Tolow Axmed Siilaanyo Saylici ma wuxu ku doorbiday


Shirkii Burco waxa jagada ku-xigeenka u taagnaa afar musharax oo ku talo jirey inay u tartamaan, halka jagada madaxweyne-nimo ay Siilaanyo iyo hadhkiisu tartameen. Axmed Siilaanyo oo ah ninka xisbiga Kulmiye curiyey, kadib geeridii M.I.Cigaal, ayaa wuxu ku doodi jirey in xisbigiisu yahay dimuqraadi oo aanu cidna u xidhnayn.

Doodaasi waxay noqotey waxba kama jiraan, kadib markuu rag badan oo Dr. Axmed Ciise ka midyahay ururka u sheegtay. Siilaanyo markii uu waayey cid kula tartanta musharaxa madaxweyne-nimo ee kulmiye dhexdiisa, wuxu fursad u helay inuu jagada kuxigeenimadana u tartamo.

Shirkii Burco jagada kuxigeenka waxa u tartamay Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan awcali. Cabdiraxmaan iyo Saylici ma tartamin, mana tartami doonaan, sababtoo ah labo nin oo masrax la isugu keeni karo maaha, hadaanay aduunyo gadoon ahayn. Ninbaa laga hayaa "walee hadii aan reerka karinkaa laga rarin gorayo heeryeysanna way noogu soo gali".

Saylici nin siyaasad wax ka yaqaan maaha; nin adduunka la socdaba maaha, jaarbaan ahayn oo xataa BBC-da ma dhageysan jirin. Codna gobolada somaliland kama keenayo, oo nin cidi garanayso maaha.


Isaguna nin dadka kala yaqaan maaha. Gobolka uu kasoo jeedo xataa nin cod ka keeni kara maaha. Sababtoo ah nin karmeed maaha; siyaasi maaha, nin aqoon leh maaha, aftahan maaha. Intaa kasokow nin beel weyn kasoo jeeda maaha.

Anigu waxbadan ayaan dhega dhegeeyey, halkana (Hargeysa) xuuraan badan ayaa ka socday wakhtigii ololaha loogu jirey jagada ku xigeenka. Waxa la xaqiijiyey inuu Saylici lacag badan gacanta ka saaray gudoomiyaha kulmiye. Waxa jirtay ayaa la leeyahay lacag isaga looga soo ururiyey gudaha iyo dibada iyo lacag kale oo gargaar ahayd oo loogu talo galay duufaanadii ka dhacay Awdal oo isaga si dadban loo siiyey.

Intiiba wuxu gacanta ka galiyey gudoomiyaha Kulmiye. Meeshan an joogno waxba ma qarsoomaan, waxan is idhi malaha dadka waxa xogtii ka qaaday waa qaadkan la labo-liqayo. Hadii aad si kasta afka u masaxato iyo hadii aad hadalka aad u gaagaabsato, beri marka waagu baryo warkaaga waa la hayaa.

Waxa jirtay in shirkii burco markii uu socday siilaanyo loo soo jeediyey inuu dhex ka ahaado tartamayaasha jagada ku xigeenka. Arintaasi markii ay soo ifbaxday saylici wuxu codsaday in lacagtii badnayd ee laga qaaday loo celiyo hadii kale balantii uu siilaanyo la galay ee ahayd inuu u ololeeyo uu fuliyo.

Waxa la ii xaqiijay inuu saylici cabashadaa u gudbiyey odayaasha beesha Axmed Siilanyo, kadib markii uu saylici garowsaday in uunan la tartami karin siyaasiga weyn ee C/raxmaan Aw cali Faarax. Odayaashii waxay Axmed Siilaanyo usoo jeediyeen in uunan ka bixin balantii uu ninkan la galay. Siilaanyo ma yeelin taladii saaxabadiisii ay xisbiga ku wada jireen ee ahayd inuu dhex ka ahaado ololaha ee wuxu qaatay tii xigtadiisa ee ahayd ninkaa ooyaya nabsi haka galin.

Ninka la yidhaahdo C/raxmaan saylici, waa miskiin aan waxba la socon, meel ay wax marayaan ma oga. Waxa la isku haysto halka laga wada shaxayo lama socdo, waxa la yidhi "lax dhukan col iyo abaar midna ma oga".

Durba reer Hargeysa waxay u bixyeen "koley maraan". Koley maraanku waa kalmad jaadku siday oo kasoo talowday dhanka jig jiga. Koley maraanka reer jig jiga waxay u yaqaaniin ninka islaanta jaadlayda ah garab fadhiya ee inta ay rubuc jaad ah siiso maanta oo dhan u nacamleeya. Waa labo kalmadood oo la isku geeyey, Koley waa saxarad lagu iibiyo jaadka, Maraan waa Nin aa haybad lahayn ama hoos u joode ah, yacni waa qof aan macno buuran lahayn.


Anigu waxan aaminsanahay Cabdiraxmaan iyo Saylici ma tartamin, mana tartami doonaan, shirkii Burco waxa jagada kuxigeenka ku tartamayey Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali. Waxa uu Axmedsiilaanyo shirka Burco ula tegayna wax kale ma ahayn ee waxay ahayd inuu ujeedadiisa gaadho. Tolow siilaanyo muxuu ku xushay saylici?

 

 



Cabdisalaan Aadan

aadami1988@hotmail.com