Urur Siyaasadeed la magacbaxay XUSBULLAAHI oo Hargeysa lagaga dhawaaqay

 


Gudoomiyaha Urur siyaasaddeedka XISBULLAAHI Maxamuud C/Laahi Geelle ayaa sheegay in uu dalka ku xukumayo diinta islaamka



Hargeysa (TNN) Urur siyaasadeed la magacbaxay XUSBULLAAHI ayaa maanta lagaga dhawa aqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ururkan oo la sheegay in uu ka shaqayn doono arimaha Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ayaa ka mid noqon doona urur siyaasaddeed adii dhowaanahan lagaga dhawaaqay dalka gudihiisa.

Munaasibaddii lagu daahfurarayay urur siyaasadeedkan oo lagu qabtay hotel Xaraf ee Maga aladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal qof oo kale duwa.

Gudoomiayah Urur Siyaasaddeedka XIBULLAAHI Sheikh Maxamuud C/Laahi Geelle oo ka hadl ay munaasibaddan ayaa ka warbixiyay Sababta loo aasaasay ururkan waxana uu sheegay in uu ururkani ka shaqayn doono Arimaha Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban, waxana uu car abka ku bdhuftay in uu ururkani muhmiyadda kowaad siin doono diinta islaamka iyo ku dhaqa nkeedda.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay wax ka badali doonaan haddii ay taladda dalka ku guul aystaan Dastuurka, waxana uu sheegay in uu dalka ku xukumi doono Sharciga Islaamka.

Gudoomiyuhu waxa uu canbaareeyay Dimuqraadiyadd waxana uu sheegay in dimuqraadiya ddu tahay dhaqan gaallo siddaas awgeedna aanay haboonayn in la qaato dhaqan ay gaallo lee dahay.
 

 


Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office