UGAADHSIGA WERIYAYAASHA

 


Waxaan salaammayaa dhaamaan hawlwadeenada iyo akhristayaasha  s habakadda wararka ee longlivesomaliland.com meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay aslaamu calykum waraxmatulaahi wabarakaat. Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo tacadiga lagu hayo  walaalehee na saxaafadda ka hawlgala.

Mar walba oo aad dhegeysatid ama aad akhrisatid wararka waxa aad xasuusanaysaa weriyihii soo tebiyey ee kusoo hawshooday inuu ku soo gaadhsiiyo war tafatiran, adiga oo maanka ku haya qiimaha uu ku fadhiyo saxafigu iyo sida uu bulshada ugaga jiro kaalinweyn, dadku waxa ay uugu baahi badan yihiin waa warka , haddaba weriyayaashu waxa weeye kuwa dadka ka haqabtira warka. Inbadan oo inaga mid ahi kama warqabaan duruufaha adag ee ay weriyayaashu la kulmaan.

Waa dhab, in xukuumad walba oo jirtaa ay weriyayaasha iyo saxaafadda madaxabanaa u aragto cadaw oo ay lagasho dagaal, bal ufiirso beryahan dambe waxa ay dawladda Somaliland u tafa-xaydatay xidh xidhidda iyo cabudhinta saxaafadda madaxa-banaan.waxa aynu ognahay in  saxaafa dda Somaliland kasoo qayb qaadatay dedaaladii nabadda ee Somaliland kagana jirtay kaalinta kowaad. Manta miyay daw tahay in lagu abaal  ma r iyo saxafiyiinta xadhig iyo tacaddi lagu tumanayo xuquuqdii ay  lahaaye en, waxaan leeyahay Riyaalaw siday dadku kuugu liseen ugu hanbee oo is daba qabatee.


Waxa meelka dhac weyn ah in weriyayaasha laxidho iyada oo aan  xadh igooda sifo sharciya loo soo marin taas oo kasoo horjeedaa xuquuqdii weriyaha ama gebi ahaanba saxaafadda. Marwalba oo ay soo dhowaato wakhtiga ololaha doorashooyinka waxa ay dawladu ku talaabsataa inay afka qabato hay`adaha warbaahineed ee madaxabaan.

Way cadad dhaafeen weriyayaasha lagu xad gudbay xuquuqdoodii intii Riyaale dalka maamulayey oo waxa ay noqdeen weriyayaashii ugu  badn aa ee lagu tacadiyo xuquuqdooda suxufinimo kuwaas oo lakulma xadhig iyo hanjabaad kadhan ah hawsha ay u hayaan dadweynaha, weriyaya ashu waxa ay kamid yihiin hantida bulshadu leedahay.indhaha kama  qar san karno ugaadhsiga lagu hayo warbaahinta madaxabanaan.

Manta majoogno wakhtigii idaacadaha lagu dhegeysan jiray qarsoodiga waxa aynu maraynaa marxalad loo baahan yahay in la abuuro jawi qofku ku dhiiban karo ra`yigiisa sawaabka ah oo aan lacabudhinayn.


Ugu dambayntii, waxaan ku soo koobayaa hadalkayga in weriyaashaa ku xidhan saldhigyada kala duwan ee Somaliland loo soo celiyo xorriyaddoodii.


 

 

Qalinkii Maxamed Siciid Maxamed
Jaabir1426@hotmail.com
Hargeysa Somaliland