UDUB UK oo loogu baaqayo inay ka soo qayb galaan Shir ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa Qaladaadka Xukuumadda JSL, dib u qotaminta UDUB iyo Kaalinta Qurba joogu ka qaadan karaan horumarinta nolosha Qoysaska dan yarta ah ee JSL.
 


Madxda iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan guddiyada UDUB UK ayaa waxa loogu baaqayaa inay ka soo qayb galaan Shir muhiim ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa Qaladaadka Xukuumadda JSL, dib u qotaminta UDUB iyo kaalinta Qurba joogu ka qaadan karaan horumarinta nolosha Qoysaska dan yarta ah ee JSL.


Tan iyo maalintii xilka iyo hogaaminta talada dalka JSL lagu wareejiyey Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa xukuumadda uu soo dhisay ku talaabsatay qaladaad badan oo lama filaan ah kuwaas oo qalbi jab ku riday bulshada qaybaheeda kala kala duwan. U qaadan waana ku noqday Muwaadiniintii u codeeyey iyo kuwii aan u codaynba.


Qaladadaadka Xukuumadda JSL ku talaabsatay oo ay ku jiraan kuwo taariikhi ah oo aan hore u soo marin Qaranka JSL waxay saamayn weyn ku yeesheen kalsoonidii iyo rajadii Shicibka JSL qabeen gaar ahaan qoysaska dan yarta ah oo qalafsanaanta siyaasadda xukuumadda JSL saamayan mug leh ku yeelatay noloshooda.


Waxaa sharaf iyo amaan balaadhan mutaystay Shicibka iyo Axsaabta mucaaridka ah ee JSL ee UCID iyo UDUB oo taageradooda isla barbar taagay Xukuumadda JSL inkasta oo aanay Xukuumaddu wali wax ku qaadan.
Hadab maadaama Xukuumaddu dhamaysatay "Boqolkii Cisho" ee ugu horeeyey waxaa loo baahan yahay in laysu cadaysto oo Xukuumadda lagula xisaabtamo Balanqaadkeedii iyo Waxqabad.


Dhinaca kale Xisbiga UDUB waa inuu u diyaar garoobaa sidii uu uga soo bixi lahaa doorkiisa Qaran ee looga fadhiyo. Xisbiga UDUB wuxuu u baahan yahay in si fiican oo adag loo qotamiyo isla markaana waa inuu kaalin mug leh ka qaataa sidii qaladaadka Xukuumadda JSL wax looga qaban lahaa korna loogu qaadi lahaa tayada nolosha bulshada JSL.


Hadaba Madxda iyo Masuuliyiinta kale ee ka tirsan guddiyada UDUB UK ee kala jooga magaalooyinka ay ka mid yihiin Cardiff, Bristol, Birmingham, Sheffield, Manchester, Leicester, Liverpool, Coventry, Milton keynes etc. Iyo waaxyaha London ba waxaa laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan shirka faahfaaintiisu hoos ku qoran tahay oo lagu lafa guri doono qodabada kor ku xusan.


Maalinta Shirku waa : Sabtida.
Taariikhda: 13 November 2010.
Saacadda: 2.30pm - 5.30pm.
Madasha: 82 Rasia Lane.
Magaalada: London E2 9LU.


Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan shirka waxa lagala soo xidhiidhi karaa:


Gudoomiyaha UDUB UK Tel. 075 3581 5014.
Gudoomiye k/x UDUB UK Tel. 079 8521 7916.
Gudoomiyaha London UDUB UK Tel. 079 4406 4047.


Ugu danbayntii waxaa si sharaf leh looga codsanayaa ciddii ka soo qayb galaysa shirka inay la soo xidhiidhaan Masuuliyiinta kor ku xusan soona xaqiijiyaan sida ugu dhakhsaha badan inay ka soo qayb galayaan shirkan muhiimka ah si loogu talo galo. Maamulka iyo maaraynta hawlaha shirkuna u fududaadaan.


 

 


Axmed Naasir Xirsi Maxamed
Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com