Ururka Ardeyda JSL ee dalka Yemen oo hambalyo udiraaya haween weynaha Somaliland
 

 


Sida aynu wada ogsoonahay waxaynu u naqaanaa 08-maarso maalinta haweenka aduunka oo lagu xurmeeyo doorka haweenka.

hadaba ururka ardeyda somaliland ee dalka yemen waxa uu hambalyo iyo bogaadin u Dirayaa guud ahaan haweenka aduunka gaar ahaana haweenka jamhuuriyadda somaliland dal iyo dibadba

waxaynuna wada ognahay inay haweenku lafdhabar u yihiin guud ahaan bulshooyinka caalamka maanta

haweenka somaliland waxay mudan yihiin xurmo iyo qadarin waxayna mar walba u taagan yihiin udub dhexaadka bulsho kasta

waxa kaloo ururku u soo jeedinayaa haweenka somaliland inay ku dhaqmaan oo ku adkaadaan dhaqankeena iyo diinta islaamka oo ay iska ilaaliyaan wax walba oo wax u dhimaaya ku dhaqanka diinteena

waxa kale oo looga baahan yahay inaanay sii daynin raadkii hooyooyinkeenii hore


Guntii iyo gaba gabadii waxaanu idin leenahay noqda kuwii sanadka sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo
 

 



xasan x.aadan axmed

Xoghayaha Ururka Ardyda JSL eedalka Yemen
xasanxyz@hotmail.com