Urur Siyaasadeed Kulmiyay Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Dhalinya ro,
Haween Iyo Dad Miisaan Culus Ku Leh Somaliland, Lana Magacbaxay
Jamhuuriga Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Hargeysa
Gudoomiyaha
Qaban qaabada urur siyaasaddeedkan oo ka hadlay madashaasi ayaa.....
Daawo Sawiradda
Hargeysa (TNN) Urur Siyaasadeed la magac baxay Ururka Jamhuuriga
Somaliland (Somaliland Republic Party)ayaa maanta lagaga dhawaaqay
Caasimadda Somaliland ee Hargeysa .
Munaasibadda Daahfurka Urur Siyaasadeedkan oo lagu qabtay Hotel
Imperial ee Magaaladda Hargeys a ayaa waxa ka soo qayb galay
Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Xildhibaano, Dhalinyaro iyo Marti sharaf
kale.
Madashan waxa ugu horeyn ka hadlay Safiirkii horre ee Somaliland u
fidhiyay Dalalka Itoobiya iyo Jab uuti
Ambasador Cumar Xaaji Maxamuud
(Cumar Dheere) waxana uu sheegay
inaanuu ururkoodu doo ran Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka, balse waxa
uu tilmaamay in ay doorteen Gudoomiye Guddi qab an qaabo “Walli ma
aannu dooran Gudoomiye Urur Siyaasadeed, balse waxa aanu dooranay
Gudoomiy e Guddi qabanqaabo, laakiin sabata aanu Gudoomiye u dooran
weynay waxa aanu ulla jeedanaa sii aa nuu ururku u noqon urur mid
lee yahay siddii ururaddii horre lagu yaqaanay, waayo waxa aanu doon
aynaa in Gudoomiyaha Ururku lagu soo dhex doorto Shirka Gollaha
Dhaxe ee Xisbiga kaas oo ka qabso omi doona dhowaan si uu u soo baxo
Gudoomiye xaq iyo xalaal ku yimi” ayuu yidhi
Amsador Cumar Dheer.
Safiirku waxa uu ku nuux nuuxsaday ujeedooyinka iyo waxyaabaha loo
aasaasay ururkan, waxana uu sharaxaad dheer ka bixiyay calanka
xisbiga isaga oo tusaale u soo qaatay Saddex iyo Toban Xidigood oo
ku xardhan calanka xisbiga, waxana uu sheegay in 13 xidigood loola
jeeddo dhamaan Goboladda D alka Somaliland, Cumar dheer waxa uu ku
sifeeyay arintan in xisbiga ay u siman yihiin degmooyinka iy o
Goboladda Dalku “ 13 Xidigood waxa ay muujinayaan Goboladda Dalka
Somaliland, taas oo ay macna heeddu tahay in Urur siyaasadeedkan ay
u siman yihiin qaybaha kala duwan ee bulashadda haday ah aan lahayd
qof ka ku nool Awdal illaa Sanaag, ama
Sool illaa Saylac, xisbigan way u siman
yihiin” ayuu ku soo gabgabeeyay Mr Cumar Dheerre hadalkiisii
Sidoo kale waxa Munaasibada Ururkan hadal dheer ka jeediyay
Gudoomiyaha Qaban qaabadda urur siyaasadeedkan
Cumar Muuse Ibraahin, waxana uu gudoomiyuhu ka warbxiyay
ujeedooyinkii loo aas aasay ururkan, waxana uu sheegay in sabata loo
aas aasay la dagaalnka muq maasuqa, iyo kor u qaa didda maamul
wanaaga...Gudoomiyaha ayaa si qoto dheer u sharaxay ahmiyadda
ururkan, waxana uu tilmaamay in loo baahan yahay isabadal in lagu
sameeyo dhamaan cadaaladda.
Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in uu urur siyaasadeedkani wax ka
qabanayo Musuqmaasuqa, waxana uu carabka ku dhuftay in Ururka
Jamhuurigu la dagaalamayo Musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi hadallo ka soo jeediyay
Axmed C/laahi Xuseen,
Cumar Xaaji Maxamu ud,
Muuse C/laahu Nuur, waxana ay si
wanaagsan u soo dhoweeyeen ururkan cusub, waxana ay she egeen in ay
si wanaagsan u taageersan yihiin Ururkan.
Gudoomiyihii Guddidda ka Tallo Bixinta Furashadda Ururadda
Siyaasadeed Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanadda Goloha
Wakiiladda oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan
yahay ururkan maanta lagu dhawaaqay.
