Todobaadkan iyo weriyaha Laanta Curdinka

 



Doorashadii iyo damaashaadkii sedexda xusbi qaran.

Marwo Fadumo Siciid (UCID): “No tribal discrimination, no favourism, no fear, no ethnic discrimination. No age discrimination, no gender discrimination. Equality for all. Jobs will be distributed by merit. That is our moto, soo sidaa ma ah.”

Qurbaawi: Miyaa la iska dhigi karaa Ururka Wadani?
WLC: Mayee waa loo dhashaa wadani.
Qurbaawi: Haye
WLC: Waa Daallo oo Gar adag ka shiidaal qaadaynaysa.
Qurbaawi: Markuu soo baxay xafladii damaashadkood bal ka waran?
WLC: Taasi may dhamaystirayne, tii ugu weyneyd waxay dhacday markuu Gaboose ku biiray.
Qurbaawi: Ma Gaboose ayaa ku biiray? Ma ninkaan hogaan qaran moode ee aan salaada ku xidhay.
WLCi: Xagguu ku hadhi? Isaga iyo qaar kale oo badani beenbay isku sheegaan. Caws jilaal waa lama huraan.
Qurbaawi: Woof ma fiqigii Dr. Gaboose . Dhaaxay nin hanaqaad isbiday, qabyaaladu soo hogaan bartay, maantana ma Gaboose ayay naxashka saartay. Horana waxay daaqada uga tuurtay Sulayman Maxamud Adan, oo Gar adag lagu soo seeteeyey. Si dadbana waxay dabar ugu xidhay kuwa aan Daallo iyo Gar Adag midna ka soo jeedin.
WLCi: Muu girif,girif yarayne, bad baa heshay.
Qurbaawi: Waa runtaa. Sidee loo soo dhaweeyey?
WLC: Si weyn. Looma kala hadhin.
Qurbaawi: Kow.
WLC: Cirro ayaa markiiba dhaanto isku laba rogey.
Qurbaawi: Haye.
WLC: Wuxuu yidhi: “Heliyaalo, heliyaalo, Soo jilbiibso, soo jilbiibso jawaan lacagiyo jagaan kuu hayaaye, soo jilbiibso. Soo jilbiibso muriidkayago. Mus danbeedo soo jilbiibso. Soo jilbiibso Somaliland aqoon ma geydee soo jilbiibso.”
WLC: Isaga oo qosal gariiraaya wuxuu yidhi: Col maynu ahayn ee waynu tartameyn, maynu kala tageyne waynu xafiiltameyne. Maanta tartankii dhaxdeenu wuu dhammaaday, sidaa daraadeed meel qudha ayaynu wada nahay, waa kalkeenii”
Hoosna wuxuu u yidhi:“Saracaan beeray sakaaro cuntoo, sokeeye kuma lihi Somaliland.”
Qurbaaw: Dadweynihiina maxay yidhaahdeen?
WLC: farxad iyo jibo intay la oogsadeen, ayay mar qudha ku luuqeeyeen: “Qays iyo Cilmuu diley, qaansee Huryiyo Sulub, Cali sugule qiil geli, Ismaciilna diiq geli iyo qaar kaloo badan.”
Qurbaawi: Maasha allaa qaranimadu waa intaas, loogala sii dhaweydo oo beelaha kalana sidaasoo kale yeelaan, dabadeedna la galo marxalada ah: “Dib u soco hore u soc, hore iyo diba u soco, darandoori jaanqaad la da’ weeyi taagno, maxaa daal la kororsaday.”
WLC: Ururkii UCID ayaa isaguna wacdaro dhigay maalintii damaashaadkooda.
Qurbaawi: Bal horta ii kaadi. Miyaa la iska dhigi karaa UCID la dhoobdhoobay?.
WLC: Mooyi, waa maryo olool iyo qaalimo buubaal ah. Takarta fuushan WADANI ayay ka didaan.
Qurbaawi: Waa yeelkadoode. Aad ma u dabaal degeen?

WLC: Haa. Doobtii mucaaridnimadana iyo xilkii loo igmadeyna way ka sanqadhiyeen.

Qurbaawi: Cali Gurey muxuu ka yidhi soo bixintaanka ururka?

WLC: “Jeex UDUB ka hadhay iyo UCID Jiidataan ehee,
jiilaalku imma karo iyo jidiin cadaaguye
ma jilcadoo ma jiibsado mana jidhiidhicoodee
Soo jiidh wanaagaa jeeniga bal soo qaad
amma xeerka duuduub dhaaxaan jeb u soo joogee”

Qurbaawi: Faysal muxuu ka yidhi ururkii soo bixitaankiisa?

WLC: Faysal wuxuu tirsanayaa in uu yahay Soo noqoodi dadweynuhu u hiiliyey oo ka soo waaqsaday xabaashii Kulmiye iyo WADANI isku kaashadeen in ay ku ridaan, sidaa daraadeed, isaga oo xubnihiisa u caqli celinaya wuxuu yidhi:
“Raga kadeed iyo hawlba wuu la kumaa,
mar waa ka intuu kiilaal galee,
kubkiyo bawdadaba ka kala jaba ee,
haddanaa, hadana kabkabtee ka soo kacee”.
Qurbaawi: Kayse Gurey muxuu yidhi.
WLC: wuxuu yidhi: “Waxaanu nahay naqwadii UDUB iyo Nuxurkii UCID. Isku darkayaga waa New UCID. Xandadkii iyo Xaabadii UDUB iyo UCID iyaga oo beelaysan waxay ku kala biireen KULMIYE iyo Waddani.
Qurbaawi: Waxbaa ka jira arrinkaa. Maxay tidhi Marwo Faadumo Siciid?
WLC: Waxay tidhi iyada af-ingriisina u hoos gelineysa:
“Shicibyoho wanaagsani walaalayaaloo.
Wadnahayaga ku yaalaa, Walaalayaaloo
An isweheshano an wadajirnoo, walaalayaal.
“No tribal discrimination, no favourism, no fear, no ethnic discrimination. No age discrimination, no gender discrimination. Equality for all. Jobs will be distributed by merit. That is our moto, soo sidaa ma ah.”
Qurbaawi: Waxaan maqlay xanaakada ayaa xaflada ka dhacdaye, maxaa ka jira?
WLC: Ogaalkay waxba kama jiraan. Maxaad maqashay adigu?
Qurbaawi: Waxaan maqlay, markuu Faysal khudbadiisii waafiga ahayd dhammaytay, wuxuu hoos u sii yidhi intuu Jamaal qooraansiyey:
“Soo socoo wax ii sheeg haddii qorshaha sir laga dhigo sama lagama gaadhee.”

WLC: Kow!
Qurbaawi: Jamaal-na wuxuu ugu jawaab-celiyey: “Waagaan tilmaamiyo, tusan iyo barwaaqiyo, tahal baynu gaadhiye, miyaad talo ka weyn tahay.”
WLC: Markaa Murashax ku xigeenka UCID oo maqlaye, ayaa isaga oo ka shakisan in ay gaar u tashanayaan ku yidhi labadoodiiba: “
“Mooyi waanadaadaa wax ku qaadanaysee, mooyi talada waafiya weydaaran doontee, mooyi aniga waayuhu iiga kiin wax sheeg, in xusbinimada daw tahay, abnimada ka door roon, sharci iyo distuur tahay, doorashiyo iyo xalaal tahay, kaltan loogu tala gelin, iyo beelo wacad gala iyo markeenii iyo markoodii waa weli asteeyey Muuse Biixi weydii.”
Qurbaawi: Kulmiye ma dabaaldegey?
WLC: Maya. Shirweynaha xusbiga kadib ayaa laga dhigay.

 

 

 

 

 Hamud Hassan Duale