Urur Siyaasaddeed Lagu Magacaabo Maareynta Danta Dalka (UMADDA) Oo Maanta Lagaga Dhawaaqay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa
 

 


“Wax mucaaradka loo samaystay maaha in ay wax caayaan in ay wax burburiyaan ee waa ina ad..." Gudoomiyaha Ururka UMADDA Daawo Sawiradda



Hargeysa (TNN)- Urur siyaasaddeed la magac baxay Ururka Maareynta Danta Dalka oo magiciis a loo soo gaabiyay ururka (UMADDA), oo uu gadh wadeen ka yahay Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose ayaa maanta lagaga dhawaaqay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibaddii lagaga dhawaaqayay urur siyaasadeedkan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Xildhibaanadda Labadda Golle Qaran, Dhalinyaro, Salaadiin, Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Xaflafan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isla markaana si maqaam sarre ah layskugu soo duba ridey ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Suldaan Barre Xaaji Xuseen , waxana uu ka hadlay urur siyaasaddeedkan cusub ee lagu dhawaaqay maanta, Suldaanku waxa uu sheegay in uu ururkani ka duwan yahay ururaddii maalmihii dhweyd lagu dhawaaqayay, waxana ka mid ahaa hadaladiisii “Ururkan waa urur cajaayib leh wuxuu cajaayib ku lee yahay mudddaa laga fiirsanayay, waayo magaca uu sito ayaaba qiimo badan ku fadhiya oo waa UMADDA”
Suldaanku isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “Gudoomiye Gaboose waxa uu naga mudan yahay Duco iyo Amaan, waxan ugu ducaynayaa in uu noqdo kii dadka haga, kii lagu soo hirto, kii guulaysta in uu noqdo ayan ugu ducaynayaa” ayuu yidhi Suldaan Barre.

Suladaan rashiid Suldaan Suldaan Cali Ducaalle oo halkaasi ka hadlay ayaa isna ka sheekeeyay taariikhdii Gudoomiyaha ururka UMADDA “ Dr Gaboose jaamacadiisa wakhtiguu dhamaystay wa a la garanayaa, Dawladdii siyaad barre wasiir buu noqday, Mujaahid SNM ah ayuu noqday, Was iir ayuu noqday Dawladdii Cigaal, Urur Siyaasadeed la dhaho SAHAN buu furtay wuu waayay,. Qaran Buu furtay waa la xidhay, hadana wasiir buu noqday iminkan Waxa uu furtay urur waa nin ku adkaystay mab di’iisa waanuna taageersanahay waxana ku lee yahay guul guul guul ILAAHAY ha ku guuleeyo.” Ayuu yidhi Suldaan Rashiid.


Suldaan Qoor Dheere, oo isana halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa ka warmay dadka ururadda furanaya wakhtigan waxana uu sheegay in Dr Gaboose ururkiisu uu ka duwan yahay kuwii lagu dhawaaqayay ayaamahan danbe “raga maanta ururadda furtay Dr Gaboose barro ayuu dheer yahay,” ayuu yidhi suldaanku waxana uu intaasi ku daray “ninku hadduu han lee yahay ma khasaaro, Gaboose-na han ayuu lee yahay”


Suldaan Qoor dheere waxa uu ka codsaday ururadda in ay ilaaliyaan bnabad gelyadda, kana shaqeeyaan horumarka “Waxaan ka codsanayaa ururadda lagu dhawaaqay iyo kuwa lagu dhawaaqi doono in la ilaaliyo nabad gelaydda, midnimadda, ma aamin sani in ururka UMADDA ay xagiisa ceebi ka imanayso, maadaama raga wataa ama maamulka haya ay yihiin aqoonyahanaddii dalka”.

Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle, Xildhibaan Baar Siciid iyo Badhsaabku xigeenkii horre ee Gobolka Awdal Mudane Maxamed Xuseen Cawl, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhdda iyo marxaladdii siyaasaddeed ee Dr Gaboose, waxana ay u soo jeediyeen Amaan balaadhan, waxana au u duceeyeen ururkan cusub.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee ururka UMADDA maxamed cabdi xaamud (Nine), iyo Gudoomiye ku xigeenka Afraad ee Ururka UMADDA Xuseen Ismaaciil Cabdi, oo iyana halkaasi ka hadalay ayaa sheegay waxa uu ururkani ahmiyadda saari doono, waxana ay tilmaameen in ay wax badan ka qaban doonaa Ahmiyadda Caafimaadka, waxbarashadda, Biyaha, Ictiraaf raadinta, iyo baahiyha kala duwan ee bulshadda, waxana ay sheegeen in Ururkani uu ka madaxbanaan yahay Qabyaaaladd, Eexdda, nin jacaylisi, kaligii taliye,.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in uu Xisbigiisu yahay Hooyadda ururadda lagu dhawaaqayo “ waxa aan ahay Waalidkii ururadda oo urur kasta waan soo dhoweenayaa” . ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Gudoomiye Faysal waxa uu ka hadlay aqoonta ka dhaxaysa isaga iyo Gudoomiye Gaboose, waxana uu yidhi “Gudoomiye Gaboose si gaar ah ayanu u saaxiib nahay aniga oo xidhnaa 1981 kii oo toban bilood god ku jirey oo aan cadceed arag baa lay geeyay dhakhtarkii madaxtooyadda, waxana ka dhakhtare ahaa gaboose, waan is weraysanay waxa aan u sheegay in intaan xidhnaa inaan cadceed arag, waxana uu ii soo qoray in maalin kasta cad ceedda lay geeyo,Aniga oo leh reer koonfureedkan naxriista badan maxuu ahaa, ayan mar danbe ogaaday in uu nin kani asal ahaan ka soo jeedo Somaliland”.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi ku daray “Gaboose iyo aniga marna maan noqon isku xisbi,”.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa uu dhaliilay Maamulka Siilaanyo, waxana uu sheegay inaanay dalka ka jirin waxa Mucaaradnimo ahi, Waxana uu sheegay in uu Mucaarad barad yahay Xisbiga UDUB

Ugu danbeyntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka UMADDA Dr Maxamed Cabdi Yuusuf Gaboose waxana uu ka warmay waxqabadka iyo waxyaabaha uu ahmiyadda Saari doono ururkani.

Gudoomiye Gaboose waxa uu sheegay in Mucaaradnimaddu tahay toosin “Wax mucaaradka loo samaystay maaha in ay wax caayaan in ay wax burburiyaan ee waa inaad walaalkaa u tilmaantid halka ay wax ka khaldan yihiin” ayuu yidhi Gaboose.

Gaboose waxa uu sheegay in ay dad badani is weydiinayeen waxa uu ugu dhawaaqi waayay urur madaama uu iska casiley Wasiirkii Arimaha Gudaha “hadduu wasiirkii arimaha gudaha ka dagay muxuu ugu dhawaaqi waayay ayaa muddo lalahaa inaad ka fiirsatid inaad ka fakartid ayaa loo baahan yahay, wakhtigii diwaan galinta urruraddana dhawr iyo afartan ayaa ka hadhay” ayuu yidhi DR Gaboose.

Si kastaba ha ahaatee Urur siyaasadeedkan cusub ayaa la sheegay in uu shirkiisii ugu horeeyay ku qabsaday Xaruntiisa Dhaxe ee ururkani ku lee yahay Magaaladda Hargeysa 9 Bishan aynu ku jirno, waxana ay intaasi ku dareen in ay halkaas ku doorteen Astaanta Ururka , Sharciga Ururka, Magaca Ururka, waxana ay intaasi raaciyeen in ay Gudoomiye u doorteen Dr Maxamed Cabdi Gaboose, halka Gudoomiye ku xigeena ay doorteen Dr Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec, waxana ay sheegeen in Gudoomiye ku xigeenku wakhtigan ku sugan yahay Dalka Maraykanka balse uu dhowaan iman doono Wadanka.
 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office