Tilmaan iyo Toosin

 

 

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow. Bariidaasi kaddib, waxaynu ha ddii Eebbe idmo wax yar diiradda saari doonnaa - si aynnu u axadhno; shirkii jaraa'id ee uu shalay qabtay mudane madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi.

Waxaynnu isweydiin doonnaa - haddii Ilaahay idmo - maxay madashaa si dhaliil lahayd oo u baahan dhalanrogid ama ay dheef u lahayd madax weynaha iyo xukuumaddiisaba?!


 

Haddii aynnu ku horraynno dhinaca dheefta iyo dhaqanka wanaagsan ee ay lahayd, waxaynnu u soo koobi karnaa sida tan:


 

 

  • Runta marka la sheego, warsaxaafadeedkii uu shalay madaxweynu qabtay; wuxu aad iyo itaal uga duwanaa, kuwii hore ee madaxtooy ada Somaliland qaban jirtey! Waayo, waxa meesha ka baxay; ninkii macalqabadka ama dillaalka ahaan jirey ee ku kala dhex jiri jirey madaxweynaha iyo saxaafadda. Ninkaasi oo ahaan jirey: afhayeenka madaxweynaha, wasiir ama nacamle kale!

 
  • Waxa iyana xiisaheeda lahayd, muddada uu madaxweynu siiyey su'aalaha suxufiyiinta iyo jawaabaha uu bixinayey oo waafi ahaa.
  • Madaxweynaha oo madashaasi kaga jawaabey, xan iyo xamxam beryahanba la isla dhex marayey oo ku saabsanayd: xidhiidhka xukuumaddiisa iyo saxaafadda waddaniga ah, xidhiidh xisbiyada iyo xukuumaddiisa ka dhexeeya iyo tollaayayda iyo tawaawaca odayaasha fasaqmay.
Markaasi waxaynnu odhan karnaa, shalay madaxweynuhu dhawr shimbirood ayuu hal shiish ku wada diley!

Haddii aynnu dhugano dhinaca dhalliilaha ay madashu lahayd ee u baahan in dhayo, waxa ka mid ahaa:

 

 

  • Madasha oo ahayd meel furan oo bannaan ah oo aan kursi iyo fadhi toona lahayn oo u ekayd, dheh oo ka dhaqaaq
  • Weriyayaasha oo aan intooda badani makarafoonno adeegsan markii ay madaxweynaha su'aalaha weydiinayeen oo aad su'aalaha qaarkood ka fahmeysey oo qudha jawaabta uu madaxweynuhu bixiyey
  • Madasha oo ay su'aaluhu ahaayeen hororsi iyo inta aad dhawaaqi kartid! Arrintaasina, waa ta haweenkii su'aaha ka qadisay - haddii ay goobtaba joogeen?
  • Weydiimaha weriyaasha qaarkood oo saluug lahaa
  • Waxa isaguna aad u liitey, habka habmaamuuska ee madasha oo waxyaabo badani ka dhinaayeen!

Guud ahaan marka la isku soo xooriyo, dhawr tallaabo hore ayaa loo qaaday oo waxa meesha ka baxay; madaxweynihii uu macalqabadku kaga gudbanaa saxaafadda iyo kala xigteysigii weriyayaasha ee aan qaarkood looba ogolaan jirin goobta ama la is dhegomarin jirey su'aalahooda.

 

Haddii aynnu soo gunaanadno, madaxtooyadu waxay u baahan tahay: in ay yeelato - hadday leedahayna   la hawlgeliyo - qolweyne (conferenc e hall) lagu qabto: warsaxaafadeedyada dawladda iyo wixii kale ee mu hiim ah iyo in baratakoolka madaxweynaha ee fagaarayaasha wax wey n laga bedelo.


 

Alle ayay Mahad oo dhammi u sugnaatay, adiguna akhriste mudnaan baad leedahay.

 

 


 

 

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com