UDUB Oo Ka Hadlay Dhacdadii Golaha Wakiilada ee shalay Eedna u Jeediyay Shirgudoonka

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Afhayeenka xisbiga UDUB Mudane Cali Ma xamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in  talaaboo yinkii ay maalmiihii ugu dambeeyay qaadayeen shirguddoonka golaha  wakiila du, waxaanu ku dheeraaday in golihii ka horeeyay ee ay soo doorteen beelaha reer somaliland uu ka sharaf badnaa.


Mr: Cali Guray waxa uu masuuliyada dhacdooyinkii ugu dambeeyay ka  taagnaa golaha wakiilada uu dhabarka u saaray shirguddoonka golaha wakiilada, waxaa nu xusay in golaha wakiilada ee maanta ka jira dalku uu u baahan yahay shirguddoonkii hore.


Sidaana waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xarunta  dh exe ee xisbiga ee magaalada hargeysa. waxa uu sheegay in rag siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga kulmiye ay sidii ay salaan uga dhigan lahaayeen  guddoo miyaha xisbigaas, isla markaana aanay habeena ku seexan meel gaadhsiinta xisbiga ay ku jiraan.


Waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxa aad markhaati ka ahaydeen (Saxaafada) in golihii la soo doortay ee ku yimid codka shacabku ay qas iyo fawdo ka dhex wadaan wadanka, waxaana masuuliyadooda iska leh shirguddoonka golahaas oo mid walba laga soo doortay deegaan, waxa aan leeyahay dalkani uma baahna fawdo iyo qalaanqal.

haddii aad xasuusataan waxa hore dalka ugu jiray gole baarlamaan oo ay soo doorteen beelihii reer somaliland, kuwaas oo lagu naanaysi jiray “dhaameelka” waxa aan leeyahay golahaas ayaa ka sharaf iyo qadarin badnaa ka maanta jira, waayo badankoodu waxa ay inagaga yimaadeen qurbaha, waxaanay mar mar imanayaan dalka iyaga oo aan la socon xaalada uu dalku marayo”ayuu yidhi afhayeenka xishiga UDUB Mud: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in wali xisbiga kulmiye uu ku raad joogo sidii hay’ada interpeace oo dalka laga caydhiyay uu dib ugu soo celin lahaa  waxaa nu yidhi “Waxa jira qoraal ay xisbiyada mucaaradka ahi ku faafiyeen baraha internetka, waliba kuma jiro xisbiga UCID oo Faysal (Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID) sida aan mqlay wuu ka cudur daartay in uu ku jiro, waxa ay leeyihiin waa in hay’ada Interpeace dalka lagu soo celiya, waxa aan leeyahay dalkani waxa uu leeyahay dastuur, xukuumadu cidii ay u garato in aanay dan u ahayni way iska tagaysaa”

afhayeenku waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in shirguddoonka golaha  wakiil adu uu ku gudo jiro fulinta mashruuc ay leeyihiin xisbiyada mucaaradka ahi, waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in ay u soo tafaxayteen sidii ay dastuurka dalka u yaala ugu tuman lahaayeen isla markaana ay dabada ka riixayaan  moo shin aan ujeedadiisa la ogayn waxaanu yidhi “Waxa aan ka markhaati kacayaa in shirguddoonka golaha wakiiladu uu dabada ku wato mashruuc ay ka   dambe eyaan xisbiyada mucaaradka ahi, kaas oo ay doonayaan in yidhaahdaan waxa aanu xilkii ka xayuubinay madaxweynaha ay umadu soo dooratay, waxaanay ilaa iminka baal marsan yihiin dastuurkii dalkan u yaalay mana jirto qodob  odh anaya madaxweynaha la soo doortay waxa bedelaya nin shicib oo cidla iska taagan, taasina waa ta keentay in marna ay xisbiyada mucaaradka ahi  yidha ahdaan waxa xilka qabanaya guddoomiyaha golaha guurtida, iminkana ay  lee yihiin guddoomiyaha golaha guurtida lama soo dooran ee xilkan waxa iska leh guddoomiyaha wakiilada oo cod shacab meesha ku yimid”
 

Source:SN