T
og Wajaale Hayada DRC Oo Tababar Ku Saabsan Xuquu qal Aadamaha U Furtay Hayadaha Dawliga Ah Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan

 

 

Tog-Wajaale (TNN) Hayada DRC ayaa Tababar ku saabsan xuquuqal aadamaha u furtay Ha'ya daha ddawliga ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan sida Dhalinyarada, Culumaudinka, Hawe enka, Iyo Waxgaradka waxaana ka soo qayb galay Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi G/xigeenka Degmada Tog wajaale Maxamuud Sh.muuse Bookh iyo Masuuliyiin kale


Waxaana ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi isagoo sheegay in tababarkani uu mihiim u yahay bulshada loona baahan yahay in looga faa'iid eyo bulshada inteeda kale isagoo baaq u diray hayadaha inay ka qayb qaataan adeegyada bul shada sida waxbarashada Caafimaadka I.w.m.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Masuul ka tirsan Hayada DRC Qareen Dayib Muxumed Nuur oo Qaabilsan Human right and protection, isagoo sheegay in siminaarkani loo qaban doono Hay adaha Dawliga ah Dhalinyarada, Haweenka, iyo Waxgaradka waxaana siminaarkan loo qabtay 70 qof isagoo sheegay inuu socon doono mudo sadex cisho ah wuxuuna yidhi: waxaa siminaar kan aan u qabanay hayadaha dawliga ah, dhalinyarada, Culimada, Haweenka, Iyo Waxgaradka oo ka kooban 70 qof wuxuuna socon doonaa mudo sadex cisho ah waxaana lagu baran doonaa xuquuqal insaanka iyo illaalintiisa sida dadka barakacayaasha, dadka qaxootiga iyo xuquuqda ay leeyihin. Cuqaashu iyo arimaha bulshau waxay ka mid yihiin tiirarka waawayn ee ay dawladni madu ku taagan tahay, waxaan idinku dhiiri galinayaa wixii aad halkan ka barataan in aad uga faa'iidaysaan bulshada inteeda kale .



Maaha markii ugu horaysay ee ay Ha'yada DRC ay bulshada reer Tog-wajaale ay u qabato tab abar noocan oo kale ah





C/risaaq Maxamuud Aw Daahir
Timacade News desk
Tog wajaale Office