Todobaadka iyo Somaliland: "guryonoqodkii
Siilaanyo iyo weftigiisii
"

 



Guuleed: "Geyigaan ilaashaa, Dalka gebi ahaantii guulbaan la jecelahay, Danahayga gaarka ah, ta guu dbaan ka doorbiday, Geesiyada dalkeennaan garabkooda taagnahay, Goldalooladaan arko, farahaan ku gudayaa, geedbaan u gooyaa, kii gufeeya baan ahay, Dadkoo gama'sanbaan, gaadh aan u  taagna hay, Qalinkaygu godob ma leh, Xaajadii gurracanbaan, Hadba gaar u sheegaa".

Geeddi: " Reer guuraa ayaan ahay, nin guurguurayaan ahay. Reer Geediyaan, hadba gees u rarayaa, Guushaad ka hadashay iyo geyigaad tilmaantay, nin u heellan baan ahay, Arrimaha dalkeenna, geesta aad ka joogto, geesta kalaan ka taagnahay. Guddoonkii la doortaan garabkiisa taagnahay, waxse aanaan garanayn, labadeenan geeljire, kay gartiisu saxantahay, dadweynoow gartaa naqa, idinkaa garsoore ah."

Geeddi: waxa aan ku diirsaday safarkii madaxweynaha iyo guushii uu ka soo hooyey!

Guuleed: Waaryaahe, Dee malaa waad kaftamaysaa maanta. Waar, bal shaaha noo dhiib oo sonkorta noogu soo badi. Waxa aan la yaabbanahay, sida aanaad waxba u arkayn, weligaa daacad baa laga no qdaa dareenkaaga. Yaanay ku jiidan beelnimo iyo, saaxiibtinimo ------- iyo dee hunguri.

Geeddi: Maan garan waxa aad ka hadlayso'e u soo dhaadhac ujeedadaada.

Guuleed: madaxweyne Siilaanyo, waa run bilawgii safarkii Jabuuti si fiican buu u dhacay, kii Itoobiyana (ku dayasho haba iska ahaadee) Ooraydh buu ahaa, laakiin dee safarkii UK odaygu tamashle ayuu u t egey ama caafimaad buu u tegay siday dadka qaarba sheegayeen. Waxa ay ahayd in uu runta shee go oo aanuu marin jidkii Rayaale, oo uu yidhaahdo, waxa aan halkaa u tegey arrimo ii gaar ah, wixii aa n la kulmona waan la kulmi doonaa. Waxa taa ka sii daran ninka Saxaafaddii la kulmi waayey ee durd uro ku tegey gurigiisii. Daahir waxaa buu odhan jiray "albaab kasta waanu garaacnaye" ma intaasuu odhan kari waayey?

Geeddi: Waar wararka iska shaandhee---- run ma aha waxa laguu sheegay ee kala huf oo kala haadi. Waxaanse la yaabay maalin dhowayd buu mid igu yidhi madaxweynihii hore, ee Daahir Rayaale, waxa uu sugayaa jawaabtii aqbalaada ama diidmada ee qaxootinimada Ingiriiska. Ma taasaa la aqoonsanay aa uu ka soo cararay Daahir Rayaale.

Guuleed: Oo Daahir ma Ingiriiskuu joogaa?

Geeddi: Haa dhawr biloodba halkaasuu joogay. Mid kalaa isna igu yidhi, waxa loo diiday Faransiiska oo uu lacag badan dhigtay markii ugu danbaysay oo Sanduuq uu ka furtay bangiga ugu weyn Faransiis ka---isagiyo Ina Xoor Xoor. Lacagtana waxa ku qoran nin ay qaraabo yihiin Daahir, waase loo diiday. Dabadeedna waxa uu helay dalku galka Ingiriiska oo sidaasuu ku tegey.

Guuleed: anigaad i lahayd warka iska hubso'e adigu miyaanaad iska hubsanayn oo kala hufayn ma wix ii laguu sheegaba waad qaadanaysaa?

Geeddi: Looga qaateen baa ii sheegay---haddaa maxaa dhigay London?

Guuleed: Horta Ilaahay runta sheega buu yidhiye, aad baan ula yaabay ninkii intaasoo sannadood dalka ka talinayey oo bil keliya joogi kari waayey dalkiisii hooyo, ee markiiba u cararay Abudabay, ilaa Jabuuti, Itoobiya ilaa Ingiriiska. Waa war la heli doono--sababta dhigtay Yurub ee uu u xammili waayey dalkiisii uu madaxweynaha ka ahaa. Waxa kaloon isweydiiyey yaa kharashka intaa le'eg ka bixinaya? Xoolihii masaakiinta ee la boobay ayaa hudheelada lagu jiifaa. Ma waxa uu garanwaayey marka hore bal dadkaaga la joog muddo sannad ah!

