Ururka GARDO oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Dhamaysatay Cilmiga Koombuyuutarka Dugsiga Sare ee Wajaale.

 


Tog-Wajaale (TNN):- Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley isla markaana ah wakiil ka GARDO ee gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi iyo Ismaaciil Cali Sareeye oo ka mid ah xubnaha ururka Samafalka GARDO ee dalka Ingiriiska ayaa maanta ka qayb galay munaasib ad lagu qabtay Hoolka Dawlada Hoose ee Degmada Tog-wajaale oo shahaadooyin lagu gudoons iinayay arday dhamaysatay waxbarashada aasaasiga ah ee culuumta Koombuyuutarka ee Dug siga Sare ee degmada Togwajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley.


Xafladaasi oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa Waxaa kale oo kasoo qayb gal ay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee GARDO Mukhtaar Maxamed Shiil (Gaboose), Gudoomi yaha wax barashada ee dagmada wajaale Sheekh Maxamed Muxumed C/laahi, Gudoomiyaha golaha horumarinta ee dagmada wajaale Sheekh Yuusuf Maxamed Xasan, Maamulaha Dugsiga Hoose/dhexe ee Xasan Cowke ee Dagmada wajaale, Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee GARDO Ardayda qalinjabinaysay,iyo marti sharaf kale oo badan.

Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Gabiley isla markaana ah wakiilka GARDO ee gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi oo munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediayay ayaa ugu horayn halkaasi uga mahad celiyay ardayda qalin jabinaysay isagoo ku amaanay samirka badan ee ay muu jiyeen kana warbixiyay sidii lagu bilaabay barashada cilmigan casriga ah ee lagu soo kordhiyay xiisadihii ay ardaydu ku qaadan jireen iskuulada isagoo halkaasi ka xusay inay amarka illaahay sokadii ay ku timid dadaalka ay sameeyeen qurba jooga reer Somalialand ee ku jira ururka GARDO ee uu wakiilka uga yahay gobolka Gabiley.

Maxamud Yuusuf Xaaji Cabdi waxaa kale oo uu ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay aqoonta koobuyuutaradu taasi oo uu ku sheegay inay tahay ta maanta ay ku shaqeeyaan caalamka, islamarkaana ay tahay muhiim in labarto sidoo kalena waxa uu ardayda kula dar-daarmay inay wax barashadooda ku dadaalan oo ay sii wataan ilaa heer jaamacadeed.
DSC08549

Ismaaciil Cali Sareeye oo ka mid ah xubnaha ururka Samafalka GARDO ee dalka Ingiriiska oo xafl adaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay taariikhdii sooyaalka ahayd ee ururka Samafalka ee GARDO maalintii la aasaasay iyo siyaabihii lagu aasaasay, waxaanu dadka kasoo qayb galay xaflada uga waramay sida dhibta badan ee ay qaadhaanka kusoo ururiyayaa n masuuliyiinta ururkaasil.


Ismaaciil Cali Sareeye mar uu ka hadlaayay xafladaasi waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Ururku w axa uu jiray Sagaal sano. waxaanu ka koobanyahay inta u dhalatay Gobolka Gabiley, marka laga reebo Alaybaday. Alaybadayna Urur gooniya ayay leedahay. inta soo hadha urukani GARDO ay aa ka wakiila. Ururka Gaardo Hadaan idiinka Waramo, horta marka GARDO Dadku maqlaan wax ay u haystaan inay lacagta sameeyaan lakiin sidaasi maaha Ururkani GARDO.”
DSC08499

Gudoomiyaha wax barashada ee dagmada wajaale Sheekh Maxamed Muxumed C/laahi ayaa isa guna halkaasi ka xusay inay GARDO abaal wayn u hayaan isagoo cilmigan koombuyuutarkana ku tilmaamay inuu maanta badalay qalinkii sidoo kalena ardaydana kula dardaarmay inaanay halk aa si kaga hadhin ee ay sii wadaan oo inta halkan ka barteen kasii kordhiyaan.

Sheekh Maxamed Waxaa kale oo uu halkaasi uga mahad celiyay ururka samafalka ee GARDO oo uu ilaahay uga baryay inuu ugu badalo ajar iyo xasanaad, isagoo tilmaamay in jeebkii ay kasoo baxday Illaahay ugu badali doono xasanaad.

Maamulaha dugsiga sare ee Tog-wajaale Dayib ayaa isaguna halkaasi amaan balaadhan ugasoo jeediyay ardayda dhamaysatay barashada cilmiga koombuyuutarka iyo macluumaadkiisa isagoo GARDO ku tilmaamay urur qiimo wayn ugu fadhiya guud ahaan Somaliland gaar ahaan gobolka Gabiley kana qayb qaataan dhinacyada kala duwan ee arimaha bulshada.


Ugu danbayntii waxaa halkaasi si wada jir ah shahaadooyin ugu gudoonsiiyay ardaydii dhamaysatay barashada cilmiga koombuyuutarka iyo macluumaadkiisa Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gabiley iyo Maamulaha dugsigaasi Sare ee Degmada Tog-wajaale.

Ururka GARDO ayaa sanadihii u danbeeyay kusoo kordhiyay barashada cilmiga koombuyuutarka iyo macluumaadkiisa dhamaan dugsiyada saresare ee gobolka Gabiley, iyagoo dufcad kasta oo dhamaysatana shahaadooyin u diyaariya, iyagoo sanad kastana shahaadooyin gudoonsiiya ardayda ka baxda dhamaan dugsiyada gobolka, Dhiiri Galinta waxbarashada ayaa waxay ka mid tahay waxyaabaha ururka Samafalka ee GARDO u taagan yahay.

 

 


C/risaaq Axmed Hayaan (ilkacase)
Timacade News Desk
Tog-wajaale Somaliland
ilkacasenews@hotmail.com