UDUB UK oo hambalyo u diraya Xukuumadda, Axsaabta Qaranka, Ciidamada JSL iyo Shicibka


Xisbiga UDUB UK waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diraya Xukuumadda, Axsaabta Qaranka, Ciidamada JSL iyo Shicibka Sanaag sida habsamida ah ee hawlaha Diiwaan galintu uga socdaan gobalka Sanaag taas oo ka dambaysay go’aankii Xukuumadda Somaliland ganafka ku dhufatay kagana soo horjeedsatay go’aankii qaldanaa ee qolooyinka Miisaaniyadda Diiwaan galinta bixinayey iyo talooyin cid aan xogogaal ahayni ay soo jeediyeen kuna saabsanaa in layska ilaawo oo aan diiwaan galintu ka dhicin deegaamadii aan doorshooyinkii hore ee Somaliland ka qabsoomin. Xukuumadda JSL iyada oo aanay jirin wax dhaqaale ah oo laga helay qolooyinkii bixinayey inta badan kharashka diiwaan galinta taas oo ka dhigan inay diidan yihiin talaabadan danta u ah dadka iyo dalkaba ayaa Xukuumadda JSL ay dusha u ridatay masuuliyadda ah in diiwaan galintu ka dhacdo deegamadaas , iyada oo ka jawaabaysa tixgalin weynna siinaysa dareenka iyo baahida bulshada Sanaag Bari taas oo ay soo caddeeyeen guddiyadii xaqiiqo raadinta ahaa ee hore loogu diray soona maray dhamaan deegaamadaas kuwaas oo soo xaqiijiyey inay bulshada deegamaasi doonayaan inay si buuxda oo la mida sida walaalahooda kale ee Somaliland uga qayb qaataan is diiwaan galinta. Xukuumadda JSL iyada oo siinaysa muhimadda uu leeyahay gobalku tix galinaysana deeranka iyo duruufa ku xeeran degaamadaas ayaa waxa dhawaan gaadhay magaalo madaxda gobalka Sanaag ee Ceerigaabo wafti uu hogaaminayo K/X Madaxweynaha JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin halkaas oo ay hore u sii joogeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda JSL iyo Gudoomiyayaasha Axsaabta Mucaaridka ah oo dhamaantood u jooga dhiiri galin iyo wacyi galin ku saabsan hawlaha diiwaan galinta oo door muhiim ah ka qaadanaysa ka midho dhalinta geedi socodka dimoqraadiyadda iyo dedaalka Ictiraaf doonka ama Aqoonsiga caalamiga ah ee JSL. Ujeedooyinka booqashada Waftiga Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo waxaa ka kale oo ka mid ah kormeer guud iyo sidii loo sii adkayn lahaa heshiisyadii fidinta maamulka Somaliland iyo adeegyada bulshada ee ay wada galeen April 2007 waftigii uu hogaaminayey K/X Madaxweynaha JSL mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wax garadka iyo Hogaamiyayaasha qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Sanaag bari. Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku dar dar galiyey Wasaaradaha Maaliyadda , Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo dhamaan hayadaha kale dawliga ah ee ku shaqada leh inay siiyaan gobalkaasi tixgalinta uu mudan yahay. Sidaasi oo kale Xubno ka tirsan Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida Somaliland, Commissionada Doorashooyinka iyo Is diiwaan galinta, Axsaabta Qaranka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobalka Sanaag ayaa heegan ugu jiraan in si nabad galyo ah oo la mid ah ama ka heer saraysa gobaladii ka horeeyey ay Diiwaan galinta gaobalka Sanaag ku dhamaato. Ugu dambayntii Xisbiga UDUB UK waxa uu canbaaraynayaa hadalada majaro habowsan ee xasaradda iyo xaalad abuurka looga dan leeyahay kana soo baxay Af qudhac iyo Af miinsharada kale ee u adeega taliska gabalkiisii dumay ee ay shuraakada ku ahaayeen Cabdillahi Yuusuf iyo Cadde Muuse. Waxaana la xasuusinayaa haddii ay jiraan xubno yar oo khalad fahamsan in hawshan Diiwaan galinta cidda ugu horaysa ee dani ugu jirtaa ay tahay dadka ku nool deegamadaas sidaa darteedna waxaa lagu boorinayaa dadweynaha inay ka faaiidaystaan oo aanay iska lumen fursaddan qaaliga ah ee lagu siiyey inay is diiwaan galiyaan si ay u helaan xuquuq la mid ah ta walaalahooda kale ee Somaliland.





Ilaahay Baa Mahad leh





Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK




Ahmed Hersi
SWSCA
Tel: (0117) 9425239
Mobile: 07958569215
Ahmedlibaah@hotmail.com