayada action Aid  aad buu u mahadsan yahay wuxuu inoo sheegay inuu wada jirku waxwayn tarro, kala tafaraaruquna keeno horumar la,aan”.

Badhasaabku wuxuu ka waramay inay jiraan waxyaabo faro badan oo  ayna an dhaqan iyo caado toona u lahayn oo laga dhaxlay dagaaladii sokeeye oo ay ka mid yihiin muranka, iyo inaan wada jir waxba loo qabsan, ilaahayna wuxuu uga baryay bulshada reer Gabiley in ilaahay fahamsiiyo horumarka iyo wax wadaqabsiga.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo isna  halk aasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xafiika cusub ee SOHA ka furtay Gabiley. Aadan waxaa kale oo uu sheegay inuu SOHA uga madnaqayo barnaamijyadii hore ee ay ka fuliyeen Gobolka, iyo sidoo kale kuwa ay hada soo wadaan.

“waxaan leeyahay wixii hore ee aad qabateen SOHA iyo haayada Action Aid aadbaan idiinku mahadnaqaynaa, waxaa kale oo aan idin leeyahay  isku xid hnaashaha sidaa aad u wada socotaan, dadkana waxbaad ugu qaban  karay saan, anana waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu idin la shaqayno, oo wixii xagayaga idinkaga xidhma aanu si fudud idiinku dhamayno” Waxay ka mid ahaayeen hadaladii gudoomiyaha golaha deegaanka.

Xubin ka tirsan Madaxda ugu saraysa ururka SOHA, isla markaana ku  hadl ayay afka Boodhka SOHA Maxamed Maxamuud Cawaale ayaa ka waramay ururka SOHA waxa uu u taagan yahay, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “ururka SOHA waa urur aan dawli ahayn, macaashdoon ahayn, waxaa ururku ka shaqeeyaa. Himiladiisuna ay tahay tirtirista iyo dabargoynta faqriga.

Wuxuuna ururku aaminsan yahay in faqrigu leeyahay wajiyo badan oo ay ka mid yihiin waxbarasho la,aan, cunto yaraan, caafimaad xumo oo faqriga iyo saboolnimadana kordhiya, si taas loola dagaalamana waxay u baahan tahay in dhinackasta laga weeraro oo wax laga qabto. Ururkuna si uu himiladiisaasi u xaqiijio waxaa uu qabtay hawlo iyo mashaariic iyadoo la kaashanaysa  haa yada caalamiga ee Action Aid. Waxaa ururka u qabsoomay waxyaabo faro badan. Ururku wuxuu ka shaqeeyaa Gobolada Hargaysa iyo Gabiley. meelaha aanu wax kasoo qabanay intii uu ururku jirayna waxaa ka mid deegaanada Arabsiyo, Huluuq, Agamsaha, Biyo Macaan, Biyo Cas, Buqdhada, Dhalaada, Magan Ciise, Faro Wayne, Xaraf, Boodhlay, Kalabaydh, Hora-Haadlay iyo Agabar. Ilaa hada waxay SOHA suuro galisay iyadoo la kaashanaysa  haaya da ay lamaanaha yihiin ee Action Aid 128 ceel (boqol iyo sideed iyo laba a tan ceel) oo loo hagaajiyay loona xidhay dadkii ku manaafacaadsan lahaa. Waxay SOHA hirgalisay oo ka qabatay dhinaca tacliinta ilaa shan iskuul oo ay hirgalisay iyadoo ka caawinaysa dhismaha iyo qalabka kale ee dugsigu u baahan yahay iyo sidoo kale iyadoo macalimiinta u tababartay dugsiyadasi. SOHA waxay qaybisay ugu yaraan 128 Qalab (boqol iyo sideed iyo labaatan qalab) oo iskugu jira mishiinadii iyo tuunbooyinkii ay dadkaasi wax kulasoo bixi lahaayeen. Waxaa kale ay SOHA u fidisay dadka beeralayda ah ee  beer aha waraabka ah ka shaqaysta ugu yaraan 3,000 (sadex kun), oo  saacad ood.

SOHA waxay ugu danbaytii maanta u fadhidaa inay furto xafiiskii barnaamijka loo yaqaano (Child Sponsorship) oo ah barnaamij lagu horumarin doono  buls hada oo caruurta yaryar ee Gobolkan ku dhaqan lala walaalayn doono caruur kale oo ku dhaqan wadamada horumaray taasi oo ilmakasta oo gobolkeena jooga uu horumarkiisa kala qaybqaadan doono ilmaha kale ee ku dhaqan wadamada horumaray. Oo hadii ilmaha loo dhiso dugsi ama goob caafimaad oo caafimaadkii ilmuhu wanaagasanaado caafimaadka guud ee bulshaduna wuu wanaagasanaanayaa”.

Madaxa Haayada Action Aid Mr. Warrior ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay ururka SOHA intii ay haayadoodu la shaqaynaysay iyo sidoo kale kaalinta uu xafiiska uga gali doono bulshada reer Gabiley horumarka gobolka.


Mr. Warrior isagoo arintaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “tani maanta  wa xay tusaalaynaysaa in SOHA si wanaagsan ushaqaynayso dadwaynaha  reer gabilayna ay raali kayihiin arinkaa, wakhtigaan halkan imiday waxay ahayd 2007. waxaana kashaqaynaayay Puntland ismana lahayn waad imanaysaa oo waad kashaqo galaysaa S/land, maantana xafiiskii ugu horeeyay ee  uru rka SOHA ku yeesho gobolka Gabiley ayaan xadhiga kajarnay. waana wax ilaahay lagu mahadiyo masruucyadani aan wadno halka ugu horaysa ee laga bilaabaayo waa gobalka gabiley balantii aan uqaadnay way rumowday  maa nta waxaan halkan ka markhaati kacayaa inay SOHA iyo Action Aid ay  lasha qayn doonaan dadwaaynaha Gabiley 8 ilaa 10sano. maamulka gabiley hadaan waxyar kasheego horta maayarka Gabiley wali lama kulmin laakiin  badhas aabka waan lakulmay waana nin ku haboon inuu halkan kashaqeeyo. reer gabilayoona waxaad haysataan maamul wanaagsan oo tayoleh anaguna  wa xaan balan qadaynaa inaan idinla shaqayno dhamaan teena waxaan nahay biliaadam in yarbaa ah inta dagan had iyo jeer waxaynu jecelnahay in dag dag wax waliba udhamaado oo aynu guusheena gaadhno waxa weeyi inaynu usamirno samraabaana sadkiihela”.

Dhanka kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mustafe Faarax Miigane oo ah agaasimaha guud ee ururka SOHA oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in maanta halkan ay diyaar ugu yihiin inay furaan xafiiskii SOHA oo uu  sheeg ay inuu yahay mid u furan horumarinta Gobolka Gabiley. Wuxuuna sharaxaad ka bixiyay xafiisyada kala duduwan oo tusay badhasaabka iyo saxaafadaba.

Caaqil Cabdi Ciidle amaan oo ka tirsan cuqaasha ee gobolka Gabiley ayaa  isa guna sidoo kale soo dhaweeyay furitaanka xafiiskan kuna tilmaamay inuu  wa xwayn ka tari doono baahi aasaasi ah oo ka jira gobolka.

Xafiiskan Cusub ee ururka SOHA ku leeyahay Gobolka Gabiley ayaa ah kii ugu waynaa ee laga furo gobolka Gabiley isagoo hore xafiis aan waynayn ururka ku lahaa magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.
 

 


Weriye: C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland.
Ilkacasenews@hotmail.com