Tunisia oo yeelatay Dowlad ku meel gaar ah





Waxaa lagu dhawaaqay magacyada ku jira dowladda cusub ee ku meel gaar ka ah ee Tun isia, ka dib markii xukunka laga riday madaxweynihii Tunisia Ben Cali.


Tunis (TNN)- Ra'iisal wasaaraha Tunisia Maxamed Ghannouchi ayaa sii hayn doona  shaqa da, sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Arrimaha  Dibad da ayaa sii hayn doona shaqadooda. Waxaa lagu soo dari doonaa dowladda sadex  muca arad laakiin wali lama sheegin shaqadooda.


Raiisalwasaaraha ayaa sheegay in siyaasigii la ogaado inuu lacag badan haysto ama laga shakisan yahay inuu musuqmaasuq sameeyay in la baari doono, wuxuuna sheegay in  do wladda cusub ay sii dayn doonto dhamaan maxaabiistii siyaasadeed, ayna qaban doonto doorasho daacad ah oo xor ah.

Wuxuu kaloo Raiisalwasaaraha balanqaaday in la aqoonsanayo xisbiyada mucaaradkaiyo ururada, xayiraadana laga qaadayo ururka xuquuqda biniaadanka ee Tunisia iyo ururka eerilalayaasha Tunisia.

 


Faransiiska

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inay ka caawinayso dowladda Tunisia inay u soo  ce liso lacagta uu madaxweynihii hore ee Tunisia iyo reerkiisa ay dhigteen bangiyada  Faran siiska.

Hayadda ilaalisa shaqooyinka bangiyada ee Fransiiska ayaa sheegtay inay baarayso  laca go badan oo bangiyada u yaala reerka madaxweynaha.


Laakiin laba hayaddood oo caalami ah oo la dagaalanta musumaasuqa oo kala ah Sherpa iyo Transparancy International ayaa waxay qaadayaan talaabo sharci, sababtoo ah  wax ay ka cabsi qabaan in hayadda Faransiiska ee ilaalisa bangiyada inaysan si dhaqso ah u joojinayn lacagaha in ay reerka madaxweynaha bangiga ka baxsadaan.



Source:BBC