Togwajaale hooyada xorriyatul qawlka ma gaydo cabudhinta mucaaridka

 

Waxaan wada ogsoonahay in wadankeena ay ka jiraan axsaab mucaarid ahi cid gooni ahina aanay lahayn qabiilna aanay ahayn.

waxaan wada ogsoonahay in wadankeena ay ka jiraan axsaab mucaarid ahi cid gooni ahina aanay lahayn qabiilna aanay ahayn. waxaa ayaan daro ah in wajaale laga dhigo magaalo uu ku adeegsado xisbulqasabka UDUB ee wadan ka ka taliyaa.

waxa kale oo nasiib daro aad u wayn ah in gobolka Gabiley guud ahaan gaar ahaana caasimadiisa gabiley halkii ay ka ahayd hooyada ladagaalanka kalitii talisnimoda awood sheegashada in laga dhigo Wajaale oo ka tirsan gobolka gabiley meel mucaaridka loogu hanjabo, lagu aflagaadeyo Faysal Cali Waraabe waa madaxwayne mustaqbalka dhaw ah, waxa ku waajib ah reer Wajaale in gacan isaga qabtaan cid kasta oo u fal xun kula kacaysa mucaaridka.


Uma malayanayo mana dhici karto hiddana uma laha reer wajaale iyo reer Gabiley guud ahaan in ay yihiin dad mucaaridka neceb ee waa dadka soo dhaweeya runtii mucaaridka iyo xorriyatul qawlka laakiin waanay ka war hayn waxii shallay kala qabsaday, masuuliyiinta mucaaridka shallay laakiin waxaan u sheegayaa cidii falkaa ka danbaysay ,in ay kala xisaabtamaan waxii loo gaysatay mucaaridka maadaama dimuqraadiyadu ay tahay la xisaabtanka madaxda.

Mudane Faysal Cali Waraabe waa masuul mucaarid ah oo tayo leh siyaasadeed mustaqbalkeedu uu wanaagsan yahay ,sharaftiisa iyo karaamadiisa ayuu lee yahay maaha in isaga oo soo eegayaa walaalihii reer wajaale khasaaraha daadadku ay soo gaadhsiiyeen, gobolka Gabiley soo eegaya in la baadh baadho hawlaha uu kawatay.


Taliyaha boliiska ee Togwajaale wuu ku gafay xorriyatul tacabirka mr ahmed cabdi dahir waxaan u soo jeedinaynaa eedayn gar iyo gardaroba , waxay diinteenu ina faraysaa in walaalkaa loo gargaaaro gar iyo gardaroba.

Ma masuuliyad baaa mise waa daba dhilifnimo in masuul sare oo mucaarid ah isla markaana gudanaya waajibkiisa siyaasadeed in laga qaado cajaladii uu ku soo duubtay khasaaaraha daadadku u gaysteen wajaale in laga qaado?.


Markasta oo masuul mucaarid ahi uu gudanayo danihiisa siyaasadeed masuuliyiinta qaranka waxa u caada ah in ay yidhaahdaan ma ololihii baa bilaabmay. waa ayaan daro wayn .


waxaad arkaysaa tvga udub iska yeelatay ee qaranka ahaa iyo idaacada dalkuba inay u adeegaan oo kaliya xisbiga talada haya ololihiisa iyo danihiisa gaar ahaaneed waxa taas ku garanaysaa in habeenkasta laga soo daawo odayaal iyo dhalinyaro lagu soo yidhi dhaha xisbibaan ka baxnay xisbina waan ku biiraynaa oo dadku ma wada mucaarid bay ahaayeen .

Cajalada yar ee uu mudane walaalkay sxbkay faysal cali waraabe soo duubtay in laga qaado oo la yidhaahdo dawladaad ku dacaayadaynaysaa waa aflagaado qaran oo aad u fool xun waayo faysal waa nin qaran ee maaha nin qabiil.


Waxaan kama danbaystiina ku soo gaba gabaynayaa taageera axsaaabta
mucaaridka waad aragtaan in udub xar galaye.

Waan jeclayn gobolka in la ina siiyo inagaa isku haynay waxaana u horeeyay mucaaridka iyo xisbiga kulmiye gudoomihiisa Ahmed Mahamed Mahmud Siilanyo nin mucaarid masuul sare ah oo ku dhawaaqa gobolka gabiley.hadaladii siiilanyo waxa ka mid ahaa ( guul iyo gobonimo ku noolaada).

ceebta ugu wayn ee wadanka ka jirtaa ee baabi''in kartaa waa daba dhilifnimo iyo nin jeclaysi , qabiil jeclaysi waad aragtaan ragii dhex inoo noqon lahaa ee golayaasha qaran ku waxay sameeyeen.

Taas waxa ka sii daran in odayaasha mucaaridka u codeeya ee eegaya rabitaanka shacbiga in lagu tilmaamo khiyaamo qaran . kuwaa ku tilmaamayana waa la yaqaana waa ninkii yidhi xamar baynu wada hadli doonaa mana kala maarmayno in aan ilawnay buu moodayaa waan kala xisaabtami doonaa dhul ma guuro taariikhduna
way qormaysaa ,maalintii ay nu jaamacada wada dhigan jirnay masuulkaa
nin ka wanaagsani muu jirin imika se garan maaayo.

ugu danbaystiina waxaan lee yahay reer wajaalow 10 nin oo kaliya oo ganacsade ah ee reer Wajaale ah cashuur ta laga qaado ayaa ku filan in dayactir lagu sameeyo dhamaanba qaab dhismeed ka wadooyinka magaalada. goormaad dhiidhida ka raysan doontaan idinka oo lacagta ugu badan wadanka haysta goormaad laamiyo madow ku dul laaf yoon doontaa?

mise waligiin waxaad ku noolaan doontaan maahmaahdii ahayd

SILBATAY AMA
SIIGO QAADAY.

INTAAN NOOLAHAY HADII ILAAHAY IGU SIMO WAAN KU DADAALI DOONAA IN AAD KU LAAFYOOTAAN LAAMI QURUX BADAN IYO STREET QURUXBADAN WAANAD KU DAAIMI DOONTAAN CAASIMADA GANACSIGA EE SOMALILAND. JAGADA CAASIMADA GANACSIGA IN LA IDINKA WAREEJIYO AYAA LA RABAA WAILIGIIN HAYA.



wabilaahi tawfiiq

 



Abdirahman Buste

Ohio USA