Ururka Wadaniga ah ee Horseed oo ka hadlay cabudhiska xukuumada Siilaanyo ku hayso Saxaafadda

 

Hargeysa (TNN)- Ururka Wadaniga Ah Ee Horseed ee Gobolka Hargeysa ayaa si wayn u difaaca y Saxaafada xorta ah ee madaxa banaan, kuna tilmaamay inay yihiin horumarka uu ku faano Qaranka Jamhuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu ururku sheegay inay xukuumada mad axwayne Axmed Siilaanyo dib uga dhacday inay caalamka ka iib-gayso qadiyada gooni isku taa ga Jamhuriyada Somaliland, sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay caasim ada Qaranka Jamhuriyada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku saxeexnaa Guddoomiyaha uru rka Horseed Md. Calawi Cabdi Gaboobe, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan:-



Isku dayga xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo ee ay ku doonayso inay ku aamusiiso sax aafada madaxa banaan waa arin la yaable oo aan laga filanayn, waana meel ka dhac-wayn oo wax-badan u dhimi doona kalsoonidii iyo sharaftii lagu soo doortay ee lagu aaminay, talada dalka Jamhuriyada Somaliland, isla markaana waxay arintani dhaawacaysaa xidhiidhka shacbiga iyo dawladda, maadaama ay saxaafada madaxa banaani ay tahay cida isku xidhaysa labadaasi qaybood.

Hawl-wadeenada Saxaafada xorta ah ee madaxa banaan waxay heegan ugu jiraan ictiraaf raa dinta qadiyada dalka Jamhuriyada Somaliland, oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen ka midho dhalinta hadafka Istaraatiijiga ah ee uu qarankani u halgamayo, waxaana tusaale cad in oogu filan waftiga balaadhan ee Saxaafada madaxa banaan ay ku tageen koonfurta Suudaan, iyaga oo doonaya in ay ka faa’idaystaan jaaniskaas dahabiga ah, si ay qadiyadeena uga dhaa dhiciyaan rayul caamka caalamiga ah ee meeshaasi iskugu yimid.

Waxa xusid mudan inay dawladu lumisay jaaniskaasi oo cid xil rasmiya ah haysa umay dirin, ma rka laga reebo afhayeenka madaxtooyada oo isaga laftigiisu ku tagay magaca saxaafada.

Waxa la odhan karaa horumarka dalku waa saxaafada madaxa banaan xukuumaduna waxay dib uga dhacday inay caalamka ka iibgayso qadiyada gooni isku taaga Jamhuriyada Somaliland.

Waxa xaqiiqo ah inay dhalinyarada suxufiyiinta ah ee ka hawl gala saxaafada xorta ah ee mad axa banaan ee duruufta adag u soo mara soo saarista jaraa’idka subax kasta iyaga oo warar hufan oo cusub u soo tabiya rayul caamka gudaha iyo dibadaba, waxa hubaal ah inay ka Somalil anders-yihiin kana wadaniyadsan yihiin, kana daacadsan yihiin siyaasiyiinta kursi jacaylku mada x maray ee aan dad iyo dal toona waxba ka galin ee halkay dantoodu ku jirto uun aamin-san ee aan mabda’ lahayn, ee ay qaarkoodna aaminsan yihiin mabda’ Somaliwayn.

Xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo ma waxay doonaysaa sidan:-

1. Inaan laga hadlin xaalada miciishada oo ay aad iyo aad u adkaatay oo $100 ee ahaa 660,000 S/shillings wuxuu haatan maraya 560,000 S/land Shiligs, halkaana waxa ka maqan dadkii lacag ku dhaw $20, isla markaana waxa kor u kacay ascaarta quutal daruuriga ah, dawladuna waxba kamay qaban.

2. Inaan la sheegin musuq maasuqa baahsan ee wakhtigan xaadirka ah dalka ka jira.

3. Inaan la iftiimin xaalada iyo talada hogaamineed ee dalka Jamhuriyada Somaliland ee ay sha cbigu u doorteen madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo codkii faraha badnaa ee gaar ahaan gobol ka Hargeysa ay siiyeen inuu ku wareejiyey cid kale oo aan la dooran.

4. In intii madaxwayne Siilaanyo talada dalka la wareegay inay siyaasiyiintii qaran dumiska ah aa ee khaa’inul wadanka ahaa in dalka lagu soo dhaweeyey, xagii ay ahayd in abaalkooda laga waraabiyo oo wixii khaa’inul wadan lahaa lagu xukumo.

5. Inaan la sheegin shaqaalaha dawlada ee sida sharciga baalmarsan looga eryey shaqooyinko odii, iyada oo la qortay dad cusub oo la danaynayo, taasina waxay ka markhaati kacaysaa odh aahdii ahayd “Kulmiye hadii uu xukunka qabsado shaqaalaha dawlada wuu dareerinayaa”.

Arimahaasi iyo qaar kale oo badan ayaa jira, qaar ay soo qoraan jaraa’idku iyo qaar aanay soo qorinba.

Nimanka maanta talada dalka hayaa ee shalayna mucaaridka ahaa ee lahaa waxaanu u ogolaan doonaa dadku inay mudaharaad sameeyaan oo ay cabashooyinkooda muujiyaan, sido oo kale xoriyada saxaafada waanu kobcin doonaa, oo waanu ilaalin doonaa………

Waxaanu leenahay Halkay ku danyeeyeen balamihii aad qaadeen, waxaanu xusuusinaynaa in m arkii la xidh xidhay ee la rasaaseeyey ee la yidhi urur ma furan kartaan inuu shacbiga Jamhuriy ada Somaliland oo ay hormood ka yihiin saxaafada xorta ah ee madaxa banaan u hiiliyeen, hadii ay tahay mudaharaadkii, qoraaladii, shirarkii iyo abaabulkii iyaga lagu taageerayey.

Sidaa daraadeed waxaanu leenahay saxaafada xorta ah ee madaxa banaan ma gayaan xadhig, cabudhin iyo cago juglayn toona.


Wargeyska Waaheen iyo mid kale toona lama xidhi karo, ruqsadna lagalama noqon karo. Gabag abadii ururka wadaniga ah ee Horseed ee gobolka Hargeysa wuxuu ugu baaqayaa madaxway naha Jamhuriyada Somaliland Md. Axmed Siilaanyo inuu wax badan ka badalo habka uu dalka u maamulayo, oo uu saluug badani ka jiro dhinaca bulshada dalka Jamhuriyada Somaliland”

Source: Waaheen