Urur Siyaasadeedka Wadani oo dhoolatus la yaab leh ku soo khatimey ololihii Doorashada ee magaalada Gabiley
 


Taageerayaash urursiyaasadeeka wadani oo buux dhaafiyey wadooyinka halbawlaha u ah magaalada Daawo Sawirrada


Gabiley (TNN) urur siyaasadeedka wadani ayaa dhoolatuskii ugu balaadhnaa kus oo gaba ga b eeyey ololahoodii doorashada deegaanka ee Gobolka Gabiley.

taageerayaash urursiyaasadeedka wadani ayaa socoda ku marayey wadooyinka magaalada gabiley,taageerayaasha oo ku tabisnaa urur siyaasadeedka wadani , dharka hidaha iyo dha qanka iyo calanka somaliland waxay ku biyo shubteen fagaaraha beerta xoriyada ee gabiley.


Taageerayaash urursiyaasadeeka wadani oo buux dhaafiyey wadooyinka halbawlaha u ah magaalada ayaa gilgiley Guud magaalada gabiley waxayna dadku isku salaamayeen calanka urur siyaasadeedka wadani iyo astaanta qaranka somaliland

Ugu horeyn waxaa halkaasi khudbado ka jeediyey 21-ka musharax ee urursiyaasadeedka w adani uga sharax degmada gabiley.Musharaxiinta oo khudbado dhaadheer u jeediyey taage erayaashood una soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ku hagi doonaan must aqbalka dhaw. Khudbadaha musharixiinta oo qiiro galiyey taageerayaasha uguna baaqay inay maalinta codeynta ay codkooda ugu deeqaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley gidoomiyaha urursiyaasadeedka wadani ee Gobolka Gabiley Sheekh Axmed Suufi Haadh waxaanu ku dheeraadey ahmiyada horumarku uleeyahay bulsh ada iyo sida ay ugu heelan yihiin inay umadooda wax u qabtaan.waxaanu kula dardaarmey taageerayaashu inay maalinta codka u codeeyaan musharaxiinta urur siyaasadeedka wada ni ee ay taageersan yihiin.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley Siyaasi muuse c/laahi suween oo ka mid ah masuuliyiinta u rur siyaasadeedka wadani waxaanu taageeryaasha kula dardaarmey sidaa ay maanta usoo bexeen inay maalinta codkana usoo baxaan waxaanu yidhi ‘’ waxaanu idiin soo sharaxney musharaxiin xul ah oo aqoonleh ,oo karti leh,oo dhalinyaro ah oo aad idinkuna soo caleemo saarateen waxaa la diinka baahan yahay inaad garab istaagtaan” .

Gabagabadii waxaa xafladaasi soo xidhay xildhibaan bashiir sh.xuseen tukaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland waxaanu taageerayaasha usoo jeediyay in ay codkoodu ugu hiiliyaan ururka Wadani isaga oo xusay in Xukuumadu ku fashilantahay balan qaadyadii ay bulshada u fidiyeen, sheegayna in Maciishadii iyo quutal daruurigii circa isku shareeray.

 


C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland