University of Hargeisa
Press Release
KU: Madaxweynaha JSL
KU: Wasiirka Wasaraada Waxbarashada & Tacliinta Sare
OG: Agaasimaha Tacliinta Sare
OG: Wasaarada Daakhiliga JSL
Guddida Sare ee Jaamacadda Hargaysa (Senate) bishii February 11,
2012 wuxuu go’aan ku ga adhay in la kordhiyo Fee-ga Jaamacadda,
Feegaasi oo ah kan ugu yar Jaamacaddaha wadanka, Isla markaana
feegan cusubi uu yahay kan ugu yar ilaa maanta Jaamacaddaha Dalka.
Faculty
Fee-gii Hore
Fee-g Cusub
Korodhsiimo Lixdii biloodba.
Bishiba inta la kordhiyay
Faculty of Business
$157.5
$180
$22.5
$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)
Faculty of Economics
$157.5
$180
$22.5
$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)
Faculty of ICT
$190
$210
$20
$3.3 (Saddex Dolar & 3 cent)
Faculty of Medicine
$184
$250
$66
$11 (Kow iyo toban)
Faculty of Engineering
$180
$210
$30
$5 (Shan Dolar)
Faculty of Science & Technology
$157.5
$180
$22.5
$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)
Faculty of law
$180
$200
$20
$3.3 (Saddex Dolar & 3 cent)
Faculty of Islamic Studies
$157.5
$160
$2.5
$0.40 (40 cents)
Faculty of Education
$100
$100
0
0
Faculty of Statistics
$157.5
$180
$22.5
$3.75 (Saddex Dolar & 75 cent)
Golaha Senate-ku wuxuu si buuxda korodhsiimadaasi aad ka u yar ugu
sameeyay duruufahan soo socda awgood:
Duruufaha dhaqaale ee dalka oo isa soo badalayay laga soo bilaabo
2000 oo ah aas aaskii Jaamacadda.
Iyadoo Jaamacadu haysan kari la macalimiinta khibrada leh dhaqaale
ahaan.
Horumarinta adeegyada kala duwan ee Jaamacadda.
Iyadoo ay ardayda Jaamacaddu aad u korodhay waxa lagama maarmaan
noqotay in la qorsheeyo sidii loo kordhin lahaa goobaha waxbarashada
sida fasalada, Lecture halls-ka, iyo shaybaadhada iwm.
In la hormariyo xarunta cilmi baadhista si loo hir geliyo qaybaha
kala duwan ee cilmi baadhista ee wadanku u baahan yahay, ardayduna
ay uga qayb qaadan lahayd.
Kor u qaadidda, iyo joogtaynta tayada macalimiinta iyo shaqaalaha
jaamacadda (Capacity Building).
Si joogto ah in dib u eegis loogu sameeyo barnamijyada waxabarasho
ee jaamacadda loona raadiyo ardayda buugta waxbrashada (Textbooks,
computers iwm)
Iyadoo ay jiraan Kuliyado muuhiim u ah bulshada iyo qaranka
Somaliland oo aan hadda is bixin karin una baahan kabis sida
Kuliyadaha: Faafimaadka, Waxbarashada, Darasaadka Islaamiga ah, iyo
Statistics-ka.
ka dib markii ay kulamo badan yeesheen golaha sare ee Senate-ku
daraasadana ay sameeyeen, kuna qanceen duruufaha jira, lana tix
galinayo xaalada dhaqaale ee bulshada iyo sababahaasi kor ku xusan,
ayuu goluhu wada jir ku goaamiyay kordhintaasi yar.
Go’aankaasi oo ardayda lagu wargeliyay 11 February 2012 iyagoo u
baxaya fasaxii bisha ahaa si ay ugu soo talo galaan semester ka
cusub, markay ardaydii soo noqotay waxaa soo baxay in koox yar oo
sheegatay in ay ardayda matalaan, meel lagu magacaabayna aanay jirin,
ardayduna ayna kula socon ay ka hor yimaadeen goaankii, iyadoo ay
ardayduna bilaabeen bixinta Feega cusub.
Kooxdaasi yar waxay bilaabeen fawdo iyo ixtiraam la’aan iyo hadidaad
ku wajahan Jaamacadda, maamulka, macalimiinta iyo guud ahaan amniga
qaranka. Waxaanay ku hanjabeen in ay banaanbaxyo abaabuli doonaan
hadii aan laga noqonin fee-ga cusub. Waxay kulamo la yeesheen
Wasaarada daakhiliga, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo
Saxaafadda, iyagoo shuruucdii Jaamacadda iyo tii ardaynimo
burburiyay isla markaana soo yeedhiyay go’aamo xad gudub ah.
Kooxdaasi waxay kulan la yeeshee Wasaarada Waxbarashada iyo
Tacliinta Sare, kulankaasi ka dib wasaaradu waxay soo magacowday
gudi xaqiiqo raadis ah kuwaasi oo ku gudo jira hawlahoodii ilaa
maanta.
Iyadoo taasi jirto waxaa kale oo ay Wasaaradaha Waxbarashada &
Tacliinta Sare, Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska, iyo
kooxdii ardayda ahayd kulan aanay Jaamacadu ogayn ku yeesheen
Wasaarada Daakhiliga, taasi oo go’aamo aanay Jaamacadu waxba ka
ogayn laga sii daayay warbaahinta kala duwan, oo ay ka mid ahayd in
kordhintii fee-ga laga noqday.
Iyadoo la ogyahay faro galino hore oo jiray, Jaamacaddana ku abuuray
mashaakil, waxa la yaab noqotay in Wasaaradda Waxbarashadu ay soo
faro galisay mar kale go’aamada Jaamacadu ay qaadato, isla mar
ahaantaana ay meesha ka saartay shuruucdii u dhaxaysay maamulka iyo
ardayda.
Go’aan:
Golaha senate-ku wuxuu 07 April 2012 yeeshay shir degdeg ah oo aan
caadi ahayn, kaasi oo lagu go’aamiyay qodobadan hoos ku xusan:
In aanay ka noqosho lahayn Kordhinta yar ee Fee-ga Jaamacadda lagu
sameeyey.
In Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ula dhaqanto
Jaamacadda Hargaysa sida Jaamacaddaha dalka, iyadoo ilaalinaysa
madaxbanaanida Maamulka Jaamacadda, faro galintana laga daayo.
In Jaamacadda Hargaysa laga fogeeyo arimaha siyaasadaysan ee ardayda
la soo dhex geliyay. Isla markaana dadka ay ogtahay wasaarada
waxbarashadu in ay abaabulayaan arimahan, in ay talaabo ka qaado ama
gudbiso hay’adaha ay qusayso.
Lifaaq: xubnaha senateka ee go’aankan saxeexay.
|