Ururada hadhay waxaa u garnaqay gudigii diiwaan gelinta uma baahna karnaq maxakamdeed oo kale!!!

 



Waxaan salaamayaa warbaahinta warka na deeqsiiisa.Intaa kadib waxaan halkan jecel ahay in aan dhawr eray ka idhaahdo ururada hadhay oo sheegay in ay dacwad u gudbiyeen maxakamada sare iyaga oo tirsanaya in lagu reebay cadaalad darro taasi oo u muuqatay in ay yihiin ururo dafiraya garnaqii gudigii qiimaynta ururada.
Hadaba sideedaba haddii la tartamo cid uun baa guulaysata cidna waa laga guulaystaa cidii laga guulaysto waa in ay ku qaincdo natiijada ka soo baxda xeer beegtiga u garnaqaysa haddii ay ku kalsoonaan waayaan waxaa ay diidan yihiin sharciga dalka u yaal kaasi oo inoo kala xadeeyey in xeer beegtida gudiga diiwaan gelintu kala reebis ku samayn doonto urururad la furay haddii ay noqoto jaantaa rogan maxaa sharcigu u jedeeyey in gudi la magacaabo loona dhaariyo xilka ay gudanayaan? balse bedelkeeda lama kala waabiyeen ee waxaa la odhan lahaa ururadu waa furan yihiin kali ah waxaana ay noqon lahayd in aan la abuurin sharci kala reebaya iyo shuruudo toona iyo waliba gudi kala saarta.
Sidaasidarteed waxaa sharciga iyo shuruudaha loogu sameeyey gudiga diiwaan gelinta in ay awood u leedahay in ay kala reebto ururada siyaasadeed ee sharcigu u idmaday taasina xukuumada maanta xilka haysa way ku dadaashay sidii sharciga loo wafajin lahaa gudiga iyo ururda la furay intaba waxaana ay u samaysay garoonkii ciyaareed siyaasadeed oo lagu tartamo isla markaana waxaa la abuuray gudigu si hufan u soo saarto ururada ugu tamarta badan ee u tartami kara in ay xisbinimo usoo baxaan kuwaasi oo gudigii diiwaan gelintu soo saartay 6 urur siyaasadeed iyo seddxdii hore.
Sidaas awgeed waxay sameeyeen garnaq ay u garnaqeen ururadii tartamayey oo ka koobnaa 14urur siyaasadeed waxaa ay soo reebeen(6) lix ka mid ah urur siyaasadeedyadii tartamayey oo ah kuwii ugu tunka weynaa ee buuxiyey shuruudihii loo sameeyey oo waliba ay ururada oo dhami ku kalsoonaayeen in gudigani yahay gudiga kala saarida ururda la furay waxay siiyeen kalsooni buuxda waxay ku kalsoonaayeen kolba awaamirta ay soo saaraan gudiga diiwaan gelinta ururada siyaasada ee somaliland markaa haddii ay ururadii hadhay deedifeeyaan garnaqoodii waxay jabiyeen shuruucdii dalka u taala kuwa ka mid ah iyo waliba distoorkii dalka.
Hadaba aniga waxaa ay iila muuqataa in sharciga lagu kalsoonaado kaasi oo jidaynaya in gudigii diiwaan gelintu go'aankeed uu yahay mid sax ah oo aan u baahnayn in maxakamada sare dib u eegto waayo sharciga dalka ayaa jideeyey in gudigaasi kala saarto ururad la furay isla markaana ay soo reebto cida u gudubtay ururo iyo cida hadhay,marka la eego sharciga waxaa ii muuqatay aniga in aan loo baahanay in dib ay maxakamada sare uga garnaqdo waayo waxaa ay gudiga diiwaan gelintu la mid tahay maxakamad markaa waa in lagu kalsoonaadaa go'aanada ay jeediyaan sidii markii horeba loogu kalsoonaa gudiga diiwaan gelita ururda siyaasada.
Waxaan u soojeedinayaa maxakamada sare in ayna ka garniqin wax hore gudi sharciyayasani uga qarnaqaday haddii ay maxakamad sare ku adkaysato in ay ka garnaqdo wax hore loo go'aamiyey waxaa sii kordhi doona murnada siyaasadeed ee dalka sideedabana wax kasta oo gudi ama maxakamadi ka garnaqdo cida uu xukunku ku dhaco ee laga gar helaa way diidaa oo waxay tidhaa waxaa la igu sameeyey cadaalad darro inaga oo sidaasi ka dheregsan waxaan maxakamada sare ku boornayaa in ay aqoonsato ama ay raacdo go'aanka gudiga diiwaan gelintu ku kala saaray ururada isla markaana aany dhegaysan dacwda ururada hadhay haddii ay dhegaysatana ay raacdo go'aanka gudiga diiwaan gelintu go'aamiyey.

Gabagabadii waxaan ku amaanayaa gudigii diiwaan gelinta sida wanaagsan ee ay ugu garnaqday ururadii siyaasadeedyadii la furay iyo sida ay u raacday shuruucda dalka iyo waliba go'aan qadashada wanaagsan ee ay sameeyeen,ururada hadhayna waxaan leeyahay gari laba nin kama wada qosliso ee nin uun bay ka qoslisaa ee ku kalsoonaada go'aanka gudiga diiwaan gelintu soo saartay dalkana u tudha oo dulqaad sameeya lama wada guulaysto e.Iyada oo aynu hore u galay doorashooyin degaan iyo kuwa madaxweyne waa la kala guulaystay intii markaa dhacaday waxay ku kala biirtay ururadii siyaasadeed ee guulaystaymarkaa sidii aynu hore u samaynay ee aan u kala raacanay ururadii guulaystay sameeya.

Waxaan xukuumada uga mahadcelinayaa furida ururda oo ay ku dhiiratay iyada oo u samaysay siyaasiin banaanka joogay meel ay siyaasada ka galaan iyo dulqaadaka wanaagsan ee ay samysay mudadii ururadu tartamayeen islamarkaana shubtay lacagtii doorashada lagu geli lahaa iyada oo wakhtigiina mudaysay wixii la sugaana yahay in la galo doorasho.
 

 


Cabdi.D.camuud
UK