Tix
kahadlaysa Doorashada Wakiilada iyo Deegaanka
Xiligii lagaadh iyo waqtigii xiiso loo qabaye
Adigoon kusoo xigan shaqsiga hebel xigaalaysi
Keebaa kuxiga iyo adoon Hebelo soo xoomin
xulashadu midkood bayse noqon aad u xilanlayde
Bal xaqiiqso waayaha jiriyo adi xisaabtaada
Mid xasaasigiyo baahiyaha xalal usoo raadsha
Xogta hoose ruux kula ogoon maatida xambaarta
******
Midaan xoolo kaa urursaniyo dabaqyo xayndaab leh
mid xashiishka kaa ururiyoo bilicda xoogeeya
Mid xadaariyoo waayahana xaraf kasheegayaa
Mid xaqiiqda joogtiyo wajaha gobolka xaalkiisa
Ruux lala xisaabtami karoo xeerku qabanaayo
Mid xajiinta kaa dhowra iyo xaalad dhagaraysan
Mid xaqaaga kuusoo dhacshoo xeebashada diida
******
Xeerbeegti aan laga lug bixin xiisadiyo dooda
Iimaanku ruuxuu xasilay oo xigmadi jiifto
Ha xariiqin kii baalkamaray xeerka iyo qoyska
Xawilaad mid laga maamuloo xarafyo loo yeedhsho
Xildhibaan mid lagu sheego oon xarunta soo dhaafin
xoolaha agoontiyo mid cuna maato xeradeeda
xiribuhu miday diirranyiin sharfna soo xooray
******
mid intaad u xiiqdaan hadhow xawli kugu dhaafa
oo markuu xasaaniga noqdana xaafadaha shiida
Midaan xaadir kuu noqon markii xaaladi adkaato
Mid markuu ragu isxeeladayn fule u xuub-siibta
Mid albaabka kaasoo xidhoo xiisihii lumiya
Xaaraami tiisa u ordoon adi ku xaalaynin.
******
osam71@hotmail.com
Germany
Wa Allahu Almuwafaq
Cismaan gucure
|