U codee Dr Charles
Tannock MEP doora shoo yinka barlamanka Europe
ee 4-ta June 2009
Bisha
June 4-teeda oo ah Khamiista soo socota waxa guud ahaan dalka In
giriiska (UK) ka dhacaya doorashooyinka barlamanka Midawga Europe (EU)
ee fadhigiisu yahay magaalada Strasbourg ee ku taala waaqooyi bari
ee dalka Fransiiska (France).
Barlamanka Europe waa hay-yad sharci dajineed sida barlamaanada
aduunka kale-ba. Haddii aynu dib u yara jaleecno taariikhda
barlamanka Europe, wuxu ka bilaabmay shir ay iskugu yimaadeen 19-kii
March 1958 ergooyin dhan 142 oo ka socday 6-dal oo Europe ah
(France, Italy, West Germany, Luxembourg, Belgium iyo Netherlands)
ka dib markii ay aas-aaseen 1957-kii ururkii la odhan jiray EEC
(European Economic Community). Ururkaas EEC wuxu noqday EU oo axdiga
lagu magcaabo Maastricht Treaty ee 1992-kii ayeey wadamadii xubinta
ka ahaayeen ku go’aamiyeen inay la baxaan Midawga Europe (European
Union).
Sida guud ahaan-ba hay-hayadaha amma laamaha uu ka kooban yahay
Midawga Europe (EU), barlamanka Europe waa hay-yad marba marka ka
dambaysa sii xoogaysanaysa oo ariimo badan go’aankeeda yeelanaysa.
Ka sakow sharci dajinta iyo go’aaminta arimaha khuseeya gaadiidka,
ganacsiga, sugida kharashka Midawga Europe iyo mashaariicda
horumarineed ee ay siiyaan dunida soo koraysa, waxa kaloo barlamanku
yahay gole looga olaleeyo in EU-du yeelato siyaasad arrimaha dibada
ah (foreign policy) oo midaysan.
Hadaba waxa muhiim ah in Somaliland barlamanka Europe ku yeelato
saaxibo qadiyadeeda shaaciya oo difaaca madaama Talyaanigu (Italy)
yahay kuwa ilaa imika EU-du wax ka waydiiso arimaha geeska Africa,
danahoodana ka fushada.
Sidaa daraadeed waxaan dhammaan Euro-Somalilanders ugu baaqaya innay
waajibaadkooda dimuqradiga ah uga faa’ideeyaan Somaliland oo ay u
codeeyaan cidda golaha barlamanka EU-da qadiyada Somaliland
gaadhsiinaysa kana difaacaysa.
Waxaan si gaar ah ugu baaqaya Somalilanders-ka dagan magaalada
London innay u codeeyaan mudanaha hada ku jira barlamankaa EU-da ee
la yidhahdo Dr Charles Tannock oo London tahay halkuu matalo.
Dr Charles Tannock oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee barlamanka
Europe, wuxu bishii January 14-keedii dood barlamanka Europe ka
yeeshay xaalada geeska Africa ka yidhi: “waxa lasoo gaadhay
wakhtigii si dhab ah loo eegi lahaa madaxbanaanida Somaliland, the
time has come to consider more seriously Somaliland’s quest for
independence.” Sidoo kalee bishii May 3-deedii qoraal uu u diray
wargayska Financial Times ayuu kaga hadlay xasiloonida ka jirta
Somaliland iyo siday budhcad badeeda Somalia ka jirta Somaliland uga
jirin, adunkana kaga dalbaday in Somaliland la taageero si xasilooni
geeska Africa u hello.
Waxa kaloo Dr Charles Tannock, isagoo ka hadlaya xuskii sanadguuraha
18-naad ee Somaliland ee urur jaaliyadeedka West London Somaliland
Community qabanqaabiyay yidhi: “Waxaan balan qaadayaa inaan qadiyada
Somaliland taageeradeeda sii wado oo barlamanka Europe iyo dalkan
UK-ba aan uga olaleeyo”.
Hadaba waxaan mar labaad Somalilanders-ka reer London ka codsanayaa
innay June 4-teeda si laxaad leh ugu dareeraan goobaha cod bixinta
oo ay codkooda u siiyaan Dr Charles Tannock oo ah nin si cad oo
gabasho lahayn u taageeray Somaliland. London oo dhan waa looga
codayn karaa oo guud ahaan borough-yada ay London ka kooban tahay
waxay ka mid yihiin meelaha uu matalo (constituency).
Somalilanders-ka UK inteeda kale dagan iyo kuwa kalee Europe inteeda
kale dagan-ba waxaan ku baraarujinayaa innay codkooda qiimeeyaan oo
ay xildhibaanadooda ku wargaliyaan qadiyada Somaliland una codeeyaan
kuwa u jajaban ee hore u fahma.
Waxaan leeyahay waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aynu noqon lahayn
jaaliyad (community) jirta oo muuqata oo siyaasiyiintu
hunguriyeeyaan codkooda si aynu dar-dar u galin karno aqoonsiga iyo
guud ahaan horumarka dalkeena iyo dadkeena.
Wa bilaahi tawfiiq.
Somaliland ha waarto oo ha horumarto, aamiin
Iid Xasan Aw Muuse
London
|