Udub-eey Jiilaalba awr baa dhaamiye Kulmiye iyo Ucid- baa kalkan leh..!
 

 

Waxay dadka reer Somaliland ku maahmaahaan, marka ay dhib iyo dheef-wadaaga is xasuusinayaan ee ay isku dardaarayaan inaanay cid kali ah uuni waxtarka iyo hawshu u gaar ahayn ee hadba dhan ama gacan quminteeda laga sugayo , maahmaahda tidhaahda '' Jiilaalba awr baa dhaamiye'' , oo loo jeedo marba ama xiliba waa ku nine (qof-e) adna kaayahaagii waad gashay si uu ahaaba, ama waad sugaysaa ee ka soo bax xilka ku saaran. Soof maqaleedkaa gaaban dabadeed hadaan hadaba isha iyo halka aan binaystay een u socdo yara tafaqsado waxan leeyahay,Udub-eey wax badan baad qabatay ood qotimsay, wax badan-na waad qabyaysay ood qumin kari wayday !.


- Udub waxa u qabsoomay.-

Marka aynu Somaliland ka hadlayno intay jirtay ee ay goonida u taagnayd, waxaynu u kala qaybin karnaa laba qaybood, oo kala ah qayb ka horaysay samayntii xisbiyada, oo ahayd qaybihii kala guurka iyo kala miiranka ee aynu ka soo muruxsanaynay dalkii aynu isku jirnay markii hore ee Soomaaliya, oo ay talada dalka Somaliland iskaga danbeeyeen, labadii madaxweyne ee dhintay ee, marxuum C/ raxmaan Maxamad Cali iyo marxuum Maxamad X. Ibraahim Cigaal, oo labaduba hawl culus u soo qabtay dadka iyo dalka, iyo qaybta labaad oo ah intii aynu xisbiyada samaysanay oo talada dalku ay gacanta ugu jirtay xisbiga Udub, hadaba Xisbiga hada talada hayaa waa Udub-e waxa uu qabtay oo u suurta gashay kuna amaanan yahay arimo badanoo aad jiritaankeena muhiim ugu ah, sida, ku fidinta maamulka Somaliland dhulka qaranka hoos yimaada badankiisa, waxa u suurta gashay oo kale soo celinta xidhiidhka sokeeyenimo ee dalalka aan jaarka nahay, siiba Jabuuti oo aan hada wax xurguf ahu ina dhex ool, waxa kale oo u suurta gashay inuu sii dheereeyo dhawaaqeenii ahaa gooni isu taagista iyo inaynaan marnaba iyo sinaba uga mid noqonayn dalkii aynu ka midka ahayn ee Soomaaliya iyo weliba doorashooyin qabsoomay iyo qaar soo dhaw, intaasi waa inta ugu muhiimsan ee lagu xasuusan doono Xisbiga Udub.


- Udub waxay qabyo-tiri kari wayday.


Intii ka horaysay samaysanka xisibiyada badan iyo doorashooyinka waxa dalku ku jiray sidaan hore u soo sheegay geedi, isku guur-guuris iyo guri yagleel, oo waxyaabo badan ayaan hoos loogu fiirsanayn ee laga eegayay xaga san iyo danta guud oo la is-lahaa, waa hayaanka waayahiisa-e ee dhawaan ayaa ay is bedeli oo sidii heesihii caruurta lagu sabi jiray oo kale ay niyadu ku deganayd oo ku samayd '' hooyo caano i-sii iyo horta reerku ha dego '' oo la rajaynayay in marka salka la dhigo ee nabadi timaado, ee heeryada iyo rarka la furo ee kabaha la iska saaro, ayaa qoonka la dhayi, qodaxda la iska guri, oo luunka la iska jabin, oo dib loo eegi cadaabtii la soo maray iyo daalkii, hagardaamidii, oonkii, cabsidii iwm oo dabadeedna gurigii aynu beri hore ka guurnay ( Somaliland ) inta la yidhaa Haakah iyo xalaaleey ! iyo dhuloow kaama kaco ! si fiican loo xaadhxaadhan oo onaha laga biin oo meel kasta laga gufayn oo laga foogo tiri, oo mood iyo nool waxii la haystana si qiimo leh loo dhaqaalaysan oo lexejeclo badani inaga gali, oo kab iyo karinba la dhawran, oo xanjo iyo foox la isku dhajin, laguna hamiyi sidaan uga soo kaban lahayn waxii ina soo maray. Cawodarase waxa ah inaanu taasi xisbiga Uduh ee talada hayaa marnaba hanan, sababta .....? !


Waa hubaal iyo waxaan la qarin karin in xisbiga talada hayaa ku sifoobay maamul hanti boobis iyo laaluush hagaasiyay oon hirasho iyo han jeebkooda dhaafsan lahayn, waxa kale oo uu ku guuldaraysaty inuu maamul eexlaawe ah oo ku salaysan cadaalad dalka ku hago, oo waxaynu wada ognahay sida uu garsoorka dalku u liicsan yahay, waxa uu ku guuldaraysaty inuu dadka ku jaheeyo oo uu u horseedo inay wax qabsandaan oo ay iyagu isku xisaabtamaan, sida iska wax u qabso oo kale, oo waxaynu ognahay in dalkeenu uu gacmaha hoos haysto goor kasta hayado wax kastana iyaga ka sugayao, xataa Biriish- yar oo dawlada hoose dhisi karto ! ayaa hayad la waydiisanayaa ! waxa kale oo xisbiga talada dalka hayaa baabiiyay ilo badan oo dhaqaale dalka ka soo gali lahaa sida dekeda Berbera oo kale, oo dad kale oo wax kala soo degaa haba kaa maqnaadee xataa muwaadiniintii reer Somaliland ka wareegeen cashuura qaali ah iyo hanaan xumo shaqada dekada ah datreed, intaa aan dusha ku sheegay iyo in ka badan ayaanu xisbigan talada hayaa marnaba ku guulaysan inuu wax ka qabto, waana qabyo u baahan in si degdeg ah loogu hawlgalo.


- Haatan iyo gabogabo markaynu intaa yaree kooban ee dhaliisha ah een dusha ku soo sheegay oo kali ah eegno, miyaanay cadayn inaan bedel u baahanahay oon ku sandulaysnayn inaynu raadino Jiilaalkan soo socda cid kale oo hagaro dhaanta Udub iyo muur kale oo bulshada badbaadiya? Allaylehe waxay ila tahay inay gar iyo dawba tahay inaynu bilkaydino doorkan maanta ah dar cusub oo hor leh ( Kulmiya ama Ucid ) oo tabtooda, tamartooda, taladooda iyo taagtoodaba iskugu geeya inay daldalooladaa badan ee naafeeyay qarankeena jiritaankiisa awdaan..

 


Somaliland ha jirto oo ha joogto
 

 

 

 

Qoraagii Weynaa:Cali Cumar Xasan