Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Turkiga
Barnaamijka Soo Bandhiga Wax-Qabadkii Ururka iyo Qorsheyaasha Cusub

 


 

Maanta waxa Ururka Ardayda Somaliland ee Dalka Turkiga u qabsoomay barnaamij ay ugu talo galeen in lagu soo bandhigo wax-qabadkii ururka ee sanaddii 2015-ka iyo qor sheyaasha ururka ee sanadka 2016-ka, barnaamijkan oo ka dhacay Magalada Istanb ul ee xarunta Ururka.

Mudane Sayid Gaas oo ka mid ah ardayda reer Istanbul ayaa barnaamijkaasi ku furay kalmad uu ku bararujinayay isku xidhnaanta ardayda iyo muhimadeeda isagoo xusay in kolba sidaynu maanta isugu xidhnaana in ay tahay midhaha bari aynu goosan doo no.


Waxa kale oo kalmad ka dhiibtay gudoomiyihii gudidii doorashada Mudane Mustafe Ca bdi oo isna xusay in ay muhim tahay in gudida hada la doortay iyo gudomiyaheda ayn an hawsha ku eegin lakin dhaman ardayda reer Somaliland ee ku bahoobay ururkani ay la shaqeeyaan lana garab taagnadaan fikir iyo ficilba.

Madaxa qorshaynta ururka Mudane Mubarik Xasan Ciise ayaa isna ka hor akhriyey ar daydii meesha isugu timid Dastuurka ururka, kaasi oo ay gudida hada sheegeen in ay u gudbin doonaan dhaman ardaydasi ay u akhriyan una ogadan waxa Dastuurkasi ina farayo.

Madaxii hore ee barnaamijyada ururka iyo Gudomiyihii u horeyey ee ururkan Mudane Sayid Suleyman ayaa isna halkaasi ku so bandhigay marxaladihii kala duwan ee ururku soo maray tan iyo mudadii uu jiray isagoo sidoo kale so bandhigay wax-qabadkii urur ka eesanadii 2015-kii iyo maaliyadii sanadkaasi ururka soo gashay, qaababkii loo maar eyey iyo meelahii ay kubaxday.

Afhayenka ururka ardayda Somaliland Mudane Cabdicasiis Caaqil Xasan ayaa isna soo bandhigay madadalo iyo sheekoyin qosol ah oo ku saabsan qaadka iyo waayihisa oo ahayd farin xambaarsan dhibka qaadku ku hayo umadena isla markasna ka codsaday ardaydii meshas isugu timid inay kala shaqeyan sidii bulshadeena looga wacyigalin la haa afadaasi ku habsatay.

Waxa halkaasina maanso ku saabsan waxbarashada ka tiriyay Abwaan Liiban Shire, oo ahayd sidan:


Cilmigaa dad kala haga

Caqligaa wax kuu tara

Cadilkeena siduu yidhi

Culimadiyo juhaaladu

Cidna uma sinaatoo

Waxa kala ciseeyee

Lagu kala codsanayana

Cilmagaa ka kowoo

Mana laha culaysoo

Waa cabirka ugu fudud

Waxuu Ruux ku caan baxo

Ciidamina ugu wacan

Hadaydaan is caawinin

Cududana midaynoo

Isku duubni ku cawayn

Oo aad kala cadhootaan

Caadifadna raacdaan

Ciil kama baxaysaan



Gudomiye kuxigenkii hore ee Ururka Marwo Naciima Qassim Jamaac ayaa Iyana halkaasi ka jeedisay kalmad aad u qiimo badan oo ay kaga hadashay waayihii soo maray ururka mudadii ay xilka haysay iyo dardaaran wax ku ool ah oo ay u soo jeedisay gudida cusub iyadoo u ducaysay in Alle xilkaasi ku asturo, waxayna halkaasi uga mahadnaqday gudidii hore ee ay ka midka ahayd.



Waxa madashasi ay gudida cusubi ku soo bandhigtay qorshaha ay damacsan yihin in ay qabtaan mudo xilkoodkooda iyado uu si faahfaahsan u sheegen Madaxa xidhiidhka calamiga ah Mudane Naasir Caydiid iyo Xoghaynta ururka Marwo Nasra Muse.


Guntii iyo gabagabadii waxa barnaamijka soo xidhay gudoomiyaha ururka Mudane Abdiaziz sheikh Mohamed isagoo u mahadnaqay gudidisii hore kuna amanay shaqadii wanagsanayd ee ay la soo qabteen mudadii ay so wada shaqeyen sidoo kale wuxu gudoomiyuhu u mahadnaqay madaxa Barnamijyada ururka Marwo Selma Abdi Farah Iyo Afhayenka ururka Mudane Cabdicasiis Caaqil Xasan sida wanagsan ee ay u soo qabanqaabiyeen barnaamijkan lagu sagootinayay gudidii hore laguna soo bandhigayay waxqabadka iyo qorshayaasha ururka.



Ugu danbayntii gudida cusubi waxay gudoon siisay shahaado sharafyo ay ku maamusen gudidii hore iyagoo ugu mahadnaqayay halka ay soo gaadhsiyeen ururka mudadii ay xilka hayeen.