Ururka Samafalka Mujaahidiinta S.N.M oo Munaasabad Qaadhaan loogu ururinayay Naafadii SNM xalay Ku Qabtay Dalka Jarmalka.

 



Xafladan waxaan qaban qaabiyey Xaasaskii Mujaahidiinta S.N.M. .... Daawo Sawiradda


Bonn (TNN)- Xaflada qaadhaan loogu ururinaayey Naafadii Mujaahidiinta SNM, oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Bon ee Wadanka Germany.

Xafladaasi oo ay soo abuubuleyn Ururka Samalka Mujaahidiinta S.N.M,ururkaasi oo uu Gu doomiye u yahay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Ali Faarax oo jooga Somaliland. Xafladan waxaan qaban qaabiyey Xaasaskii Mujaahidiinta S.N.M. Haweenkaasi oo ay ka mid yihiin :


1- Leyla Abokor - London
2- Nimco Maxamed Xasan – London
3- Istaahil Cali Xasan- Germany
4- Foosiya Maxamed Xassan- Holland
5- Kinsi Yuusuf Nuur -Holland



Waxaa halkaasi laga soo jeediyey khudbado aad u qiimo badan ook u saabsanaa halgankii qadhaadhaa ee mujaahidiinta s.n.m La galeen Taliskii macan-gaga ahaa ee siyaad Bare.

Haweeenkaasi waxay ku guubaabiyeen dadweynihii Xafldaasi ka soo qay galay in gacan mug leh laga gaysto wax tarka naafada Mujaahidiin oo aan cidna lagu eegin. Waxa kale oo ay Xukuumda ugu baaqeen in mujaahidiinta indho dheer loo yeesho. Fanaaka weyn ee Nuur Daalacay ayaa inka halkaasi heeso wadani ah oo aad u qiiro badna ka qaaday.


Gudiga qaban-qaabadu waxay mahad-naq balaadhan u soo jeediiyeen dhamaan Jaaliyada ha Somaliland ee degan wadamada Germany, Holllnad iyo Belgeimka. oo qayb Libaax ka qa atay Xafladaasi. Si Gaara waxay ugu mahad naqayaan Gudoomiyaha Jaaliyada Maxamed iyo Cabdi May-kal iyo Haweenka Reer Germanay.
 




Timacade News Desk
Bonn ,Germany