Ururka Samafalka Saaxil Woman UK ayaa xaflad yabooh dhaqaale loogu ururinaayey Cisbitaaladda Berbera ku qabtay Galbeedka Magaalada London ( Daawo Sawirada)

 

 

London (TNN)-Waxaa halkaa mahad balaadhan oo aan la soo koobi-karin looga soo jeediyey Marwo, Hanan Ibrahim , oo ah Founder Ururka marka la soo gaabiyo (SFSG) in London Uk iyo Saaxiibadeed Marwo, Sahra oo deeqo farabadan oo hore gaadhsiiyey,isla-markaana qaar kale oo soo socdaba ku talo-jirta inay ku wareejis o Ururkan Samafalka Saaxil Women UK.....


Xil. Ikraan X. Daa’uud (MP)., Xubin Golaha Wakiiladda Somaliiland ka tirsan ayaa ka hadashay kulankaasi....
 

Gabay ku saabsan munaasibadaasi waxaa soo diray Abwaan Somaliland ah oo ku sugan cariga Mareykan ka.....


Ka qayb qaata dhakhtarkii berbera yar iyo waayeelba

Ku bixiya maalkiina waa sadaqad dib ugu aydaane
Ku dhiirada iskaa wax u qabso iyo wada shaqayn buuxda
ku dadaala dadkii dhimirka waa ina sugaayaane......

...halkaasi waxaa iyaduna gabay cajiib ah oo ku saabsan munaasabadda ka tirisay abwaanadda Caasha Luul, isla markaana aad qiimo badnaa kana hadlaayey Hooyo ilmaheedda ka hadlaysa baahiyihiisa gaar aaaneed taas oo ula jeedadeedu ku arooraysay ama ku sifeynaysay hawshan samafalka ee ay munaasibaddu ku saabsanayd....

Waxa habeenkii sabtidii 12March 2011 lagu qabtey galbeedka magaalada London xaflad aad u qurux badan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka Samafalka Saaxil Women UK, Kulankan oo ay ujeedadeedu ahayd sidii  taa kuleyn loogu geysan lahaa baahiyaha ka jirta Isbitaalada Magaalada Berbera,

ayaa Waxaa ka soo qabgalay isla-markaana lagu casuumay in ka-badan 250 xubnood oo ka mid ah haween-weynaha Somaliland UK, kuwaas oo ka kala socday qaybaha uu ka koobanyahay Carigan Ingiriisku,gaar ahaan Magaaladda London.


Kulankaasi oo aad u balaadhnaa isla markaana ay soo agaasimeen Xubnahaasi firfircoon ee Ururka  Samafa lka Saaxil women Uk,kana soo qeyb galeen Haween-weynaha Qurba-jooga JSL ayaa looga hadlayey sidii  gac an weyn looga geysan lahaa soo kicinta Isbitaalada guud G/Saaxil, kuwaas oo uu ka muuqdo dayac baahsan ,i sla markaana Taageero Dhaqaale loogu Fidin Lahaa, si loo Gaadhsiiyo Dadka Jilicsan Ee Jiifa Cisbitaaladaasi iyo weliba baahiyaha ku xeeran dhismayaasha ay u hoydaan intaba..


Shirka waxaa furay islamarkaasna daadihaynaayey Marwo,ILhaan Xuseen Cumar-Joog kana mida xubnaha ururka suurtageliyey qabashada shirkaa ugu horeyn waxay madasha ku soo dhaweeysey oo ayaado quraan ah iyo wacdi gaabanba ka jeediyey xubin ka midda haweenkii kulankaasi ka soo qaybgalay, sheegtayna in ay u hambalyeynayso haweenkii kulankan iyo hawshan muhiimka ah soo diyaariyey isla markaana ay diyaar u tahay iyadu lafteedu in ay si weyn uga qayb qaadato ,kana hawlgaleyso samafalkan ay hormood ka yihiin Ururkan Samafalka ahi.



