Todobaadka iyo Soomaaliland ----Xisbi Qaran mise Beel Qaran, keebaynu la hadalnaa?

 

Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guudbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u taagnahay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."


Geeddi: Asalaamu Calaykum
Guuleed: Wacalaykum Wasalaam

Geeddi: Maalintii dhawayd ee guddoomiyhii UDUB uu dalka ku soo noqday baan tegay Madaarka, hawl ii gaar ahayd baan u socday. Waxa aan se la kulmay wax aan aad ula yaabay.

Guuleed: Maxaad la yaabtay? Ma isdhexyaacii iyo maamul xumadii xukuumadda?
Geeddi: Maamulku hawshiisii buu watay, ee dad aan is idhi miyey guulwadaynayaan, ma UDUB bay odayga ka ridanayaan? Illayn soo dhawayn ka weyne sidee wax u jiraan baan is weydiiyey. Waxaase igaga darnaynd markaan arkay nin ku dhawaaqaya (Halkani waa Masallihii, wallaahi ta ka dhacda in dhegaha faraha la gelin....in ay ku noqon doonto 94 kii, erayo aynu Ilaahay denbi dhaaf ka weydiisannay beri hore, mise mid kale baa halkaa ka qaylinaya, mise waa mid kale yaab iyo amankaag.

Guuleed: Waar, anigu maan tegin oo malaa adigu waxa aad u shaxaad tagtay, wasiirka Duulista'e anigu waxaan maqlay meeshaa ceeb baa ka qabsatay xukuumadda. Madaxweyneheennii hore oo soo degay, oo innaga mudan in la soo dhaweeyo baa la doonay in sida rakaabka caadiga loola dhaqmo---dee reer UDUBna taasay ka dhiidhiyeen.

Geeddi: Waxa aan ku weydiiyey ma xisbi qaran bay metelayeen kuwii lahaa halkani waa Masallihii?

Guuleed: Maan maqal cid sidaa tidhi, waxa aan se maqlay in meeshaa fadeexadi ka raacday xukuumadda.

Geeddi: Fadeexaddu ma xukuumadday raacday mise Beel Hebla?

Guuleed: Waar nin weyn miyaanaad ahayn waa maxay waxa aad ku meeraysanaysaa. Xisbi Qaran oo Kulmiye la yidhaahdo oo xukuumadda maanta haya ayaa lala hadlayey---maxaa beel kugu meermeeriyey.

Geeddi: Haddii Xisbi iyo xukuumaddiisa lala hadlayo. Maxaa looga jeedaa sidii 95kii baa aynu kala guran doonnaa. Miyaanay ahayn ragga sidaa lahaa hebel iyo hebel, oo reer Qansax ah, miyaanay la hadlayn reer qudhac. Waar ninyahaw waxa aad UDUB u sheegtaa ama xisbinimo ku hadla ama waxa tidhaahdaan Xisbi ma nihin ee annagoo reer Qansax ah ayaanu la hadlaynaa reer Qudhac.

Guuleed: Dadka adigaa u kala abtirinaya ee maamulka u sheeg farsamo xumada haysata. Waxaan se ku weydiiyey. Raysal wasaarihii miyaa laga bedelay jagadii?

Geeddi Raysal wasaaruhu waa kuma---dalka waxa ka jira Madaxweyne ku xigeen?
Guuleed: Waar kolba magaca ha laga bedelo waa uun Raysalwasaare dahsoone----ninkii Xirsi ma waxa loo magacaabay Wasiirka madaxtooyada?

Geeddi: Dee magacii baa garanweydeen oo dabadeedna kii dadku yaqaannay ayuunbaa laga dhigay. Mana aha Raysal wasaare, ee waa uun wasiirka madaxtooyada.

Guuleed: Anigoo la yaabban wasiirka madaxtooyadu, waxa uu qabto ayaan maqlay nin qoraa caan ah, ahaa oo loo magacaabay Isuduwaha Madaxtooyada. Waan yaabay oo hadana yaabay, oo muxuu isuduwi? ma daartan madaxtooyada ayuu isu duwayaa---dee mooyaan!. Maalinba waxa aad maqashaa wixii kale ka daran.

Geeddi: Wasiirka madaxtooyada hawshiisa waa la yaqaane, wax kale i weydii. Waa hawl qeexan oo habaysan oo muhiim ah. Isuduwahan aad carrabka ku xejiseyna, hadduu qoraa ahaa ama wuu qori ama waa loo qori ma garatay.

Guuleed: Anigu daartaas foosha xun in ay wasaarad dhan noqoto---oo miisaaniyad loo sameeyo ilama aha. Wasaarada Reermiyiga ayaa u baahan in la xoojiyo oo miisaanayidda madaxtooyada loogu daro. Wasaaraddaas baa innoogu muhiimsan.

Geeddi: Waar tu danbaynu lahaane, nimankaa waxa aad ku tidhaahdaa af Xisbi ama af Beeleed mid uun la kaalaya---labada oo isku muusaysan lama kala saari karo, ee kala hufa oo kala haadiya.

Guuleed: Adiguna xukuumadda waxa aad ku tidhaahdaa--caddaalda ku dedaala, wax walba yaanay dee halkii noqon---dadku wuu isyaqaane, innaga ilaaliya dee Reer Diini.

Geeddi: KKKKK waar inna keen.....

Nabad iyo caano

 

 

 

Sayid-Axmed M. Yuusuf