UDUB UK oo Ummadda Somaliland u soo gudbinaya Tacsi geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale
 

TACSI: INAA LILAAHI WA INAA ILAHAY RAAJICUUN


UDUB UK oo Ummadda Somaliland u soo gudbinaya Tacsi geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale



Aniga oo ku hadlaya magacayga, ka gudiga Fulinta , Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB UK, waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa Ubadkii, Eheldii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan ummadda JSL ee uu ka geeriyooday Maxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ahaa halyey Qaran, waxaanan Marxuumka Ilaahay uga Baryayaa inuu naxariistisa Jannada ka waraabiyo, dhamaanteen Samir iyo Iimaan inaga siiyo.

Geerida Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa dhamaan Xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB meel ay joogaanba waxaanan ilaahay ka baryayayaa inuu samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale wuxuu ahaa qof wanaagsan oo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland qadariyaan waxaanu qayb Libaax ka soo qaatay dhismaha iyo hawlaha qaranka JSL.



 



Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK