Hogaanka Labada Xisbi Mucaarid Ee UDUB Iyo UCID Oo Maanta Yeeshay
Kulan Koodii Ugu Horeeyey Iyo Waxyaabihii ay Ka wada hadleen
Hargeysa (TNN)-Hogaanka Labada Xisbi Mucaarid Ee UDUB Iyo UCID Oo
Maanta Yeeshay Kulan Ko odii Ugu Horeeyey Iyo Waxyaabihii ay
Ka wada Hadleen. Hargeysa(Berberapress) Gogaanka laba da
Xisbi Mucaarid ee UDUB iyo UCID ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu
horeeye tan iyo intii ka dambayasay Doorashadii Soamiland ka
qabsoontaya Bishii juun, Kulankan maanta ee labada Xisbi Macaarid ee
Somaliland ayaa waxa uu ka qabsoomaya Xarunta Dhaxe ee Xisbiga UCID.
Kulanka labada dhinac oo ay kala hogaaminayeen Gudoomiye Ku Xigeenka
Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo sidoo kalena ah Ku Simaha
Gudoomiyha iyo Wasiiradii hore ee Maaliyada Xuseen Cali
Duaacle(Cawil), Gaadiidka Iyo Guryanta Saciid Sulub, Waraafinta
Axmed Xaaji Daahir, Badhaa bkii Hore Maemed Daauud, dhinaca Xisbiga
UCID waxa ka socday Gudoomiyha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe,
Gudoomiye ku Xigeenka Aadan Waqaf, Afhyeenka Xasan Xuseen Codyare,
Agaasim ha Maamulka Iyo Qorshaynata Md. Maxmed Xasan Dirir.
Kulankan oo ahaa mid ay Albaabadu I xidhan yihin ayaa waxa markii uu
dhamaaday Kunakaasi ay aa ay lab da xinac si gooni gooni ah
Saxaafada uga warameen waxyaabihii ay labda Dhinac ka wa da
hadleen, ugu horay waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne KU Xigeenkii
hore ee Somaliland oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Md.Axmed
Yuusuf Yaasiin oo sidoo kalena ah Ku Simaha Gudoomiyha isaga oo ka
hadlaya wax yaabihi ay labada Xisbi Mucaarid ka wada hadleena waxa
uu yidhi Waxaanu ka wada hadalnay arimo badan oo danta qaranka ah,
asalkuna waxa uu ahaa diiwa angalintii cod-bixiyayaasha oo
doorashadii ugu dambaysay madmadow badani ka soo baxay, Wax aanu u
balanay in aanu arinkaa sabtida sii ambo qaadno
Waxa kale oo uu intaas ku daray Md.Axmed Yuusuf iyadda oo la
ogyahay in odhan jiray Eris ay s oo saartay warbixin aad u
dheer oo khatar ah, taas oo ay kaga waramayso sidii diiwaangalintu
ahayd iyo inaan doorasho dambe lagu gali Karin, Markaa xisbiga UCID
waxaanu ka wada hadlaynay sidii go�aan midaysan looga qaadan lahaa
diiwaangalinta oo marka doorashadu ay soo dhawaato aanay wakhti
badan u qaadan�
Waxa kale oo uu Gudoomiye Axmed Yuusuf Xusay in ay labada dhinac
gudi u saareen arimhii ay ka wada xaajoodeen sidii Mawqif midaysan
ay labda Dhinac ugu wada qaadan lahaayeen isaga oo ari ntaas
ka hadlnaya waxa uu yidhi �Gudi labada dhinac ah ayaanu arinkaa u
saarnay inay soo jilci yaan, sabtida wixii ka dambeeya ayaanu
bayaan midaysan ka soo wada saaraynaa sidaana waxa yidhi Gudoomiye
Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo sidoo kalena ah
Ku Simaha Gudoomiyha Xisbigaas.
Waxa isaguna Geestiisa Saxaafda uga waramay waxa yaabihii ay labada
xidhac ka wada hadleen Gudoomiyha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali
Waraabe waxa hadalediisii ka mid ahaa Maanta waxaanu wada shiraynay
xisbiga mucaaradka cusub ah ee UDUB, waxaanu ka wada hadlay waxa
dalku ku dhisan yahay oo ah doorashooyin, Waxaad ogtihiin in
doorashadii Madaxtooyadu si wanaagsan inoogu qabsoontay, waxaad
ogtihiin in golaayashii deegaanku ay siddeed sanadood fadhiyeen, w
axayna ahayd inay doorashadii Madaxtooyada ka horeeyaan, waxaanu ka
wada hadalnay sidii aa nu arintaa mowqif midaysan uga yeelan lahayn.
Waxa kale oo uu Eng Faysal ka hadlay qabsoomid laaanta
doorashooyinka badan isag oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi
Dalka in doorasho ka dhacdo (Hand-breek-ga) ayaa loo xidhay, waxaanu
xisbiga UDUB ka wada hadalnay sidii dalku doorasho u gali lahaa,
xisbiga KULMIYE-na waanu iska warhaynaa
Ugu dambaytiina waxa uu Gudoomiye Eng. Faysal ka hadlay Halka uu ku
dambayn doono kulanka ay maanta yeesheen Labada Xisbi Muacarid ee
Soamliland waxana uu yidhi Gudiga ayaanu arinkan u samaynay waa
saddex iyo saddex, waxayna ay shirayaan maalinta Sabtida, anaguna
waxaanu is ku imanaynaa Axada, markaas ayaanu talo midaysan ka
qaadan doonaa sida loo wajahayo door ashooyinka kale ee aan
dalka ka qabsoomin, waxa aanu ka soo wada saari doonaa war
murtiye ed sidaana waxa yidhi Gudoomiyha Xisbiga UCID Eng. Faysal
Cali Waraabe.
Source:Berberapress
|