Habeen taariikhi ah: Ururka Qoraaga Somaliland oo Casho-sharaf u sameeyey Md, Jamaal Cali Xuseen.

 



Habeen taariikhi ah buu ahaa, habeenkii salaasaad ee taariikhdu ahayd 01-10-2013. Waxa ay ahayd bil bilawgeed, goob aad loo sii habeeyey bay ahayd, aadna loo qurxiyey. Waa goob ku taalla Stockh olm dhinaceeda waqooyi. Waxa madasha ku sii diyaar ahaa, xubno ka tirsan Ururka Qoraaga Somalil and markay goorsheegtu ahayd 19:00. Waxa ay kala ahaayeen, Xubnaha goobta isugu yimi ee ka tirsanaa UQS, Cumar X. Bile Aadan, Yuusuf X. Cabdilaahi Xasan, Maxamed Xirsi Guuleed, Muuse Maxa muud Ciise iyo aniga oo ah Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf.

Xubnaha habeenkaa ku kulmay casha/sharafta waa ay bad-naayeene waxa aan ka xusi Md, Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ah bahda UQS, ahna u tartamaha jagada madaxweynaha Somaliland, Xildhiba an Ifraax Kirix, Dr, Maxamed Yuusuf iyo Sahra Axmed oo ku magac-dheer

Md, Jamaal Cali Xuseen, waxa uu in muddo ah-ba ka mid ahaa bahda Qoraaga Somaliland, waxa kale oo aniga ii dheeraa in aanu muddo dheer ku wada jirnay Ururka Somaliland Forum, oo xubnihiisu ay kala joogaan dacallada adduunka, dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa horraantii 2005. Xiise gaar ah bay ii ahayd in aan la kulmo Jamaal, oo aan aqoontaa u lahaa, balse aanaanu toos u kulmin. Soo dha wayn iyo is bariidin ka dib, waxa la fadhiistay goobtii loogu talo galay in la fadhiisto. Cashasharafta oo uu fidiyey Ururka Qoraaga Somaliland oo fadhiggiisu yahay Stockholm, waxa uu si diirran u soo dhaweeyey Jamaal Cali Xuseen. Waxa hadalka bilaabay aniga oo tilmaamay, in ay noo tahay farxad kulanka aanu la kulannay Jamaal, oo ka mid ah bahda Ururka. Hadal kooban ka dib, waxa si rasmi ah u furay Cumar Xaaji Bile Aadan, oo ku furay hadal isugu jiray duco iyo furitaanba.

Intaa ka dib, waxa hadalka la wareegay, Yuusuf Xaaji Cabdilaahi Xasan, oo hadalkiisii ku soo afmeer ay, guddoonsiin uu Jamaal guddoonsiiyey laba buug oo uu Yuusuf qoray. Wax yar ka dib na waxa hadalka mucdiisii oo talo, tusaale, gubaabin iyo ducaba isu raaciyey Maxamed Xirsi Guuleed. Ducadu waxa ay ahayd, haddii tartankaasi khayr kuu yahayna, dalka iyo dadkana u yahay Ilaahay ha kugu guuleeyo, haddii kalena Ilaahay ha kaa fogeeyo. Ducadaas oo uu Jamaal laftigiisuna yidhi, horeba ducadaas baa ii ahayd hal-hays. Hadaladii xubnaha reer Stockholm, markay muhiimaddii dhammayst een, ayaa eraygii ku habboonaa madasha la siiyey Jamaal, oo si fiican uga mahad-celiyey casho-sharfta uu Ururku ku qaabilay. Waxaanuu si kaftana u yidhi "Idinka mid baan ahaa, imminkana idinka mid baan ahay".

Habeen aad loo kaftamay, wax la is tusaaleeyey, la is bartay buu ahaa habeenkaasi. Waxa sheegid mudan talooyinkii iyo tusaalayaashii ay xubnaha Ururku la wadaageen, musharraxa u tartamaya ja gada madax-weynenimo ee Somaliland oo ahaa kuwo dhiirri-gelin iyo wanaag-doon u badnaa. Waxa ase tilmaan mudan talooyinkii uu Muuse M Ciise u soo gudbiyey Md, Jamaal. Kuwaaso dhamma an xubnihii madasha fadhiyey ay u guuxeen. Dabcan xubnaha ururka Qoraaga Somaliland, ma taageero xisbi keliya, waana lagu kala geddisnaan karaa fikradaha. Waxaase mideeya ururkooda oo ay ku mid aysanyihiin afkaarta aasaaska u ah Ururka. Dhanka siyaasadda, waa lagu kala duwanyahay, waana sida ugu qurxda badan ee horumarka lagu gaadhi karo. Laakiin, Jamaal Cali Xuseen qof ahaan buu ka mid ahaa Ururka, sidaa awgeed wuu nooga dhawyahay in badan oo kale. Talada aanu habeenkaa u badnayn, waxa ay ahayd, isbeddel doon ha kaa muuqdo. Waa in aad beddeli kartaa dhaqanka yooyo otanka ee indhawayd xadhko-goostay. Waa in lagu bedelaa, tilmaan iyo is toosin. Soo bandhigidda, aqoontu ha noqoto ta hagaysa diiradda, aqoonta oo badka lasoo dhigo ayaa kalsoonidu ku jirtaa.

Hadyadihii, la guddoonsiiyey Jamaal, waxa ka mid ahaa oo kale, buugga "Socdaalkii dheeraa", oo aan anigu qoray, buugga "Salaynta iyo kala dhigdhigga afsoomaaliga" oo uu qoray guddoonsiiyeyna Cumar X. Bile Aadan, Rawaayadda Tayo-beelka carruurtu waalidbuu tebayaa oo uu allifay Muuse M Ciise oo uu isla isagu guddoonsiiyey. Waxa kaloo isla doonasho ahayd in Casha-sharaftaa lagu casuu may Sahra Axmed "Sahra halgan" oo iyadana had'yad ahaan loo siiyey Rawaayadda Tayo beelka C arruurta...oo uu guddoonsiiyey Muuse M. Ciise iyo aniga oo milgo ahaan u siiyey buugga "Socdaalkii dheeraa".

Ugu danbayn, waxa hadalkii soo gunaanaday, xildhibaan Ifraax kirix, oo si guubaabo ah oo guud aha aneed uga hadashay musharraxnimada Md, Jamaal Cali Xuseen iyo bahda Ururka Qoraaga oo ay tal ooyin siisay. Waxaanay tilmaantay in la dhiirri geliyo qofkii dadku u arkaan in uu aqoon iyo daacadni mo wax ku hoggaaminayo. Habeenkaas oo taariikhi ahaa, si fiican oo deggen oo habaysan buu noo gu dhammaaday.

 



Ilaahay Baa mahadleh, qofkii aaminaa awood leh!

Nabad iyo Caano
Guddoomiyaha Ururka Qoraaga Somaliland
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)
03/10/2013 Stockholm/Iswidhen