Ururka Dhalinyaradda ee Horseed oo Canbaareeyay Falkii Waxshinimda ahaa lagula kacay Somaliland:-

 

Anaga oo ah Ururka Dhalinyaradda ee Horseed Youth Organization Waxaanu Canbaaraynaynaa Falkii waxshinimada ahaa ee loo gaystay umada reer somaliland ee ku caana maalay nabada iyo degenaanshaha waxaananu usoo jeedinaynaa umada reer somalialnd "Cadawga somaliland wuxuu raadinayaa jaanis kaliya oo uu ku wiiqo waxa aynu qabsanay waxaanay diidanyihiin Gooni isu taaga Jamhuuriyada somaliland waxaa looga baahanyahay Dadwaynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay fiiro gaar ah uyeeshaan cadawgooda iskana ilaaliyaan cidii ay ka shakiyaana usoo gudbiyaan Ciidanka nabad galyada' hadh iyo habeen waxay ku hawlan yihiin sidii ay qas iyo qalalaase uga ridi lahaayeen Dhexdeena waxaa la inooga baahanyahay inaan ka feejignaano dabinada cadawga inaga wada jirkeena iyo isku duubnideena ilaalinayna iskana kaashanayna Cadaw kasta oo dhibaato inoo gaysan kara.

Hadaanu nahay Ururka Dhalinyarada ee Horseed ee ka hawl gala Deegaan Gobolka Gabiley iyo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland waxaanu Tacsi udiraynaa Dhamaan umada reer somaliland anaga oo ka tacsiyadaynayna Geerida ku timi dadkii qaraxyada ku dhintay' waxaananu ilaahay uga baryaynaaa inuu Samir iyo iiman naga siiyo.
 

 

 


Horseed Youth Organization

horseedorg@hotmail.com
Gabiley Head Office