Urur-ka Anglo-Somaliland Football Association wuxu kuusoo bandhigayaa, isagoo la kaashana  a urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community, munaasibad balaadhan oo taageero dhaqaale loogu uruurinayo mashruuc lagu dhiiri galinayo ciyaaraha kubadda cagta ee Jamhuu riyada Somaliland.



Anglo-Somaliland Football Association wuxu dalkii gaynayaa dhalinyaro kasoo qayb qaadan doo nta tartano kubada cagtaa oo ururku ka qaban qaabin doono gudaha dalka Somaliland, isagoo la kaashanaya ururada dhalinyarada iyo wasaarada dhalinta iyo ciyaaraha Jamhuuriyada Som aliland.



Ujeedada tartanada lagu qabanayo dalka Somaliland waxay tahay in lagu dhiiri galiyo laguna  x oojiyo kooxaha kubada cagta ee Jamhuuriyada Somaliland isla markaana lagu baraarujiyo  mus htamaca Somaliland muhimada uu u leeyahay sports-ku. Sidoo kale isku xidh-ka dhalinta reer Somaliland gude iyo dibad ayeey tartanadani ka qayb qaadan doonaan.



Munaasibadan waxa kasoo qayb galli doona dad badan oo magac ku leh sports-ka Somaliland, kuwii hore iyo dhalinta cusub-ba, iyo waliba fanaanin waawayn sida Sahra Axmed, Saynab Cige, Maxamuud Cumar, Nuur Daalacay, King Khaalid, Cabdifataax Yare, Fuad Cumar, Nimco Dareen, Farxiya Fiska, Farxaan Jabuuti iyo Yusuf Jeego.



Iyaguna waxa inagalasoo qayb galli doona 2 wasiir oo ka socda xukuumadda Jamhuuriyada  So maliland oo socdaal ku jooga dalkan Ingiriiska, 2-da wasiir oo kala ah: wasiirka shaqada iyo  ari imaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac iyo wasiirka beeraha Faarax Cilmi Maxamed.



Munaasibadu waxay ka dhici doonta maalinta Sabtida ee bishan April tahay 16-ka, saacadu  ma rkay tahay 7-da fiidnimo, hoolka wayn ee shirarka ee Copland Community College, kuna yaala  x aafada Wembley dariiqa Cecil Avenue, post code-kuna waa HA9 7DU. Qiimaha xafladan lagusoo galayaa waa £20 oo qudha.



Wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh 07903555517 / 07912639319 / 07870515334