Ururadda Midawga Yurub Iyo Afrika Oo Wasiirkii Horre Ee Khaarajiga S/Land U Magacaabay Ergayga U Qaabilsan Dalalka Khilaafyadda Siyaasiga Ahi Ka Aloosan Yihiin Ee Qaaradda Afrika
 
 


Hargeysa (TNN): – Ururadda Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cummar u magacaabay khabiir (Senior Diplomat) kala ta liya xalinta khilaafaadka siyaasiga ah ee ka aloosan waddamada qaaraddda Afrika, isla markaana khilaafyadaasi ayaa iskugu jira kuwo ka dhexeeya dalaka Afrikaanka ah iyo qaar ka dhex jira wad amadaasi gudahooda.

Dr Maxamed C/laahi ayaa waxa uu dalalka uu wakhtigan arrimahooda ka hawl-galayo waxa ka m id ah Koonfurta Sudan, Waqooyiga Suudaan, Nigeria, Congo, Somalia iyo Somaliland, kaas oo shal ay soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo ka soo kicitimay magaal adda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ahi w akhtigan dalka u yimid sidii uu wada-hadalo ula yeelan lahaa Madaxwayne Siilaanyo oo ay soo wa da-shaqeeyeen mudo dheer isla markaana ay saaxiibo isku dhaw ahaan jireen, kaas oo sida la fil ayo kala hadli doona xiisadaha siyaasadeed ee Somaliland ka taagan wakhtigan.

Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland Dr Maxamed oo xilkan dhawaan loo magacaabay ayaa no qon doona khabiir ka soo talo-bixiya xal ka gaadhida dalalka mushkiladaha siyaasiga ah ragaadiye en ee ku yaala qaaradda Afrika, kaas oo todobaadadii ugu danbeeyey socdaalo shaqo ku maraye y qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika, kuwaas oo ay wakhtigan ka taagan yihiin khilaafyo siyaasadeedyo waji-badan leh.

Dr Cumar oo isagu muddo saddex sano ah ahaa wasiirka khaarajiga xukuumadda Siilaanyo isla ma rkaana markii danbe wakhti kooban ahaa wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga ayaa isagu ahaa m asuul xidhiidho dhaw lahaa wadamadda Afrika iyo kuwa caalamkaba, kaas oo mudadii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa siyaasadda khaarajiga dalku ay indhaha aduunyadda soo jeedisay.

Sidoo kale waxa isagan xilkan oo kale loo magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Mr Seyoun Mesfin, kaas oo ay wada-shaqayn-doonaan wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.

Dhinaca kale waana markii u horaysay ee xil sare oo noocan ah ay beesha caalamku u magacawdo muwaaadin ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.
 

 

Source: Haatuf