Ururka SOCSA Oo Xaflad Balaadhan Oo Ay Ku Xusayeen Wax qa badka Maayirka Gabiley Magaalada Hargeysa Ku Qabtay Iyo We edhihii Kala Duwanaa Ee Ay Ka Soo Jeediyeen Masuuliyiintii Ka Soo Qayb Galay .
 


Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen   ............ Daawo Sawiradda


Hargeysa (TNN)- Munaasibad balaadhan oo lagu maamusayey Doorka Waxqabadka ee Ma ayirka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Har geysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Aamina-Waris Maxamuud Jirde, Guddoo miyaha SOCS Khadra Kaliil, Maayirka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh oo Xafladan lagu wax qabadke edii, Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland C/laahi Maxamed Cumar oo ugu horeyn Xafladaasi furay ay aa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka balaadhan ee ay sameysay Badhasaabka Gobolka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Marka ugu horeysa waxaan doonayaa in aan halkan ka salaamo Marwada Madaxweynaha Aamina Sh. Maxa muud Jirde, Maayirka Gobolka Gabiley Khadra Xaaji Gaydh iyo Maayirka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed .
.
Farxad weyn bay ii tahay in aan ka soo qayb galo xaflad lagu maamuusayo wax qabadka Maayirk a Gobolka Gabiley, Khadri waxa ay leedahay Taariikh badan oo waa gabadhii ugu horeysay ee ku soo baxda Doorasho Golaha Deegaanka ah, waana gabadhii u horeysay ee Maayir ka noqota Som aliland, taariikhahaasi waana mid iyada u gaara oo ka turjumaysa Horumarkeeda iyo kartideeda, arrimahaasi waxa weeyi arimo muujinaya in ay khadra leedahay karti ay ku hogaamin karto dal ka, mudadii yarayd ee ay Maayirka ka ahayd Gobolka waxaynu ka wada markhaati nahay horum arka ay Gobolkaasi ku soo kordhisay, haddii ay tahay dhinaca Dhismaha, horumarinta arrimaha Bulshada, waxaan doonayaa in aan kartida ku hamablayeeyo Khadra.
.
Xafladan lagu xusayo kartida qofka iyo horumarka uu gaadhay waa talaabo muujinaysa dadka isku duuban oo dadku maaha dhagax waxa uu u baahan yahay dhiiri gelin, waxaanan ku soo gabo gabaynayaa Hambalyo”.
.
Ururka SOCSA oo soo abaabulay Xaflada lagu maamuusayey waxqabadka Maayirka Gabiley ayaa qodobada ay ku soo doorteen xusay waxaana ka mid ahaa Todobada bilood ee ay Maayirka aha yd waxa ay soo kordhisay Afar jid oo isku xidha Magaalada Gabiley, waxa ay dhistay Hool weyn oo qaadi kara dad aad u badan, Iskuulo badan oo ay dayactir ku sameysay, waxa kale oo ay Kh adri kaalin weyn ka qaadataa taakulayna Agoonta ku dhaqan Gobolka Gabiley, sidoo kale waxa ay ka qayb qaadataa dhiirigelinta Ciyaaraha Da’ayarta.
.
Guddoomiyaha Ururka SOCSA Khadra Kaliil Xasan oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay urur ahaan u taagan yihiin horumarinta danta dalka iyo dadka, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa
“Waxaan ugu horeyn salaamayaa Marwada Koowaad ee Somaliland Aamina Sh. Maxamuud Jirde, Maayirada Gabiley iyo Togdheer, Agaasimaha Samofalka Madaxtooyada.
.
Hadii aanu nahay ururka SOCSA waxaanu u taaganahay horumarinta danta iyo Dalka, maadaama oo ay Khadra tahay Gabadhii u horeysay ee Maayir ka noqota Somaliland Degmo ka mid ah wax qabad badana muujisay anaguna waxaanu go’aansanay in aanu u qabano Xaflad dhiirigelin ah, waxa farxad noo ah Haween ahaan Khadra maadaama oo ay tahay gabadhii u horeysay ee Maa yir ka noqota meel ka mid ah Somaliland, waxaananu doonaynaa in aanu ku garab istaagno wixii ay qabatay si ay halkasi uga sii wado, way muuqataa imika sida ay uga shaqaysay bilicdii iyo hor umarkii Gabiley

Raga u badan ee Maayirada ka noqda Gobolada Somaliland waxa ay kharashka iyo dakhliga soo gala ku lumiyaan qayil iyo shaxaad, laakiin Khadra X. Gaydh waa Hooyo, waxaananu ku danaynaa in aanu noqono sida Khadra”.
.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay xafladan loo qabtay Khadra X. Gaydh oo ay mudan tahay in tan iyo tu ka balaadhan loo qabto.

Khadra ALLE ha barakeeyo, waxaanan runtii ugu hambalyeynayaa Guushii ay gaadhay, waxaan an leeyahay kaalinta iyo horumarka ay bulshada ugu jirtaa meel. Haweenku waxa ay bulshada ugu jiraan meel muhiim ah oo waxa la odhan jiray Haween waa meel xun joog, Khadra Meel adag ayey ka saartay Qaranka
Masuuliyadu dadku way tuujisaa waxa uu yahay baanay muujisaa, somalidu markii hore xil ma ji rin oo waxa lagu tijaabin jiray Guur inuu masuuliyada Guriga ka soo baxday, imikana waxa lagu tijaabiyaa sida uu qofku uga soo baxo Xilkaasi, Khadra sidii ay Masuuliyada Qoyskeeda iyo Qaran keeda uga baxday”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed oo isna halkaasi hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka Balaadhan ee ay sameysay Maayirka Gobolka Gabiley, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo Xaflada loo qabtay Maayirka Gabiley oo ay imika iigu horeyso in aanu ka soo wada qayb galno
Waxa aan aad iyo aad u xusuustaa mashaariicda iyo horumarka ay ka qabatay Gabiley oo aan odhan karo waxa ay kaalinta Koowaad ka ahaanaysaa hadii la qiimeeyo wax qabadka Maayirada, waxaanan rajaynayaa in aad hormuud u noqoto Dumarka badan ee ku soo socda Masuuliyada Qaranka.
Aniga oo ku hadlaya Magaca Gobolka Togdheer Hambalyaan ku leeyahay Khadra Xaaji Gaydh”
Agaasimaha Fulinta Dalada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo isna munaasibadaasi kalmado kooban ka soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa SOCSA oo qabatay Xaflad dhamaanteed inagu waajib ah oo ah dhiirigelinta cid kasta oo Bulshada wax u qabatay.
Runtii garwaaqsiga Shakhsiyaadka dadka wax u qabata waxa ay inoo horseedaysaa Aqoonsiga ALLE (SW).

Dhamaan Dhalinyarada iyo Haweenkaba waxaan ugu baaqayaa in ay timid wakhtigii aynu wax u qaban lahayn dalka, maadaama oo dhawaan laga qaaday dhalinyarada Dabarkii ka haystay dhin aca ka qayb galka hogaaminta Dalka”.
.
Guddoomiyaha Heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa hambalyo u soo jeedisay Khadra Xaaji Gaydha horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay, waxaanay tidhi “Waxaanu leenahay anaga oo aan ka qaadayn raga Kaalintooda na aragte waxaa nu nahay, Hambalyaaanan leeyahay Khadra Xaaji Gaydh”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ka alinta ay haweenku kaga jiraan Qarankan Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka had laya
“Waxaan halkan ku soo gaadhay Marwo Canab Cumar Ileeye oo aanu isku xisbi nahay oo hadana dood adagi naga dhaxaysao.Dumarku dhawr hab ayey wax ku doonaan, mar waxay yidhaahdaan Dumar baanu nahay ee wax ha lanoo gooyo oo kootay wax ku haysatay, hadana waxay leeyihiin wax naga siiya, dee dumaroow meel uun ku eekaada.
.
Markaanu yarayn meel walba ragaa ka sareeyey imikana Dugsi kasta oo aad tagto shanta ugu horeeya waa dumar, markaasaan mararka xanaaqaa oo aan yidhaahdaa dumarkii maxaa ku dhacay
Markaan Shiinaha tagay Dumarka aad baan ugu farxay oo shirkaasi waxaan ku arkay ilaa Shan iyo labaatan haween ah oo aan is idhi siday isugu aamineen halkaasi oo dumarka badankooduna ay diyaarinayaan Dhakhtarnimo, halka kaalinta ugu badan ee labaad ee ay dumarkaasi diyaarina yaeen ay ahayd Engineernimo”.
.
Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo iyana halka asi ka hadashay ayaa Hambalyo u soo jeedisay Maayirka Gabiley oo ay sheegtay in ay ahayd Ha weenaydii u horeysay ee Doorasho ku soo baxda Somaliland, waxaana hadaladii Marwada ka mid ahaa
“Aad iyo aad baanu hambalyeynayaa Khadra oo ahayd Gabadhii u horeysay ee ka soo qayb gas ha Doorasho kuna soo baxda, waxaanan rajaynayaa horumarka ay sameysay in ay dad badan ku daydaan.Hore waxa loo odhan jiray Guri waa haween imikana Qaran waa Haween ayaan leeyah ay”


 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland