U hiili Baarlamaankaaga

 

Inbadan baa la dhawray, inbadan baa la samray, inbadan baa loo dulqaatay Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ”Ninka aad kabo ka tolanayso kabihiisa ayaa la eegaa” Ninka maanta dalka lagu aaminay Xisbigiisaa laga eegaa. Xisbiga UDUB oo la wada ogyahay in uu adeegsado xoolaha masaakiinta oo uu si kasta u isticmaalo ayaa maanta qaban kari la’ Shirweyne xalaal ah. Shirkii Xisbigu waxa uu dib u dhacay in ka badan sannad. Maanta oo la marayo doorasho ayeynaan kala garanayn cidda u taagan jagada madaxweynaha ee Xisbiga UDUB. Isha dadka ayaa laga arkay, waxayse ahayd in la yidhaahdo xisbigaasi wuu guuldarraystay waxaana la degey guddioomiyihiisa iyo ku xigeenkiisa oo aan marnaba ku talo gelin in ay tartan xalaal ah qabtaan.

Soo dhaaf, wax badan soo dhaaf. Wixii tegey tiigsimaad mallaha. Waxayse ku siinayaan sawirka maanta taagan. 1. Madaxweynuhu ilaa maanta Digreeto (Qoraal) kuma uu soo saarin maalinta loo cayimay doorashada, maxaa lagu macnayn karaa? Bal adba. 2. Ilaa maanta Miisaaniyaddii dalka lama hayo, waxa uu soo saari doonaa marka uu toddobaad ka hadhay doorashada? Miisaaniyaddaas ayay ku jirtaa 25% kii laga sugayey xukuumadda. Taasina waa ay caddahay oo waa sidii loo abuuri lahaa muran dib u dhiga doorashada. Waxa uu odhan doono madaxweynuhu waa wax iska caddaan ah oo waxa weeye ”Miisaaniyaddii ayay ainsixin waayeen Baarlamaankii” waa rawaayadihii hore inoo soo maray.

Garan maayo waxa uu uga jeedo Faysal Cali Waraabe oo ah mas’uul xil u tartamaya in uu yidhaahdo ”Kuma kalsoonin Komishanka” Haddii aanaad ku kalsoonayn, ka lagu bedelana cidbaan ku kalsoonayn ee xisaabta ku darso. Laakiin Xukuumadda waa la fahmi karaa oo kursiga ayey macaansanaysaa. Qiil bay raadinaysaa. Maantase,,,, Alamtarana soo dhaaf” Waxa hubaal ah in ay fududdahay sida uu xalku yahay. Markii horeba xeer lama raacin ee xal baa raacay, maantana xalka iyo xeerkuba waxa uu inna farayaa sidan:

Mar haddii madaxweynuhu garanwaayey dadkii ku doortay ee aad mas’uulka u ahayd si caddaalad ah wax ugu qabo. Mar haddii uu ka saaray Xisbigii UDUB xubno Baarlamaanka ku jira. Taasoo macnaheedu yahay Aniga ayaa xisbaga ah, anigaa Madaxweyne ah cid kalena igama daba hadli karto. Taasi waa wixii laga dagaalamay oo soo gurguuranaya, inta aanuu raad dhaqaajin ayaa fudud in la qabto. Haddii uu raad dhaqaajiyo waxa aan ka baqayaa in uu ”Dubur Hawd ka galo”. Belaayo ka hortag bay leedahay ee ka dabatag mallaha. Maanta waxa ay maraysaa in la baabi’yo Xisbigii dalka ugu weynaa. In Komishankii lagu abuuro qas iyo qalalaase. Ku darso’oo markii horeba madaxweynaha ayaa saddex xubnood soo xulay. Waxa yaab ah, aan ku xukumo oo aan kula tartamo waa qaab aynu iska qaadannay oo u baahan in lagu saleeyo xaaladda dalka iyo dadka oo aan la eegin xeerarka gaaladu samaysteen.

Haatan iyo dan way innoo caddahay in ulo Booc ah loogu tukubayo sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada. Wayse fududahay xalkeedu oo xeerka ayaa inna siiyey. Waana in loo hiiliyo Baarlamaanka oo haddii ay doorashadu maalin dhaafto, waa in ay fadhiistaan Baarlamaanku kulan degdeg ah, soona magacaabaan guddi ku meel gaadh ah oo uu hoggaaminayo madaxweynaha ku meelgaadhka ah. Kaasoo ah MD: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro). Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xeerku siinayaa in uu si ku meelgaadh ah dalka u sii hayo, inta ay doorasho ka dhacayso. Guurtidu xalkii ay gaadhay waxa baabi’iyey Madaxweynihii loo kordhiyey oo aan garan sidii loo sharfay iyo milgaha uu leeyahay kursiga uu fadhiyaa. Waxa loo baahanyahay in dadku fahmo oo u hiiliyaan Baarlamaanka si aanay u dhicin. Aan kuu taliyo, aan kula tartamo, aan kuu qaybiyo, aan si kastaba anigu kaa yeelo. Taasi waa jidkii aynu eednay. Baarlamaankaaga u hiili, ma taagna reer hebel, mana taagna gobolaysi ee waa danta dadka iyo dalkaba.

Alloow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin.

 

 


Sayid Maxamed Yuusuf

Sweden