Tobankii cisho ee bishan ramadan horeyay waxbadan baa
inaga khaldanaa ee bal dhawrkan maalmood ee inoo hadhey
aynu ka faa'iideysano bishan barakeysan
RAMADAN KARIIM aakhristow meel ad joogta ba.
Bishii ramadan tobankii cisho ee ugu horeyay waxbadan
baa ina seegay dadoow, waxa runtii wa ajib inagu aheyd in
aynu ka faa'iideysano kheyradka ey bishan ramadan
xabaarsantahay, maalin tii ey kawsatey bishan ramadan
waxa saxaafada iyo warbaahinta ku badna oo lagu soo
daabaca yay laqwi badan oo baal marsan sharafta iyo
karaamada bishan ramadan leedahay ey leedahay, waa bil
an loo baahneyn in qofna qofkale aflagaadeyo, waa bil
mudan in afkaaga iyo adinkaaga in ad xakameyso oo ad
xumaanta ka dhawrto iyo laqwiga, waa bil mudan in ad
xubnahaga ad ka dhowrto wixi soonkaaga wax u dhimaya,
waa bishi loo baahan inad ducada alle badiso.
Waxan haddaba leeyahay bishii ramadan dadkii tobankii
cisho ee ugu horeyay sida adag u wada hadalay ee aheyd
qabyaalada, neceybka shaqsi iyo aflagaadada ba in ey
toobad illaahey weydii stan oo ay ka soo noqdan wixi 10
cisho ee bishan u horeyay afkooda ka soo baxay
dhamaantoo dna is wada saamaxan, maadaama ay is kantrooli
kari waayeen bishi barakeysney, runtii waxa inoo furan
oo qiil inoo noqoneysa toobada alle oo eynu weydiisano
iyo quluubteena oo isawada saamaxda.
Dhawrkan cisho ee inoo hadheyna ad ka faa'iideystan oo
ad waxa wanaagsan isfartan si uu waa jibkaasi soonku u
noqdo mid aynu ku guuleysano oo aynu ajar badan ka helno
illaaheyna inaga aqbalo faralakaasi bisha ramadan ee
barakeysan.
1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu
camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee,
kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku
waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta.
Sidaa a wgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu
iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaad aa laqwi ku
hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la
diriro ama caayana ha yiraah do anigu waan soomanahay. ‘
Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa
neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay
miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kul m aa laba
farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan
labaadna waa uu ku farxi doo naa ajarka soonkiisa, markii
uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim)
Tani waa werintii Bukhaari.
Waxan kusoo gabagabeynayaa waar shan iyo tobankan
maalmood ee inoo hadhey eynu noqono kuwii ka
faa'iideysta ee soonkooda illaashada islamarkan xumaanta
ka dheerada, illaaheyna ina ga aqbalo faralkaasi bishan
ramadan
Omar Darood Hassan
Norway |
|