Geeddi: Dee kaa aad qirayso in uu xoolihii dadka hudheelada ugu jiro ayaan maalin dhoweyd maqlaayey muxuu Siilaanyo u soo booqanwaayey? Ma tuug baad soo booqanlahayd?

Guuleed: Ma waxa aad leedahay "tuug tuug ma xado"?

Geeddi. Maxaad uga jeedaa?

Guuleed: Iska dhaafoo, dayuuraddan hubka sidday maxaa laga yeelayaa?

Geeddi. Dee waa la hubsanayaa in ay dhibaato inoo leedahay haddii aynu la wareegno hubkaas oo xeerka caalamiga ayaa la eegayaa. Haddii kalese waa la wareegaynaa sidaasuu yidhi baa la yidhi wasiirkii arrimaha guduhu.

Guuleed: Weger iyo ka waaweyn.... Wallaahi haddii dayuuraddaas la sii daayo, waad maqli doontaa ta ka dhacda---haddii Siilaanyo gurigiisa loogu geli waayo wax danbe ha i weydiin.

Geeddi: Oo maxaa dhacay?
Guuleed: Waar yaa ku aqoonsan ee aad leedahay xeerarka caalamka. Adduunka cid ku aqoonsani ma jirto, hubkaasina waa hubkii adiga lagugula dagaalamayey. Xataa dayaaradda ayaa istaahisha in lala wareego. Waayo Qaramada midoobay waa ay ka mamnuuceen hubka dhulkii la odhan jiray jamhuuriy addii soomaaliyeed oo Somaliland na ku jirto. Yaa fasax siiyey ay ku timaado dhulka soomaalida---indhaha fur oo si garaad sare u hadal. Car ha la sii daayo--- waa ......inoooooooooo.

Geeddi: Dhaartan badan iska daa, oo dagaal ooge ha noqonine nabadda ka tali.

Guuleed: Waxa aan u malaynayaa in la soo hayo xukuumadda Siilaanyo, mar haddii aan arkayo dhawr wax oo aan hubo in dadku ka gilgilanayaan---hoosna u dhigaysa xukuumadda maanta jirta--haddii aanay wax ka qaban.

Geeddi: Oo maxay ahaayeen.

Guuleed: Waxa laga hayaa Ilaahay ha u naxariistee Cali Jaamac Haabiil oo ahaa gabayaa aan loo jilib dhigin xilligii uu noolaa. Gar adkaatay, xaajadoo gurracan guurti kala maagtay, gaagaabsayaa iyo isa gu gaar u hadalyaaba, guddoonkii la wada raaci jiray goconayaa mooyi" Haddii Axmed Siilaanyo gudd oonkiisu uu noqonwaayo kaa uu sheegay Cali Jaamac-----waa loo yaabaa.


Yeedhista Sh. Aadan Siiro----waxa ay ka mid tahay arrimaha aan weli dadku fahmin. Marka loo eeg o halka uu Sheekhu ka taaganyahay arrimaha siyaasadda ee dalka.

Waraaqahan iyo kaydkii Wasaaraddii Qorshaynta ee bannaanka la dhigay

Dayuuradda timi ee sida jilicsan looga hadlayo

 Safarkii ingiriiska oo hoos u dhigay labadii safar ee ka horreeyey

Ardayda la xidhxidhay ee xabsiga loo taxaabay

Weriyayaasha la jidh dilay iyo kuwa la xidhay iyo kuwa ulaha booca ah loogu tukubayo

Xisbiga Kulmiye oo mucaarad noqday


Arrimahaasi waxa ay keeni doonaan hoos u dhac, taageerada dadka, haddaanay xukuumadda maan ta joogtaa ildheer u lahaan.

Geeddi: Dee waa talooyin wanaagsan

Guuleed: Hadday wanaagsanyihiin dee kollay berri ama saa danbeba waad tegi doontaa gurigii Moor gan....Maya , maya waxa aan u jeedaa madaxtooyada'e u sheeg oo talooyinkaa iga gaadhsii----qaar kaloo badan baan hayaa haddii aad gaadhsiiso kuwaa hordhaca ah.

Tu danbaynu lahaan

 

 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden