DABAR IYO HOGGAAN

 

Tixdan oo la magacbaxday, " Dabar iyo hoggaan" waxay soo baxday 30kii Abriil 2014ka.
Tixdan oo laba xarafley ahi, waxay si aan-u-la-kac ahayn ugu dhalatay Curiyaha, subax hore oo ahaa taariikhdaa aynu korka ku soo xusnay.


Sababta keentay curinteeduna waxay ahayd, dheehasho ka dhalatay maansada la magacbaxday, " Dun iyo shaal" oo uu si farshaxan leh isu-kugu-dubaridey maansayahanka curiyey tixdaasi!


Taasi macnaheedu ma aha, in aan ka masayray ( hinaasay) qaabdhismeedka maansadaasi ama aan la dibaaqayo. Waxanse isku dayey, in aan u hiiliyo maansayahankaasi oo aan u arkay; in uu daahfuray hab iyo hannaan cusub oo uu ku soo kordhiyey tixda soomaaliyeed.
Waayo, inta aan arkay ama ogahay; waa qofkii ugu horreeyey ee tiriyey tix dhammaystiran oo macno leh ahna laba xarafley.

Haddaba, maansadan oo hadday dhaboowdo sida aan korka ku soo sheegay noqonaysa; tixdii labaad ee taa hore nooceeda ah ee soo shaacbaxdaa; waxay ka kooban tahay labada xaraf ee Da(D) iyo Ha(H). Waxayna leedahay oo ay ku bilaabantay:

 



Daayin baa habeeyoo
Dunidani hagaajoo
Dadkoo haybo kala duwan
Duunyadiyo halgarigiyo
Daayeerka halabliyo
Dameerkaa hunuushliyo
Duulduule haadkiyo
Dadka haybihiisoo
Diirku miduu ka hoolmiyo
Dugul iyo huruudba luu
Dacallada ku hooyey

*****
Dunjigaa haldhaagee
Dushu haybahaa tahee
Daranyadu hadhaysaan
Dacwadani hordhigayaa

*****
Da' haddaad mar gaadhoo
Daamanku ku heegmaan
Duco iyo habaariyo
Danta hanashadeediyo
Da'yartood hagtaabaa
Damiirkii habbooniyo
Dadnimadu ku hoyataa!

*****
Dulucdiisa hadalkiyo
Dirsoocii haddaan galo

*****
Dumarkoo hagoogtoo
Dadnimada Habbooniyo
Diintoodu hageysaa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Duqey xeerka hanatoo
Dacwaddey haleelaan
Damal hoos qabowiyo
Duleedkoo habaasliyo
Daar intay huluushaan
Daydayaan habkeedii
Dulucdey ku hoyatiyo
Danta hoos u eegaa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Doobkiyo hablaha oo
Dudadaasi heelliyo
Durbaankiyo heesiyo
Duurxulkii hufnaa iyo
Darayskoo habbooniyo
Daanshosocod hadaafshaa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Diinta sheekh higgaadshoo
Daliilkeeda helayoo
Duhurkiyo habeenkaba
Dikrigii u hiishoo
Daalacasho awgeed
Diiggii hurdada baraa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Duunyadoo hormooyinoo
Dabin hadashay koobeyn
Dalka hooyey xoolahee
Degmo ay ku hoyataa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Damashii Hargeysiyo
Daalloo hillaacdoo
Daawashadu ku hoyataa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Dalagii hadhuudhkiyo
Dooxyadaa haraaciyee
Dindinkii xareediyo
Dooggu uu hadheeyaa
Dirkan lagu hilaadshaa

*****
Dulucdiisa hadalkiyo
Dan halkaan u leeyahay
Dadku hayla eegee

*****
Dunidani la horayee
Danyartii hulleeshee
Dilaaladu hor boodaan
Dalkaygow halkeed tahay?

*****
Damiimkii hilaabtee
Daganeen horuu socon
Dirxigaba hortiibaa
Doofaar halabta leh
Dacawada hir joogtiyo
Dabayluhu hafinayaan!

*****
Dabar iyo hoggaan baro
Daacadnimada hiigsada
Dan u hiilinteediyo
Dalka heegan ugu jiro
Doqon yuu hoggaan qaban
Duhurkii hurdoodaa!
Digtoonow horjoogow

*****
Diricii hubqaadliyo
Darajee halyeeyada
Dal waxaa hoggaan u ah
Distoorkee hirgaliyoo
Duuflaale yuu hanan
Dawladnimo hoggaankeed

*****
Dulyaraantu waa hoog
Deganaantu waa hooy
Damal hadhaca weeyaan
Dadku ay hadhsanayaan

*****
Daabad aan hayin ahayn
Didsan oon hoggaan baran
Diidaaya heeryada oo
Dusha haan ku qaadeyn
Dudmo iyo hinaase loo
Dadka hadaladoodiyo
Doodooda hiifaa
Dawladnimada yuu hanan!

*****
Duqeydiyo haweenkiyo
Daa'imadada ha tuurina
Dibjirkii habeenqada
Diiftiyo harraadkiyo
Darxumada ha saarina!
Deeq aan hagar lahayniyo
Daryeelkiisa hiigsada

*****
Diinta hiigsigeediyo
Darajee higgaadoo
Dugsiyada ha lagu dhigo

*****
Daayin baa ka hodonee
Dawarsiga ha baranina
Doolariyo hunguri xumo
Dabka hoos ka nooliyo
Dambas yaanay kugu hodin

*****
Dabinada hadoodilan
Dalaq ha isku siinina
Duxda hiifa qaarkeed
Dalqadaa ha gelinina

*****
Dufan aan habaysnayn
Dirxi baa ku hoos jira
Daakhilkiisu huubiyo
Daraygii hadduu yahay
Dildilaac ha lagu dayo

*****
Diricii halyeeyee
Dorraad kugu hagoogtiyo
Daacaddii haldooree
Danta kuu horseedaba
Deebaaq ha siinina!

*****
Daayin hadaladiisiyo
Diinteenna haadsani
Dabuubtii hufneydee
Dabintii rasuul tidhi
Duruustay hilaadini
Dubaaqeenna ha u dego

*****
Dariskii hagaagsani
Docwareenka hoosiyo
Dibindaabyo hiiliyo
Dabuubtood halgaadiyo
Daymadoo huruufiyo
Dikhow yaanu kaa helin

*****
Daawiyey hashaydaan
Dirqi aan ku soo helay
Dihatee hadhuubkii
Daf ka siisay xoorkii
Duq u heelan baa jira!

*****
Daarahaan ku hoyan jirey
Doolarkaan habayn jirey
Daraadeed hashaydaan
Dunidaba hibeeyee
Duurka aan u hoyan jiraa
Dad nimaan aqooniyo
Doqon soo hanjabayaa!

*****
Daraadeed hashaydaan
Diiftiyo harraadkiyo
Dalandool haboowgii
Dacowga iyo haadkii
Dulbaaxdayda hiigeen
Dad nimaan aqooniyo
Doqon soo hanjabayaa!

*****
Daafaha haddii aan
Dayuuradaha hoowliyo
Dunbuq iyo hub labadhaca
Diriciyo halyeey iyo
Dumarkoo hubqaatiyo
Daraawiishi heegneyn
Dusduskii hacoogiyo
Dagni halisa weeyaan!

*****
Daalin hiil ku nooliyo
Doqon haysta reernimo
Dabka yaanay kugu hurin
Digtoonow horjoogow!

*****
Diirdiirka hoosiyo
Dugsigii ku hodi jirey
Dalaq ha isku siinina

*****
Duuduubka hadalkiyo
Dulucdiisii hoosiyo
Dan halkaan u leeyahay
Doodda aan ku soo xidho

*****
Daaniye aan hambeyneyn
Diirtaan habeen qadin
Dalqo weyne haamaan
Dam ka siiya kaydkoo
Dafiroo hanjabayaa
Daakhilkaaga hoosiyo
Dawladnimada yuu hanan!

*****
Dabka soo hulaaqiyo
Dabinada hadoodilan
Dubuq ha isku siinina
Digtoonow horjoogow!

Wa bilaahi At-towfiiq


 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com