Intaa dabadeed Waxaa marwo, Ilhaan oo iyadu shirka daadihinaysay ay ku soo dhaweeysey,Marwo, Naciima Siciid Faarax (jabali) oo ah Gudoomiyaha ururka Saaxil women UK oo iyadu ugu horeyn u mahadnaqday hawe enka Qurba-jooga Somaliland ee ka soo qaybgalay kulankaa iyo aqbalaadii ay ajiibeenba codsigayagiiba  ayu u tidhi, inaad nagala soo qaybgashaan munaasibadan waxaanan leeyahay haweenka ka soo qaybgalay aad ayaan idiinku hambalyeynayaa,intaa dabadeed gudoomiyuhu waxay ka hadashay sababta ama baahida  kee ntay in shirkan la qabto,taas oo ay ku macnaysay inaan ahaano dad gacmaha ishaysta ,isla markaana waxii baahiyaha jira aan si wada jira uga wada hawlgalno, taas oo ay faaido badan ugu jirto wadankeena, ayna haboon-tahay in lays barbartaago hawlaha noocan oo kale ah , waana hawl samafala oo dhamaanteen ina khuseeya madaama Gobolkastaa oo wadankeena ah waxii waxtara ee laga sameeyaa yahay wax inaga dhexeeya, Waxaanay sheegtay ujeedada shirka iyo sababta loogu doortay in shirkan lagu qabto magaalada London,oo ay tidhi waa barta dadkeena u badan yahay.


Waxaa halkaa mahad balaadhan oo aan la soo koobi-karin looga soo jeediyey Marwo, Hanan Ibrahim , oo ah Founder of the Somali Family Support Group (SFSG) in London Uk iyo saaxibadeed Marwo,Sahra , oo ah  hawe enay aad firfircoon isla markaana ku guulaystay sanadkii 2004 Abaalmarinta ay bixiso Boqorada ingiriiska dhinaca arimaha Bulshada , (In 2004, Hanan’s hard work was honored with the Queen’s award for voluntary services in the community). Marwo, Hanan oo ku deeqday qalab caafimaad farabadan oo hore la gaadhsiisay Isbitaalada Berbera , isla-markaana qaar kale ku talo-jirta inay ku wareejiso isla Ururkan Samafalka Saaxil Women UK.

Intaa ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Marwo, Foosiya Xasan Xaashi oo halkaasi ka jeedisay muxaadiro diiniya meello badan taabanaysay gaar ahaana ku saabsan sida sadaqadu faa,iido ugu leedahay qofka bani,aadamka ah.

Kadibna waxaa madasha lagu soo dhaweeyey Marwo Nimco Maxamud Good oo ka midda xubnaha Ururka  Sa axil Women Uk ,isla markaana ka mid ahayd asaasihii suurtageliyey asaasidda ururkan Samafalka Saaxil  Wo men UK oo aan ururkani la,aantood dhismeen, waxayna oo halkaas ka jeedisay khudbad dheer oo ka hadlaysa ujeedooyinka munaasibadan iyo weliba taariikhdii dhakhtaradda magaalada G/saaxil ee Berbera ay si kooban uga hadashay iyo waxyaabaha ilaa hadda u soo qabsoomay ururkooda Marwo,Nimco waxay sheegtay inay isu xilqameen sameynta ururkan , kadib markii la arkay baahida loo qabo in wax laga qabto baahiyaha dhinaca Caafimaadka G/Saaxil , waxaanay ay sheegtay inay marka hore saari doonaan focuska dhinacyada horumarka iyo baahiyaha jira dhakhtaradda ku yaalla Magaaladda Berbera.

Marwo Kaltuun Cumar Cali & Marwo, Layla Yuusuf Shide oo ka midda xubnaha ururka Saaxil Women Uk, ayaa ka waramay hawsha gudigoodu ay qabteen, ,sababta loo asaasay iyo baahida keentay ,isla-markaana Waxa sidaasoo kale ku soo bandhigeen 2 cajaladood (video) muuqaal ah oo ay soo kala duubeen kana  waramays ey ama laga soo duubay dhakhtarada ku yaalla G/Saaxil, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen muuqaladaasi  ,w ixii ay indhahooda ku soo arkeen iyo meelaha ay ku saabsanayeen oo dhamaan khuseeyey arimahan  tabaru ca ay wadaan..

Xil. Ikraan X. Daa’uud (MP)., oo Xubin Golaha Wakiiladda Somaliiland ka tirsan, ugana soo baxday xisbiga KULMIYE G/Awdal , ayaa ka hadashay kulankaasi ,si aad ahna ugu mahadcelisay isla-markaana ku amaantay haweenkii ururka Saaxil Women ee xafladda soo diyaariyey , qirtayna kaalinta wanaagsan ee ay haweenka Somaliland markasta kaga jiraan bulshadeena, kuna boorisay haweenkii munaasibada joogay iyo kuwa kalena in si aada looga qaybqaato hawshan samafalka.



Marwo, Sucaad carmiye Odowaa oo ka mid ahayd haweenkii ka hadlay kana midda xubnaha guddiga Saaxil Women UK , ayaa sheegay iyaduna sheegtay in ay tahay muhiim in laga qaybqaato diiwaangalinta 2011 ee sanadkan (Census 2011) oo 10kii sano mar lagu qabto wadankan Ingiriiska iyo Waleshka,uuna sameeyo  x afiiska National Statisticcs Uk. ,oo haweenkii goobtaa isugu yimi ku dhiirigelisay, in marka ay foomka  buuxina yaan looga baahanyahay in aad ku qortaan Somaliland, si loo ogaado awooda ay shacbiweynaha Qurba-joo ga reer Somaliland ku leeyihiin dalkan aynu degan nahay ee Ingiriiska,loona cadeeeyo si loo muujiyo cuddada Somaliland.



Marwo Sucaad waxayn ku buurisey dadkii kasoo qayb galay shirweynaha in loo baahan yahay in la dadaalo oo gurmad deg deg ah loo gaysto bulshada ku dhaqan degaanadaas ururku ka hawlgalo iyo guud ahaan wadankeenaba,waxaana fiican ayey tidhi inaan iska kaashano waxkastoo aynu qabanayno, tusaale ayey u soo qaadatay haddii aan hirgelino inaan account isku midda suurta-gelino ,wadajirna wax ku-qabano waata ugu fiican waayo ayey tidhi marwo, Sucaad waxkasta oo la qabtaa waxay faai,ido u leeyihiin shicibkii wadankeena ku noollaa.



Waxaa iyadana aanu wareysi gaara la yeelanay Marwo, Ifraax Cheif Caaqil Jaamac X.Cilmi- oo ka midda Xubnaha firfircoon ee ururkan, isla-markaa ka qayb lixaadleh ka soo qaadatay Aasaasiddii ururkan, Marwo Ifraax ayaa ahayd habeenkaasi munaasadu socotay, iyada iyo Marwo, Seynab Maxamuud Dhoolayare oo iyaduna ka mida xubinaha ururka (ahna Khasnijiyada Ururka) ayna suurta-geliyeen inay helaan dhaqaale badan oo ay ugu mahadnaqayaan dadkii ku deeqay habeenka ,Isla-markaana waxay ku tali-say ku afmeertay hadalkeeddii inay xafladani oo kale noqoto mid meerto ah kolba halka ku haboon Somaliland .



Gebagebaddii iyo xidhitaankii waxaa marlabaad mahadcelin u soo jeedisay dadweynihii xafladaasi ka soo  qa ybgalay Gudoomiyaha Saaxil Women UK , marwo Naciima ,waxaanay u balanqaaday dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay kana qaybqaatay hawlihii samafalka ee ay wadeen iyo dadkaleba inaan ku tallo-jirno waq tiyada inagu soo fool leh inaan qabano xaflad tan la midda oo muuqaal leh oo faahfaahsan , “haddii alle yid haahdo,” oo aanu ku cadeynayno meelihii ay ku baxeen dhaqaalihii soo xarooday iyo tiradda xadiga uu noq dayba

Waxaana aanu ku tallo-jirnaa inaanu dirno waqtiyadda inagu soo foolka leh, wefti u baxa Magaalada  Berbe ra soo eega meelaha ku haboon ee dhaqaaluhu kala galaayo iyo sida ay u kala baahi-badan yihiin loo  gaadh siiyo, waxaanay soo jeedisey in loo baahanyahay in deeqdaasi la gaadhsiiyo meelaha aasaasiga ah ee u ba ahan wax laga qabto.



Kulankani ayaa lagu sheegay intii uu socday baahiyaha dhabta ah ee ka jira Isbitaaladda Gobolkaasi , waxaana Xubnaha ururkaasi ee kulanka soo qabanqaabiyey soo gudbiyeen in la aruuriyo dhaqaale taasi oo si guud loogu dayactirayo isla markaana lagu daboolayo baahiyaha Isbitaaladda Berbera ka jira oo ah mid dhinacyo farabadan ah,isla markaana lagu sheegay inaan Isbitaaladeena dayactirno oo baahiyahooda daboolno taasina waxay ku salaysantahay inaan wax qabsanaa oo isku tashanaa ayey yidhaahdeen xubnihii kulankaasi ka hadlay.


Kulankan oo khudbadihii laga jeediyey ay aad u farabadnayeen ,,hadana nuxurka ayaa ku soo arooraayey sidii Dhakhtaradda ku yaalla magaladaasi oo ay adeegyadooda iyo dhismahooduba aad u liitaan dhaqaale uruurin loogu sameyn lahaa, oo ahayd xaflad lacag ururin (fundraising event) loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo dhakharkaasi, xubnahan ka midda ururka Saaxil women UK ee iyagu munaasibadan qabtay ayaa ahaa haween kadib markii ay soo arkeen xaalada liidata ee uu ku suganyahay dhakhtardaasi ,Isla markaana ka dhiidhiyay ,dedaal dheerna u galay inay hawshan dhaqaale uruurintaa u tafa-xaytaan una soo bandhigaan haweenka Somaliland ee cariga Ingiriiska kuwaas oo markasta qayb lixaadle ka qaata hawlaha horumarinta ee wadankooda .



Hadaba ujeedada Munaasibada ayaa ku saleysnayd sidii dhakhtaradda ku yaalla Magaaladda Berbera loo ho rumarin lahaa, waxna looga badali lahaa xaaladda hadda ay ku jiraan. Falanqayn iyo dood hore ayaa waxa laysla gartay in la sameeyo guddi ka shaqaysa horumarinta Caafimaadka G/.Saaxil.waxaana la aasaasay Badhtamihii bishii May sanadkii aan ka soo gudubnay 2010,kuwaas oo ugu wanqalay Magaca Ururka Saaxil Women UK, lagu asaaasay Magaalada London , gudiga ayaa waxaa ku bahoobay haweenka ka soo jeeda G/Saaxil isla markaana ku dhaqan carriga Ingiriiska, macnaha weyn loo unkay ayaa ahaa siddii uu wax uga qabanlahaa baahiyaha caafimaadka G/Saaxil, lakiin dhici karta mustaqbalka in la kordhiyo si ay, xitaa wax ugu qabtaan baahiyaha kale ee asaasiga ah ee dadweynuhu u baahanyihiin...

Maamulka Guddida ayaa ka kooban 16Xubnood oo kala ah.

1. Naciima Siciid Faarax(Jabali)- Gudoomiye.

2.Layla Yuusuf ShiddeGudoomiye-Xigeen.

3. Kaltuun Cumar- Xoghayn.

4.Khadra Gahaydh- Khasnaji.

5.Seynab Maxamuud Dhoolayare- Khasnaji.

6.Sucaad Carmiye OdowaaXubin.

7.Ifraax Cheif Caaqil Jaamac X.Cilmi- Xubin.

8.Rodda Sh.Maxamuud Gacmo-Dheere-Xubin.

9.Saaddo Maxamed Cali- Xubin.

10.Amaal Cilmi- Xubin.

11.Yaasmiin Maxamuud Dhoolayare-Xubin

12.Hibo Axmed Adan- Xubin.

13.Seynab Ismaciil- Xubin.

14.Layla Cabdilaahi Ciise- Xubin.

15.Muna Siciid-Xubin.

16.Nimco Maxamed Good- Xubin.

Ujeedada gudigan ayaa ah in ay guud ahaan ka shaqeeyaan horumarinta dhakhtaradda Berbera oo uu ku jiro Dhakharka Nasashada (Ex- dhimirka) G/ Saaxil.Berbera oo ahaa dhakhtarka keliya ee Somaliland ka jiray ee  xil igii Ingiriiska , waxaa laynooga baahanyahay ayey yidhahdeen dhamaan intii kulankaasi isugu timi in aan  raadi no dhaqaale lagu dhiso laguna hagaajiyo baahiyaha ka jira Dhakhtaradaasi .