Xildhibaanku waxa uu ka dayriyay Saddexdii xisbi ee horre u jirey
waxana uu sheegay in ay dad gaar ahi kooto ku haystaan waxana uu
yidhi “ Saddexda Xisbi ee jiraa dhibaatadoodu waxa ay timi markii
Nin kastaa yidhi anigaa leh xisbigan”.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka hadlay madashaasi ayaa isna si
weyn u soo dhoweeyay urur siyaasadeedkan waxana uu ku booriyay in ay
ku dadaalaan siddii ay uga midho dhalin lahaayeen in ay hantaan
Kursiga Dalka.
Si kastaba ha ahaatee Mabaa’dida Urur Siyaasadeedkan ayaa kala ah
1. Waxa Saldhig u ah Dastuurka Qaranka Somaliland.
2 Ilaalinta Dastuurka iyo Xeerka Dalka.
3 Ku salaysan tahay Diinta Islaamka iyo Dhaqan suuban bulsho xor ah
oo Suuban bulsho xor ah oo sinaan isku tashi tallo wadaag cadaalad
ku wadda noolaadaan
4 adkeynta xuduudaha lama taabtaanka ah ee Qaranka Somaliland.
5 ilaalinta gooni isutaaga madaxbaananidda qaranimadda Somaliland,
sidda uu qeexayo Qodobka Kowaad Farqadiisa Kowaad ee Dastuurka
Somaliland.
6. Dhawrsanaanta ku dhaqanka midnimadda, sinaanta iyo cadaaladda
muwaadiniinta Somaliland.
7 cidhibtirka Faqriga, Jahliga, iyo Cuduradda Faafa.
8 Joogteynta dhiiri galinta guulaha dimuqraadiyadeed, horumararineed
ee la gaadhay, ogolaanayana doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhisan
hanaanka xisibiyadda Badan iyo Mabda’a codbixinta Qofka.
9 Ixtiraamka xeerka Caalamiga ah, nabadda iyo deris wanaaga.
10 Adkeynta Xidhiidhka sokeeye ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo
Dalalka deriska la ah.
11 Horumarinta xoriyadda ra’yiga iyo Saxaafadda xorta ah.
12 Taageeridda xaquuqda haweenka, ka qayb galidda dhinaca
siyaasadda.IMG_2000
13 hir galinta kor u qaaddista Xaquuqdda Dhalinyaradda dhinaca
Siyaasadda iyo Maamulka Dalka
14 Horumarinta hidaha iyo Dhaqanka suuban ee soo jireenka ahaa.
15 la dagaalanka argigixisadda iyo Budhacad Badeedda.
16 Ku dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo Maamul Wanaaga.
17 Ururka Waxa ka reeban adeegsiga Gobolaysi, Qabyaaladda, Kooxaysi
iyo Wax kasta oo waxyeelaya daganaashaha Nabadgelyadda, Bulshaddana
kala fogeynaya ama kala faquuqaya.
Dhanka kale Ujeeddada ururka Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa u qoran
sidan
1 Sugidda Nabadgelyadda, degenaashaha iyo wadda noolaanshaha
bulshadda.
2 Kobcinta Dhaqaalaha, Horumarinta Beeraha, Xoolaha, ka
faa’iideysiga Kheyraadka Debciga ah Badda iyo Bariga Dalka.
3 Kor u qaadidda iyo tayaynta nidaamka dawladnimo, kuna salaysan
Maamul Wanaag, sinaan iyo Cadaaladd.
4 Kor u qaadista adeegyadda bulshadda, caafimaadka, faya dhawrka
waxbarashadda, Biyaha iyo Wadooyinka.
5 Tayaynta iyo horumarinta Tacliinta Sarre iyo Tiknoolajiyadda
Casriga ah.
6 Daryeelka Shaqaalaha, Ciddamada, Macalimiinta, Danyarta, Naafadda,
iyo Caruurta.
7 ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Sidda Abaaraha, Cudaradda (Xaaladdaha
Soo noqnoqdda) lagana gaadho xal wax ku ool ah oo waara.IMG_2001
8 Cidhibtirka Musuqmaasuqa iyo Qabyaaladda.
9 Tayaynta iyo horumarinta garsoor cadaalad ku dhisan.
10 Horumarinta Suuqa Xorta ah, lana ilaaliyo Xuquuqdda Dheefsiga, si
looga hortago sixir bararka loona ilaaliyo nolasha Bulshadda.
11 Wacyi galinta dhalinyaradda kor u qaadidda ciyaaraha, hoosna loo
dhigo la dagaalanka Maan-dooriyayaasha si loo hello Jiil Caafimaad
qab
Isku soo wadda duuduub oo ururkan Siyaasadeedkan maanta lagu
dhawaaqay ayaa noqonya kii Sagaalaad ee Dalka lagaga dhawaaqo.
Cali-Mahdi Cismaaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|