UDUB aqalkii-bay aslaysaa ismana oga



SCWW

Marka hore salaan iyo hambalyo ayaan u dirayaa ugu horayn shacabka Somaliland qaybahiisa kala duwan,golayaasha qaranka,xisbiyada  qaranka ,dhamaan halgamayaashii SNM iyo qoysaskooda,waxaanan leeyahay nab ad iyo deganaansho ayaan allaah inooga rajaynayaa inuu inoogu  wado ,aqoonsina aadamigiisa innaga siiyo. Waxa kale oo aan allaah ka baryayaa dhamaan mujaahidiintii naftooda u bixisay qarankan aynu taamnay inuu denbigooda dhaafo,jannooyinkiisana ka waraabiyo.

Maalin waliba tilmaanteed,xasuus iyo xishmaba leh,maalinta 18 MAY waa maalin muwaadin kasta oo Somalilander ah ugu fadhida qiimo,farxad iyo xasuus waayo badan ku fadhida.Waa maalin qalbigu arkaayo mujaahi diintii u soo halgantay gaadhitaanka,soo celinta xornimadii halawday,lana adkeeyo qaranka Somaliland,waa maalin naftu la joogto

Mj.Sh.Yusuf C.Sh.Madar, Mj.Ahmed Jimcaale, Mj.C/qaadir Kosaar, Mj.M/weyne hore C/raxman A.Cali, M/weyne Mohamed I.Cigaal,Iyo Mj.Mohamed Moge, Mj.Aden Cali Farah, M. Ibrahim Koodbuur,Mj.Mohamed Cali,Mj.Aden Shiine,Mj.Lixle,Mj.Haruun,Mj.Ahmed Dhagax, Mj.Shakiib ,Mj.Mohamed Ismail,Mj.Sumuni,Mj....Mj....Mj, kuma dhamayn karo magacya dooda ee dhamaan mujaahidiintii ku nafweyday halgankii aynu ku gaadhnay maalintan 18 May ee aynu daafaha dunida iyo dalka gudahiisaba uga dabaal degnay.Waxan salaan wadaniyeed u dirayaa halgamayaashii SNM ee maanta naftu ku sintay dabaal deggii 18aad inay u joogaan dabaylaha siyaasadeed ee waayahu hadba dhinac u jeedinayo,hawgu horeeyo gudoomiyaha SNM Mudane Xassan Ciise Jaamac.

Qurba-joogta Somaliland ayaa meel ay joogaanba inta itaalkooda uga dabaal degay maalinta 18 May oo qaayo badan inoogu suntan.Waxa ila soo xidhiidhay dhallinyaro intooda badani muddo gaaban deggantahay dalkan Germany,gaar ahaan Naasir iyo Saynab,waxay ii sheegeen inaan lista-da ugu jiro,kana hadli doono taariikhdii dheerayd ee ay Somaliland soo martay laga soo bilaabo waqtiyadii ka horaysay gumaystihii ingriiska ilaa iyo maalinta 18 May waxay soo martay iyo jaranjarooyinkii ay ka soo gudubtay,waan ka aqbalay,waanan isu diyaariyay inaan kala qayb galo farxadaa ay isugu yimaadeen qurba-joogta Somaliland ee deggan dalka Germany.Waxay ahayd maalin sabti ah,bishuna tahay 16 May,goobtuna Ebertstadt,Darmstat,waxayna u jirtaa magaalada aan degganahay 230km.Waxaanu is-raacnay 3 muwaadin oo magaalada ila deggan,safarkaa dheer waxaanu u gallay inaanu walaalahayo la faraxno,lana damaashaadno.

Hadaan tilmaan yar ka bixiyo kulankaa muwaadiniyiintu isku aragtay ee ay ugu dabaal degaysay 18 May,waxay ahayd goob aad u ballaadhan oo nalalka loogu qurxiyay sida ubaxa,lahaana midabo kala duwan,dad aad u tiro badan ayaa ka buuxay,kana yimi daafaha jarmalka,raashin socday tan iyo markii la bilaabay ilaa iyo xafladu ka dhamaanaysay,dumarka iyo caruurta oo dhinac loogu talo galay iscidhiidhsaday iyo ragga oo dhinaca kale ka soo jeeda.Aayadaha quraanka ka dib waxa la bilaabay khudbadahii oo aan anigu ugu horeeyay kuna taataabtay taariikhda dheer ee ay soo martay Somaliland,halgankii hubaysnaa ee SNM inana soo gaadhsiiyay maalintan inoogu suntan la soo noqoshadii xoriyadii hadiyada aynu u bixinay,waxay fanaaniintu ku soo bandhigeen heeso wadaniyada Somaliland ku saabsan oo dadkii madashaa isugu yimi xasuus jidhi-dhico leh geliyay inkastoo muddada la soo gaabiyay kadib markii ay koox yar oo falaago ahi isku deyeen inay qas ka abuuraan farxada muwaadiniyiintu ku xusaysay jiritaanka qaranimada Somaliland. Guud ahaan waa markii ugu horaysay ee madal si habsamiya loo soo abaabulay isugu yimaadaan qurba jooga Somaliland ee dalkan Germany. Waxa amaan iyo mahadnaq mudan dhallintii isxil qaantay ee waqtigooda iyo maalkoodaba u huray,soona agaasimay xafladaa xasuusta gaarka ah huwanayd ee loogu damaashaadaayay maalintii 18 May qaranimada Somaliland. Waxaana ka mid ahaa dhallintaa barakaysan Saynab,Ahmed-Ducaale,Mustafe,Naasir iyo Ahmed-yare,waxa kale oo aan u mahadcelinayaa Mudane Cusman Xirsi oo ka socday halgamayaasha safka hore ee Somalilandpatriots.com.

Waxa kale oo ay dhegtaydu u taagnayd,sugaysay-na maqalka damaasha adka lagu qabtay dalka gudahiisa ee maalinta qaranimada Somaliland 18 May.Goor casar ah ayaan furay radio-ga oo aan helay BBC-da qaybta afka Somaliga.Si kooban ayay u soo tebisay xaflad lagu qabtay beerta xoriyada,hadalo kooban oo ay ka soo qaateen khudbadii  madaxwey naha,waxayna ku khatimeen inaanay hogaamiyaashii xisbiyada  mucaar idku ka soo qayb gelin xafladaa beerta xoriyada ee Hargeysa.Arrinkaas oo madaxayga fallaadho badan la dhacay,fikirkaygana walaac badan ku abuuray ayaan furtay webabka Somaliland,dhawr ayaan isaga talaabay oo aan hubinaayay habka iyo hanaanka ay xafladaasi u  qabsoon tay.Marka hore waxaan aad ugu farxay inay si nabad gelyo ah u qabsoontay,marka xigta waxaa la yaab igu riday khudbad dheer oo madaxweynahu goobtaa ka akhriyay oo aan hadba dib u dheehdaa ,hubiyaana indhahaygu erayda ay akhriyayaan ee ah hadaladii madaxweyne Riyaale.

Waxan filayay inuu madaxweynahu khudbad taa ka duwan ummada u akhriyo,waxan filayay in halgamayaashii SNM ee naftu ku sintay maanta lagu sharfo,lagu casuumo,khudbadana ka jeediyaan,kana mid ahaayeen inta aan ka xasuusto gudoomiyaha SNM Mj.Xasan Ciise Jaamac,ahaana m/ku xigeenkii koobaad ee dalkan soo mara,kana mid ahaa raggii aqoontooda,maalkooda,iyo naftoodaba ku soo gaadhsiiyay ummada maalintaa loo dabaaldegayay ee 18 May,waxa ka mid ahaa Mj.C/raxmaan aw Cali,Mj.Mohamed Kahin,Mj.Muse Biixi,Mj.C/raxman Jamac Cusman iyo mujaahidiinta kale ee aanan magacyadooda halkan ku soo koobi karin.Waxan filayay in la xishmeeyo,lana casuumo hogaamiyaasha xisbiyada qaranka,khudbadana ka jeediyaan.

Guud ahaan khudbadaa madaxweyne Riyaale may ahayn mid ka tarjumaysa qaayaha ay maalintaasi huwantay,waxay ahayd mid aaraar u ah ololaha xisbiga UDUB uu ugu jiro tartanka doorashada madaxtooyada,waxaana ka muuqatay madaxweynahu inuu galay dabin ay u maleegeen xubno ka ag dhow,una soo diyaariyeen warbixin loogu talo galay hay´adaha caalamiga ah ee samo falayaasha oo aad uga fog barahii laga saadaalinayay inuu madaxweynahu taabto,kana mid ahaayeen,xallinta hab lagu abuurayo shaqo,xallinta hab lagu abuurayo wax-soo-saar,xallinta lagu samaynaayo darajada ciidamada ee 18ka sannadood laga sugayo,xallinta saldhigidda cayimaada doorashada oo mar kasta la qabto maalin isku mid ah,xallinta dhaqaalaha oo la abuuro ilo lagaga gudbo dhibaatooyinka naafeeyay dekkada Berbera,shidaalka iyo xallinta hab lagu afjaraayo musuq-maasaqa dalka ku baahsan. Runtii marka wadanigu ku noolyahay qurbaha wuu uga lexo-jeclo badanyahay dalka muwaadinka gudaha ku nool,si gaar ah ayuu u dareemayaa habsocodka siyaasadeed,horumarka iyo dib-u-dhaca ku yimaada dalka intaba.

Khudbadaa madaxweynahu anigu runtii aad ayaan qaayaheeda hoos ugu dhigay,waayo may ahayn mid ka tarjumaysa ummadu muxaafid iyo mucaaridba halkii lagu waday inay cagcagayso balse waxay daaha ka rogtay,ummadana u muujisay xafladu inay salka ku haysay mid ka tarjumaysa ololaha doorashada madaxtooyada ee innagu soo fool leh,waxay ahayd mid shacabka xasuusinaysa habkii loo agaasimay shirkii UDUB ee tartamayaasha xisbiga uga qayb galaaya doorashada madaxtooyada lagu doortay.Waxaan odhan karaa inay kaga duwanayd oo qudha calanka Somaliland iyo heesaha.

Waxan ku soo afjarayaa UDUB aqalkii-bay aslaysaa ismana oga.


 


Hussein Badmah