Waxaa iyana halkaasi gabay cajiib ah oo ku saabsan munaasabadda ka tirisay abwaanadda Caasha Luul, is la-markaana aad u qiimo badnaa kana hadlaysey Hooyo ilmaheedda ka hadlaysa baahiyihiisa gaar aaaneed taas oo ula jeedadeeda ku arooraysay ama ku sifayneyay hawshan samafalka ee ay munaasibaddu ku  saa bsanayd.

"Waxaana aanu ka cudurdaaranaynaa ,inaanay noo suurtagelin inaan idiin soo gudbino,tixdaa maansada ah ayd qiimaha badan lahayd ee abwaanada Caasha luul Maxamed Yuusuf ka tirisay madashaa."



Waxaa iyaduna ka hadashay Marwo, Shuun Adan oo ka mid ahayd haweenkii ka soo qaybgalay munaasiddaa , taas oo ka warantahay taariikhdii ay Magaaladda Berbera soo martay iyo marxaladda ay maanta ku jirto , gaar ahaan dhinacyada addeegyada bulshadda.



Waxaa kulankaasi gabay ku saabsan munaasibadaasi u soo diray Abwaan Somaliland ah oo ku sugan cariga Ma reykanka tixdaas oo aad u qiimo badan , kana hadlaysa hawshan samafalka....



Kelmed muuq leh oo wacan kolkaan anigu siidaayo

Kaftan maaha ee waa kulayl hadalka aan baanay

kadabkii alle soo diraa, waw diyaar uumiyoo idile

Kuwo debecsan oo Alle(sw)soo diraa kooda meel dhigaye




Kuwo risiqa loo buuxshay, iyo kuwo gaajo la hagoogan

Kas kuma helaan iyo karti amse garasho roonaane

Waa qayb illaah ku eegayaa adoomaha kii asxaan fale

Kaalmaduna Alle bay u taal oon lagu kadeedmayene




Berbera daayaca ku dhacay waa dhegxumo weyne

Dhedig iyo labood ceebtu waa inaga dhexaysaaye

Dhallinyaro iyo waayeel waa ina dhibaysaaye

Dheg lajaray daloolkaa hadhee aan isku duubnaano




Dhul shisheeye sii dhowrad iyo malaha sii jooge

Dumar iyo dhalaankii berebera cusbitaal mahaystaane

Darxumay lawada tiicayaan tabar la'aaneede

Dadaal bay u wada baahan tahay hagar la'aaneede



Qurbe joogna dumar baa u wacan sebenkan maantahe

Dar alle (sw) talada waafajiyaa wada dadaal weyne

London bay u badan yihiin hablaha tafaha noo xaytay

Saaxil women waa hogaan dumar ka soo mudhaye




Cisbitaalkii berbera waa qaawan yahay dayac daraadiiye

Dib u habayn iyo waxay wadaan inay baahida daboolaane

Dagaal aad culus bay wadaan oon cidi lacag ku siinayne

Derajada allay maalin kale dhereg iyo dheef ka heli xoogle.




Aniguna ducaan idinku ladhay iyo quraanka barakadiisiiye

Waa midaan ku diirsaday dadaalkiinu daacada ilaahe

Dullmi iyo nacayb ilaah idinka dhawr quudhsi iyo ceebe

Diihaal xanuun iyo darxumaa dadkii laysay badidiise



Xanuunada laga bogsoodaa dadkii xaaqay badidoode

Cabiraada dhiiga kolay ku tahay amse macaan sheega

Raajiso malaha iyo dhakhaatiir shaybaarna daaba hadalkiisa

Duray baaba loo dhiman hadaan dadkii daawo lala gaadhin



Hadii gabadh la soo doono oo golaha laysku weydiisto

Oo aqal gal keedii farax iyo ciyaar laga dul boodaayo

Ubad bay filaayeen ee illaah sararahow buuxsho

Sagaalkaa bilood waxay xanuun silicle daaduunto




Wajaafkeeda fooshana kolkay laba bogleeyneyso

Dhakhtar lagu dabiibaa majiro hooyadaa iyo dawo lasiiyaaye

Islaamaa miciinkeedu noqon aan wax tarahayne

Kolkaasay xaawiyo faadumooyda guri waa talo haweeneede



Ka qayb qaata dhakhtarkii berbera yar iyo waayeelba

Ku bixiya maalkiina waa sadaqad dib ugu aydaane

Ku dhiirada iskaa wax u qabso iyo wada shaqayn buuxda

ku dadaala dadkii dhimirka waa ina sugaayaane.



U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

U dadaala berberi waa degel barwaaqeede !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!



Abwaan, Abdirazak yassin Mohamed /USA



Ugu danbayna waxaa shirkii lagu afjaray duco iyo wacdi, waxaana laga codsaday in haweenkii Qurba-jooga JSL in lays gaadhsiiyo farriinta ururku in uu helo dhaqaale uu wax kaga qabto baahiyahaas aan kor kusoo xusnay, ee baahiyaha ka jira xarumahaa caafimaadka, wax qabadkuna inaga ayuu inagu xidhan yahay waxaana lagu xusay inaan CIDINA U MAQNAYN, CEELNA U QUDNAYN, markaas loo baahan yahay in deg deg isagana kaashano si wax looga qabto baahida jirta.



Waxaanu sheegeen in ururinta dhaqaalaha iyagu urur (Xubnaha Saaxil Women UK) ahaan iska bilaabeen oo hadda gacanta ku hayaan dhawr kun oo doolar. Waxaanay codsadeen in qofkastaaba uu baxsho waxii uu awoodi karaayo, si wax loogu qabto dadkaas tabaalaysan ee aan soo sheegnay.



Kulanka ayaa gaba gabadiisa la isku raacey in si weyn looga qeyb qaato dayactirka iyo soo kicinta  Isbitaala dda ku yaala Magaalada Berbera, Xubnahan ururka Saaxil Women ee ku nool Dalka ingiriiska , ayaa ayagu dhowr jeer hore gargaar ah ugu deeqay Cisbitaalka guud magaalada ee Berbera iyo Xarunta Daryeelka, dad ka dhimmirka wax ka qaba ee ee xaruntoodu tahay Magaalada Berbera.,Kuwaasoo Horena Caawimo Wax Ku Ool Ah Gaadhsiiyey Cisbitaaladda Berbera oo uu ku ks Nasashadda (Ex-Dhibirka) Imikana Wadanka Uk uga Wadaan OlolahaTaageero ee dhinaca Dhaqaale iyo weliba Cisbitaalka Berbera, Deeqdahaasi ay direen xubna han haweenka JSL ee Uk degan ay u soo wakiisheen dad mutawaciina,,isla markaana la gaadhsiisay ama  la gu wareejisay goobihii loogu talo galay,ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Badhasaabka G/Saaxil ,Gudiga  Caafim aadka G/Saaxil Iyo Maamulka Cisbitaalada Berbera, Waxaana loogu hambalyeeyey intii ka qayb qaadatay hawshan tabaruca ee ku saabsan Cisbitaaladda Berbera, qofkastaana Aakhiro iyo Ifkaba waxuu ku helayaa Ajar iyo xasanaad aan la Qiyaasi karin.



Codsi Samafal: Fadlan caawi dadkaaga tabaalaysan( Kuna Jira dhakhtarka)! Shacabka Somaliland waxaa la gud boon in ay caawiyaan kuwooda tamarta daran !! ( Hadal lagu yidhaahdo waxaa ugu fiican SADAQAD la  bax,me el lagu bixiyana waxaa ugu ajar badan dadka tabaalaysan.).


Fadlan ka soo qayb-qaado hadanaad nasiib u yeelan inaad joogto xafladaas

Ururka Samafalka Saaxil Women UK

CAAWI DHAKHTARKAAGA!!!. DAHABSHIIL account No. HRGD20794.

Fadlan wixii faahfaahin dheeraada kala soo xidhiidh Teleefanadda UK

07957766576 AMA 07912225289

 

 

 



Warbixinta waxaa sawiradeeda diyaariyey

Shucayb Maxamed Gurux.

Halka Warbixinta Qoraalkana uu diyaariyey

Adan Yusuf Elmi, London