Tixdan yar oo soo baxday 18kii May, 2014ka oo ahayd maalin tii loo dabaaldegayey 23 guuradii ka soo wareegtey gooni is-ku-taagii Somaliland, ayaa waxay ka hadlaysaa arrimo uu curiyuhu ugu talogalay; in uu akhristu macnaysto ama furfurto!

 

 

Waxayna ku salaysan tahay dood male'awaal ah oo dhexmartay, laba nin oo la kala yidhaahdo:Daahir iyo Ducaale.
Waxayna sheekada oo darandoori ahi u dhacday sidan:

Daahir baa yidhi:
Daawi cagaweyn
Darkii loo xidhay
wayska dumisee
Dawlaskaa hadhay!

Ducaalaa yidhi:

Miyaan doob wadin
Darka xidhi kara oo
Ka duwaay yidhi?

Daahir baa yidhi:
Duco qabihii
soo dagaalamay
wuu duqooboo
Dar kalaa wada!

Ducaalaa yidhi:
Sowkan dawyada
Dildilaacshee
Dadkii yaabeen!

Daahir baa yidhi:
Daawidaydani
Dushaad aragtee
Daakhilkaa qalan
oo dabbaa shidan!

Ducaalaa yidhi:
Ma dilaaliyo
Doqon liitiyo
Dumar baa helay?

Daahir baa yidhi:
Dambi hay geli
Warkaan kuu dedey
Ma dilaacshay
Aduu daydayo?

Ducaalaa yidhi:
Daawidaadani
Miyay doobiga
Daf ka siisaa?

Daahir baa yidhi:
Dayrtan maanta ah
Daawi gamashidoo
Dambeedadii gudhe

Ducaalaa yidhi:
Deeq Ilaahiyo
Miyaan roob di'in
Oon doogba soo bixin?

Daahir baa yidhi:
Duleed joogtoo
Dabar lagu jiid
Raggii loo diray
halka doogga leh
way duwayaan!

Ducaalaa yidhi:
Kan dabraayeey
Dirgan laadahay
Maad ka deysaan?

Daahir baa yidhi:
Dareemada iyo
Dixidii bay
ka dikhootoo
Waxay doorbidi
Dameer kuu nacay!

Ducaalaa yidhi:
Ma daawgalkii iyo
Duqdaay duugtay
Dahab moodoo
ka dul oydaa?

Daahir baa yidhi:
Dorraad daawgay
ku dayowdey
Dib-u-raadee
Daayin baa jira!!

Ducaalaa yidhi:
Dawan bay yidhi
duqii weynaa
Deeqaduu qabey
wuu dalaaqee
Dabka yaaw shidi?

Daahir baa yidhi:
Diirmadoowdiyo
Degelkeennaba
doqon baa fura
Dahaboow gabadh!

Doqon maahoo
Dugsiguu galay
dumin maayee
Dalqaddiibuu
Dib-u-raajicay?

Dumaasheedana
Dadab baa xidhan
oo niman dooliyo
Dar kalaa sugi?

Ducaalaa yidhi:
Duublayaashii
soo dagaalamay
dumaasheedii
miyey diideen?

Daahir baa yidhi:
Duco iyo orod
digdigleeyoo
looga dacaree!

Ducaalaa yidhi:
Ma dagaal iyo
dirir bay hurin?

Daahir baa yidhi:
Ma dagaal iyo
Dumintii qaran!?

Doqmo maahee
intay doodaan
oy dadka shiriyaan
Dariiqay mari!

Wa bilaahi at-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com