Ururka Samo-falka GARDO oo Qalab Warbaahineed Ugu Deeqay Shabakadda Wararka ee Gabiley News.

 

Hargeisa (TNN)-Ururka Samafalka ee ay ku Bahoobeen Qurba-jooga Gobolka Gabiley oo loo yaqaan GARDO ayaa Qalab Loo isticmaalo Warbaainta ugu Deeqay Xafiiska Shabakadda Wararka Ee Gabiley News ay ku leedahay Magaaladda Gabiley,

Xaflada Casho Sharaf ah oo Xalay uu usameeyay Gabiley News Wakiilka Ururka GARDO ee somaliland Mudane Maxamed Isaaq Cilmi ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeisa.Xafla daasi Casho Sharafta ahayd oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wakiilka Ururka GARDO ee Somaliland  Ma xamed Isaaq Cilmi, Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gabiley Maxamuud Yuusuf X.Cabdi, Tafatiraha Guud ee Shabakadda Wararka ee Gabiley News Siciid Cali Daahir (Sacad Guray) iyo Wariyeyaasha Gabiley News ee Xafiisyadda Hargeisa iyo Gabiley.

Qalabkaasi oo ka koobnaa hal computer oo laptop ah, Voice mixer nooca Codka lagu Duubo ah iyo  H al Camera- oo nooca Sawirka Lagu Qaado ah, Qalabkaasi oo Qiimiisu dhanaa $1150 (Kun iyo boqol  i yo konton dollar) ayaa si Rasmi ah loogu Wareegayay Maamulka Shabakadda Wararka Gabiley  Ne ws.
Wakiilka GARDO Maxamed isaaq ayaa Qalabkaasi ku Wareejiyay Tafatiraha Guud ee Gabiley News  S acad Guray, kaasi oo isna si Rasmi ugu Wareejiyay Hawlwadeenada Xafiiska Gabiley news ee  Maga alada Gabiley Axmed Biito iyo Wariye C/risaaq Ilkacase.

Wakiilka GARDO Maxamed Isaaq oo Hadal kooban Halkaasi ka Jeediyay ayaa Sheegay Gabiley News ay Kaalin Mugle ka Qaadatay isku Xidhka iyo Kor u Qaadida Horumarka Gobolka Gabiley isla  markaan a Ururka Gardo ay ka Go,antahay inay ka Caawiyaan Waxyaabaha u fududaynaya Qabashada  Haws ha ay bulashada u Hayaan. Isaga oo ugu Baaqay Bulshada kale ee Jecel Horumarka Somaliland inay kala qayb galaan Warbaahinta Hawlaha Noocan oo kale ah oo aanay Wax faa,iido ah ka helin Dadka Qabanaya, Lacagtooda, Wakhtigooda iyo Awoodoodaba u Huraan Inay Gaadhsiiyaan Wararkii Dalka, Dadka Qurbaha jooga iyo Guud ahaanba Bulshada Kale ee Reer samaliland.

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley Sheekh Maxamuud Yuusuf X.Cabdi oo isaguna  Ha lkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Gabiley News Kaalin Mugleh ka Qaadatay Horumarka Gobolka  Ga biley Gaar ah, Cusbitaalka Gabiley, Waxbarashada, Jaamacadda, iyo Isku Xidhka Bulshawaynta  Gab iley oo ku kala Nool Dacaladda Dunidda kuwaasi oo kala Socda Wax kasta oo ka Dhaca Gobolka iyo Guud ahaanba Somaliland.

Sh.Maxamuud Yuusuf X.Cabdi ayaa u soo jeediyay Qurbajooga Gobolka iyo Bulsho waynta kale ee  k ala socota Wararka inay kala Qayb qaatan Dhalinyadda Wakhtidigoodii u horay inay Bulshada ka  ha qabtiraan Wararkii Dalka, Waxyaabaha yaryar ee ufududaynaya Hawlmaalmeedka Shaqaalaha  Sha bakadda.

Tafatiraha Guud ee Gabiley News Siciid Cali Daahir (Sacad Guray) ayaa uga Mahad celiyay Ururka  G ARDO deeqdaasi ay ku Caawiyeen Shabakada isaga oo Ku Amaanay Ururka GARDO Dadaalka ay ugu Jiraan Horumarka Gabiley ee Dhinacyada Waxbarashada, Caafimaada, Biyaha iyo Dhinacyadda Kale ee Arimaha Bulshada oo ay Si isdaba jooga Gacan uga gaystaan, isla markaana isugu Xidhaan Qurba jooga, Maamulka iyo Waxgaradka kale ee Gobolka Gabiley.

Sacad Guray Waxa uu intaasi ku Daray in Ay Xaga illaahay ka heli doonaan Caawimadda Dadkooda iyo Dalkooda ee ay heeganka ugu jiraan Marwalba.

Deeqdan oo ah Tii ugu horaysay ee Nooceeda ah ee ay ka helaan Qurba jooga Gobolka Gabiley gaar ahaana Ururka GARDO, ayaa Noqon doonta Waji Cusub oo u Furmay Warbaahinta iyo Qurba jooga, iyada oo aan la ilaawi Karin Badhasaabkii Hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi  (Xa biib), kaalintii uu ku lahaa horumarka iyo isku Xidhka Gobolkaasi iyo Waliba Shabakadda Gabiley Ne ws oo Abaal Wayn u haysa, sidii Wanaagsanayd ee ugu Fududayn Jiray Hawlahooda Shaqo Wakhti giii uu Gudoomiyaha ka ahaa Gobolka Gabiley.

 



Mustafe Future
Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com