Urur Siyaasadeed Nasiye Oo Dhallinyaro Ubadan oo Maanta Dalka Lagaga Dhawaaqay.

 

 

 


“Ka midooba Qabiil, u midooba Dantiina, ku midooba Nasiye”. Fariinta Ururka




Hargeysa (TNN)-Urur Siyaadeed Cusub oo laga magac Baxay Nasiye,isla markaana u badan Dhalinyaro ayaa maanta Dalka lagaga dhawaaqay. Urur Siyaasadeedkan Nasiye oo maanta Xafladihii lagaga dhawaaqayey la sheegay in lagu qabtay Mar kaliya Sagaal Magaalo oo ka mid ah Magaalooyinka Somaliland, isla markaana ay ka mid yihiin Magaalooyinka Hargeysa, Boorame, Burco, Gabiley, Berbera, Baligubadle, Oodweyne, Badhan iyo Laascaanood.

Xafladii Lagaga dhawaaqayey Magaalada Hargeysa oo lagu qabtay Hutel Maansoor ayaa wa xa ka soo qayb galay Xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.


Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Buraale Jibriil oo ka mid ah aas aasayaashii Urur kan, isaga oo ka sheekeeyey Caqabadaha ugu waaweynaa ee hor taagnaa dhalinyarada in ay ka qayb galaan talada Dalka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Caqabadaha ugu badan ee ina hor taagnaa haddii aynu Dhalinyarada nahay waxa ka mid ahaa in la ina odhan jiray 35-Sano qof ka yari ma gali karo talada Dalka, taasina maanta waynu ka gudubnay”.

Mustafe Maxamed Daahir oo isna ka mid ah Dhalinyarada ku jirta Ururkan oo halkaasi ka ha dlay ayaa sheekeeyey mabaadi’ida uu Ururkoodan cusub aaminsan yahay, isaga oo sheegay in Ururkoodu aamin san yahay Qaranimada Somaliland.


Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Kulmiye ahaan aaminsanaayeen in la furo Ururada Siyaasada, taasna ay hir geliyeen markii ay Xilka ku guulaysteen, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Haddii aanu Kulmiy e nahay waxaanu balan qaadnay in Ururada la furo, waananu furnay markii aanu ku guulays anay Talada Dalka.


Qof weliba waxa uu jecel yahay geedkii uu beeray in uu midho dhalo anagu waxaanu balan q aadnay in aanu Ururada furi doono waananu furnay, sidoo kale in Da’ada lagu soo galayo talada Dalka ka dhigi doono 25-jir waananu ka dhignay”.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaw eynayo Ururkan Cusub ee Nasiye, waxaanu sheegay in uu ahaa Xildhibaanadii u ololaynaysay in Da’ada talada lagu soo galayo la yareeyo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yid hi “Waan soo dhaweynayaa Ururkan Cusub ee Nasiye, Anigu ka xildhibaan ahaan waxaan ka mid ahaa Xildhibaanadii u ololaynaysay in Da’ada ay Dhalinyaradu Talada Dalka kaga qayb ga layaan la yareeyo”.

Guddoomiyihii hore ee Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Yaxye Maxamed Ubaxle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Ururkan Nasiye ee u badan Dha linyarada.


Farduus Siciid Dirir oo ka mid ah aas aasayaasha Ururkan Nasiye oo iyana halkaasi ka hadash ay ayaa sheegtay in ay Dhalinyaradu Muddo badan Xabsi ku soo jireen dhinaca ka qayb gal ka Talada ah, waxaanay tidhi “Dhalinyaradu muddo badan waxa ay ku soo jireen Xabsi dhina ca ka qayb galka Talada ah, waxaynu ku doodaynaa maaha yaa Tolkay ah ee waa yaa ila Ma bda’a ah.

Xasan Waraabe Cadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Urur kan Cusub ee ay dhalinyaradu ka dhex muuqdaan.
Dr. Cumar Cismaan Cartan oo ka mid ah aas aasayaashii Ururkan ayaa ka war bixiyey ku talo galkooda sida ay u soo xulayaan Hogaanka Ururkan, waxaanu yidhi “Waxaanu ku talo galnay in Guddoomiyuhu ku meel gaadh noqdo oo aanu Guddoomiyaha Rasmiga ah Kartidiisa ku soo magacawno, isla markaana aanu noqon nin inta Qurbaha looga yeedho la yidhaahdo Guddoo miye noqo”.


Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Ururkan Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani) oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn baaq Nabadeed u diray Dadka ku dagaalamaya Magaala da Ceerigaabo, waxaanu sheegay in Xaflada lagaga Dhawaaqayo Ururkan si wada jir ah loo gu qabanayo Sagaal Magaalo oo ka mid ah Somaliland, waxaana Hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa “Magac Nasiye waa Maga macno badan xambaarsan, waxaanu ugu taagan yahay Macno balaadhan Dhalinyarada iyo Aqoon yahanka, isaga oo Ururku ka fog kooxaysiga iyo Qabiilaysiga, Ujeedooyinka Ururkuna waa in la dhiso Cadaalada Dalka wada saameysan, lana tir tiro Qabyaalada”.


Guddoomiyaha ayaa isaga oo Fariinta u dambeysay diraya yidhi “Ka midooba Qabiil, u midooba Dantiina, ku midooba Nasiye”.






Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland