Ururka WADANI Oo Xafiis Ka Furtay Dalka Maraykanka: Seattle, Washington!
 

 




Seattle, Washington,USA (TNN)-Xafladd qiimo badan oo loogu wanqalay urur siyaasadeedka WAD ANI ayaa maalintii axadii oo ay biishu ahayd 13/2/2012 lagu qabtay Radisson Hotel oo ku yaal m agaalada Seattle ee gobolka Washington.


Xafladdaa oo si heersare ah loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen taageerayaasha WADANI iyo bulshaweynta reer somaliland ee ku nool Woqooyiga Maraykanka gaar ahaan Washington a yaa ugu horayn waxa xafladdaa furay Abdisamad Tarabi isagoo umahadnaqaya dadweynaha ka soo qaybgalay xafladdan, waxaanu kusoo dhaweeyey SH. Bashiir Madadaal si uu aayadaha qura anka kariimka ah ugu furo shirka.


Kadib, waxa daadihinta barnaamijka lagu wareejiyey aqoonyahan CALI DIIRIYE oo sharaxaad ka bixiyey qaabka ay xafladdu u socon doonto kana hadlay barnaamij-siyaasadeedka xisbiga WAD ANI iyo sida ay uga go’antahay inuu gacan weyn ka gaysto sidii taageerayaasha ururka WADANI hiil iyo hooba isula garab taagi lahaayeen xisbiga iyo madaxdiisaba. Wuxuu kaloo ka waramay Gudoomiyaha Ku-Meel Gaadhka ah ee WADANI, A/rahman Mohamed Abdilahi (Cirro), inuu yahay halyeey ay shacabka reer somaliland ku kalsoonyihiin una horseedi kara horumar iyo cadaalad, gaadhsiina kara Somaliland ictiraaf caalami ah.


Waxa lagu soo dhaweeyey Oday Farah Hugur oo ka waramay sida ay lagama-maarmaan u tahay in reer Washington ay ugu guntadaan sidii ay dalkooda hoooyo wax u tari lahaayeen. Farah Hug ur waxa kale oo uu ku booriyey taageerayaasha urur-siyaasadeedka WADANI in ay ku dadaalaa n sidii ay taageero laxaad leh uga gaysan lahaayeen tartanka doorashooyinka ee la filaayo in ur urka WADANI uu guul ween kasoo hooyn doono.



Waxa aad loogu bogay khudbadii uu goobta ka jeediyey gudoomiyaha kumeel-gaadhka ee ururka WADANI ee gobolka Washington Mudane: KADER MALIN KASIM oo marka hore aad iyo aad ugu mahad celiyay dadweenihii iyo taageerayaashii ururka WADANI ee ka soo qayb galay Xafladda , isagoo gudoomiyuhu si mug leh uga warbixiyay qorshayaasha uu ka duulayo ururka WADANI iyo himiladiisa siyaasadeed oo uu sheegay inay tahay sidii uu kaalin wax ku oolah uga qaadan lahaa sii balaadhinta xisbiga iyo sidii uu xisbigu guul-weyn uga soo hoyn lahaa doorashoyinka asxaabta ee dhawaan dhici doona. Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray sida uu u aaminsanyahay in WADA NI uu guul layaableh ka kasban doono shacabka Somaliland, uuna yahay xisbigu ka si dhaba wax uga qaban kara nabadgelyadda, dhaqaalaha, shaqo-abuurka, tacliinta, caafimaadka, adeegyada bulshada iyo weliba udagaalanka xuquuqda dumarka iyo dadka laga tira badan yahay.



Sidoo kale waxaa isaguna xafladan ka hadlay caaqil Maxamed Bade isagoo goobta kasoo jeediyay odhaaho wacdi iyo waanaba isugu jira.


Dhinaca dhalinyarada waxa goobta hadal baraarujin ah oo kusaabsan sidii dhalinyaraddu wax ug a tari lahaayeen arimaha wadankoda iyo sidii ay ula jaan-qaadi lahaayeen arimaha gobolkan ay hadda ku nook yihiin kasoo jeediyey Siyaasiga dada-yar ee Cismaan Haybe ahna musharax ka loolamay magaalada SeaTac sannadkii ina dhaafay. Cismaan marka aanu arimaha siyaasadda ku jirin waxa uu qaybweyn ka qaataa hormoodna ka yahay arimaha xuquuqda iyo horumarinta soo maalidda gobolkasta iyo deegaankasta oo ay kasoo jeedaanba iyo dadyowga kale ee laga tira badan yahayba.


Waxaa gabay dadku aad ujeclaysteen halkaas ka jeediyay Abwaanka weyn ee reer Somaliland Cabdi Gaas. Ugu danbayn waxaa xafladaas ka duceeyay Oday Ismaacil Kabadhe.
Dadwaynihii kasoo qaybgalay ayaad dhamaan wejiyadooda ka dheehanaysay farxad iyo rayn-rayn waxaanay aad iyo aad ugu mahad naqueen Cali Diiriye iyo Gudoomiyaha KADER MALIN KASIM iyo dhamaan dadkii soo abaabulay Xafladan loogu wanqalay ururka WADANI ee goboka Washington.


Ugu danbayntii waxa ay Cali Diiriye iyo Gudoomiyaha KADER u mahadnaqeen dadkii iyo asxaabtii sida xoogan ugala qaybgalay isku dubaridka iyo suurto gelinta qabsoomida xafladan gaar ahaan Abdisamad Tarabi oo kaalin weyn ka qaatay habsami usocodka xafladdan loogu wanqalay ururka WADANI ee goboka Washington.

 


Abdisamad Tarabi
Seattle,WA,USA
Timacade News Desk
abdisamad99@yahoo.com